Warbixin UN Monitoring Group Ka Gudbisay Somaliland Oo Lagu Xusay Kor U-Kac Ku Yimid Qiimaha Dhulka Iyo Xaraash Sharci-Darro Ah Oo Lagula Kaco Dhulka Iyo Hantida Ma-Guurtad.
Warbixin UN Monitoring Group Ka Gudbisay Somaliland Oo Lagu Xusay Kor U-Kac Ku Yimid Qiimaha Dhulka Iyo Xaraash Sharci-Darro Ah Oo Lagula Kaco Dhulka Iyo Hantida Ma-Guurtad Hargeysa (Hubaal) Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay ee loo yaqaan “UN Monitoring Group” ayaa soo saartay warbixin sannadeedkooda ay u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay wakiil uga yihiin arrima amniga iyo sirta ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray iyo Ereteriya. Warbixinta oo maalmihii ugu dambeeyey laga sugayey waxa uu Golaha Ammaanku ansixiyey Salaasadii inna dhaaftay, waxayna ka kooban tahay 322 bog. Warbixinta “UN Monitoring Group” ay soo saaraan waa ta rasmiga ah ee uu ku dhaqmo kana shidaal qaato Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ah unugga qaabilsan go’aamiyana amniga dunida. Sidii sannadihii horeba, warbixintu Somaliland kama ay sheegin dhibaatooyin aad u waawayn oo la mid ah kuwa ay ka sheegtay Puntland iyo Soomaaliya, kamana ay wada tegin. Waxa ay warbixinta kooxdu ti...