Sunday, 20 September 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Ka Mida Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaraddaha Qaarkood -



Caasimada Ethiopia Ee Adis-Ababa Oo Laga Bilaabay Khad TAREEN Oo Casriya, Kuna Baxday 470 Milyan Oo Doolar.



Ethiopia(Sayruuq):- Dawladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ka bilowday khad tareen oo magaalada gudaheeda ka shaqaynaya,kaas oo isticmaalaya Koronto,waxaa ku baxday 470 Milyan oo Doolar.
Tareenadan oo halkii saacba qaadi karaa 60 kun oo rakaab ah., waxay isugu jiraan kuwo Cadiin,Akhtara, Buluug iyo Kuwo Cadaan ah waxay ka shaqayn doonaan 34 KM oo magaalada gudaheeda iyaga oo koronto ku shaqaynaya.
Waxaanay adeeg siin doonaan hal Milyan oo ruux maalintii-ba qiimuhuna waxa uu noqon doonaa wax ka yar Doolar badhkii.
Mashruucani waxa uu astaan u yahay raadka dhaqaale oo Shiinuhu ku leeyahay Afrika. Khadkan waxaa dhisay Injineero Shiine ah waxaana intiisa baddan maalgaliyay bangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China.
Dawladda Ethiopia waxay sheegtay in tareenadani ay shaqayn doonaan 16-saac maalin kasta,isla markaasna ay wax weyn katari doonaan cidhiidhiga ka jira waddooyinka Magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.


Maxkamaddaha Somaliland Waxay Noqdeen Saylado Dilaaliin U Soo Shaqo Tagaan" Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre 
 


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Aadan Xaaji Cali  ayaa ka hadlay qorshayaan ay dhawaan doonayaan inay ka fuliyaan bahda garsoorka somaliland.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland oo maanta ka hadlayey tababar uu jaamacada Hargeysa ugu soo xidhay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal tababar uga socday xarunta jaamacadaasi.
Gudoomiyaha maxkamada sare waxa uu shaaca ka qaaday is badal ay doonayaan inay ku sameeyaan bahda cadaalada dalka, waxaanu ka waramay caqabadaha ugu horeeya ee hor taagan is badalka ay doonayaan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa jira guddida daba galka iyo baadhida waxaanay hoos yimadaan guddida cadaalada waana la xoojinayaa guddidaas  waxaana la gaadhsiinayaa heer gobol anaga oo gobol walba gaadhsiin doona, waxaana loogu tala galay in
-
qofku sharcigu ilaaliyo oo qofka sharciga dadka ku ilaalinayaa uu isaguna sharciga ilaaliyo, haddii uu isagu sharciga ku tunto dadka kale sidee ayuu sharciga ugu qabanayaa, waana wax la yaab leh aniguna sharciga ayaan ku tumanayaa dadkana sharciga ayaan hor istaajinayaa ismana  qabanayso , ama waa  inaad adiguna sharciga hor istaagto ama waa inaad iskaga tagto laakiin anigu waxaan doono ayaan samaynayaa talaabada aan doonana waan qaadayaa cidina  ima xisaabinayso dadkana waa lay hor keenayaa iyaga oo katiinadaysan iyaga oo ii cabanaya markaa sharci meeshaa kama shaqaynayo ee xoog xoog ayaa ka shaqaynaya.” Ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland
Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland waxa sheegay inay caqabado badan hor yaalaan isbadalka ay doonayaan inay ku sameeyaan bahda cadaalada, waxaanu yidhi “Waxa naga go,an inta awoodayada ah iyada oo ay jiraan caqabado badan, dhaqanka dadka ayaana ugu horeeya, waxa weeyaan haddii ay dadkii donayaan inay iyagu laaluush bixiyaan ka kalana iyaga ayaa laaluushka baraya waanan la dagaalamaynaa, maalin dhaw waxyaalaha aanu hir gelin doono si ay sharaftii iyo karaamadii dib u soo kacdo waxaanu iclaaminaynaa dirayskii ay sadexda qolo lahaayeen, xeer ilaalinta, garsoorayaasha iyo looyarada kuwaas  oo  maxkamada dirays ku iman doona waana la dhamaynayaa dhawaan.”
Ugu danbayntii gudoomiye Aadan Xaaji Cali Waxa uu ka dayriyey xaaladaha maxkamadaha somaliland waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu dhawaan shaacin doonaa inaan sharcigu qaban garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha ee bulshadana uu qabto oo bulshada laaluushka bixinaysa iyaga laftooda talaabo laga qaado, imika maxkamadaheenu saylad ayey noqdeen
Masuul Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Oo Salluugay Qorshaha Lagu Buun-buuniyo Tobanka Arday Ee Ugu Sareeya Dugsiyada Sare
Hargaysa(HWN):-Guddoomiyaha Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Prof. Cabdi Cali Jaamac, ayaa  dhaliilay hanaanka lagu shaaciyo tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyadda Sare, waxaanu ku dooday in arrintaasi ay tahay mid aan sax ahayn oo khiyaamo ku jirto –
Prof. Cabdi Cali waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qorshahaas lagu bedalo in la qiimeeyo dugsiga cel-celis ahaan kor u soo qaaday tayadda waxbarashadda dalka.
Cabdi Cali Jaamac waxa uu mawduucaas ku faaqiday qoraal uu soo saaray oo lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka oo u dhignaa sidan:- Sannad kasta, marka imtixaanka ardayda dugsiyada sare la yeedhiyo, waxaynu maqall wax la yidhaa tobankii arday ee ugu sarreeyay(Top ten), taasoo loo baahiyo si heer qaran ah oo ay goob joog ka tahay wasaaradda waxbarashadu.
Sannad kasta, waxaan is idhaa wax ka qor, laakiin sannadkan ayuu ILAAHAY  qaddaray in aan maqaalkan yar ee kooban aan ka qoro. Dugsiyaduna waxay isugu faanaan tirada ardayda u gashay tobanka u sarreeya dalkoo dhan. Taasoo aynu u fahanno in dugsiga sare ee tirada ugu badan ka hela tobanka ugu sarreya inuu ka waxbarasho fiican yahay kuwa kale.
Aniga waxay ila tahay in ay halkaa ku jirto khiyaamo “statistics ah”, oo haddii aan la caddayn keenaysa qalad-fahanka immikaba ay innaga iibiyaan Iskuuladaasi.
Haddaba, aynu u kala qaadno qiimaynta iskuulada laba heer. Heer qaran iyo heer dugsi. Sheekada Top-ten-ku waxay ku fiican tahay in iskuul waliba tobankiisa arday ee ugu sarreya uu si gaar ah u abaal mariyo, laakiin aanay noqon arrin la baahiyo. Maxaa yeelay marka la joogo heer qaran arrintaasi muhiim ma aha. Haddii aynu rabno in aynu u qiimayno iskuulada si heer qaran ah, sax ilama aha in aynu ku qiimeyno tayada waxbarasho ee iskuul leeyahay inta arday ee kaga jirta tobanka u sarreeya.
Haddii aynu doonayno si caddaalad ku dhisan in aynu u qiimayno iskuulada waa in aynu qaadannaa miqyaas kale oo aan ahayn kaas aan kor ku soo sheegnay. Waxaan soo jeedin lahaa in la yidhaa dugsigee baa celcelis ahaan(average) ugu sarreeya marka la eego dugsiyada sare ee dalka.
Cabbirkan aynu kor ku soo sheegnay wuxuu  kaga fiican yahay kii Top Ten-ka laba arrimood:-
1- Wuu uga dhow yahay caddaaladda. Maxaa yeelay Iskuul fiican oo dedaalay oo aan waxba ka hagran ardayda ayaa waxa dhici karta in tobanka ugu sarreya aanay cidiba ugu jirin.Waxa dhici karta iskuul kale oo ardaydiisu 90% ay liidato, inuu dhawr arday oo xarfaan ah uu ka soo urursado iskuulada waddanka oo dhan, halkaana uu ku helo tirada ugu badan ee Top ten-ka. Taasi markaa waxay baal marsan tahay caddaladda. Mana dhiiri galinayso iskuulada dedaala balse waxay dhiirigalinaysaa kuwa xarfadda sameeya. Taasna innaga wax dan ah oo qaran ahaan inoogu jirtaa ma jirto.
2-Marka heer qaran la joogo, Waxa aynu innagu danaynaynaa waxa weeye iskuulkee baa kor u soo qaaday heerka waxbarasho ee ardayda. Taasina waxay ku imanaysaa in la ogaado celceliska natiijada ardayda iskuulkaas aynu ka hadlayno. Marka sidaasi ay dhacdo ee iskuul waliba ogaado in kaalinta koowaad lagu galayo kor u qaadista tacliinta ayaa dugsiwaliba ka leexan doonaa istiraatijiyada khaldan ee immika ay raacaan.”
Maxaad Ka Ogtahay Afar Arimood Oo Ka Mid ah Sababaha Loo Xadhay Suldaan Mawliid Cali (Sabayse)




Xukuumadda M/weyne Siilaanyo ayaa xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Cali Ibraahin Sabayse oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ee Beesha Subeer-Awal. Ciidamo Boolis ah oo uu hor kacayo taliye xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle ayaa Suldaan Sabayse xabsiga u taxaabay habeenimadii Jimcaha, xadhiga Suldaanka oo loo maray qaab ka baxsan anshaxa iyo milgaha ay leeyihiin madaxdhaqameedku, iyaga oo kasoo qabtay   Guriga ama Maktabka Salaadiinta Subeer-Awal ku leeyihiin Magaalada Hargeysa, Halkaas oo uu ku sugnaa Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi.
Hadaba Suldaan Sabayse oo ah Suldaan ka turjuma dareenka bulshada difaacana qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo Hantida qaranka ee xukuumadani caadada
-
ka dhigatay inay boob iyo qaraabo kiil ku siiso dad gaar ah.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa sababaha keenay in Suldaan Mawliid Sabayse Xabsiga loo taxaabo, xadhigiisana loo maro nidaam qalafsan oo ay ka muuqato cadaawad iyo ciil raagay, anigoo hab qodobaysan u soo naaqishay halka ay kasoo bilaabantay cadaawada siyaasadeed ee ay u qabtay xukuumada siilaanyo inay mar uun xabsiga ku hubsato goor ay noqotaba.
1.   Iibintii Gandi Library: Waa hoyga akhriska buugaagta oo ku taal badhtamaha suuqa magaalada Hargeysa oo ay ka faaiidaystaan dhalinyarada jecel waxbarashada, waxa guriga iyo dhismahaba bixiyay muwaadinka loogu magacdaray Library ga, magaciisana layidhaa Yusuf Ismacil Samatar(Gandi), Hadaba Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo waxay si bilaa gabasho ah uga iibisay Ganacsade ka soo jeedo beesha Bariga Burco (Ina Faarax Xarbi), arintan oo fajaciso ku noqotay dhamaan bulshada reer S.land ee jecel waxbarashada iyo mustaqbalka dhalinyarada, Suldaan Mawliid Sabayse waxuu ka mid ah ahaa Salaadiintii ugu hadalka adkaa ee ka hadhashay iibka Gandi Library, mawqif adagna iska taagay inaany suurta gal noqonayn in la siiyo nin ganacsade ah, hadalkaa oo ay xukuumadu liqi kari wayday laf dhuun gashayna ku noqotay in madaxtooyadu siiso ama ka iibiso Ina-faarax Xarbbi, aakhirkiina albaabada loo furay Gandi Library.

2.  Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday dhulka uu daganyahay Muj. Axmed Jaban Awoowo, kuna dhintay wiil uu dhalay kuwo kalena ku dhaawacmeen: Horaantii bishii 8aad ee sanadkan ayay ahayd markii ciidamo Boolis ah ay yimaadeen goobta uu magaalada hargeysa ka degan yahay Muj. Ahmed jaban awoowo oo ay ku tiraabeen in laysku haysto dhulkaas oo ku xiga Saldhiga Booliska Traffiga ee u dhow kaalinta Indho-birta ee galbeedka magaalada Hargeysa. Kadib ciidankii boolisku rasaas nool ooda kaga qaadeen dadkii goobta joogay, isla markiiba waxay madaxa ka toogteen wiil uu dhalay Muj. Awoowo, halkaana ku geeriyooday 3 qof oo kalena ku dhaawac meen. Dhacdadaa kadib waxa dadkii arinkaa galay ka mid ahaa Suldaan Mawliid Sabayse oo meel adag iska taagay kuna oogay danbigii halkaa ka dhacay inay ka danbaysay xukuumada Siilaanyo, madaxtooyaduna doonaysay inay siiso shakhsi ay wateen, kiiskan oo dhinacna u dhaafi waayay waxa uu Suldaan Sabayse ku adkaystay inay madaxtooyadu saddex uun mid soo gasho, A. ina la helo cidii ka danbaysay dilkan dhacay ee ciidanka amarka soo siisay B. in madaxtooyadu keento cidii la siiyay dhulkan mujaahidka? C. In la keeno askarigii madaxa ka toogtay wiilkan yar 9 jrka ahaa?, arinkan wuxuu ka mid noqday mid sii xoojiya cadaawada ay xukuumadu u qabtay Suldaan Sabayse

3. Shir ay wada jir u qabteen Salaadiinta Beesha Habar-awal iyo H.Yoonis:Todobaadkii ina dhaafay ayaa kulan qado ah waxa iskugu yimid salaadiinta beesha Habar-awal iyo Habar Yoonis, kulankaas oo xukuumadu sas ka qaaday ayaa waxa si wayn uga dhex muuqday Suldaan Mawliid Sabayse, oo door wayn ku lahaa sidii uu shirkaasi u qabsoomi lahaa, kulankaas oo si wayn loogu lafo guray xaalada guud ee dalka, nabadgalyada iyo xukuumadan u tafa xaydatay xaalufinta hantida umadda. Arinkan wuxuu sii xooojiyay qaniin yadii madaxtooyadu u haysay Suldaan Sabayse.


4.Wareejinta iyo iibinta Haamaha Shidaalka Berbera:Arinka iibinta iyo wareejinta haamaha shidaalka qaranka ayaa mudooyinkii u danbeeyay noqday mid bulshada reer Somaliland ay indhaha ku hayaan, waxa ay maanta u dooratay xukuumada Siilaanyo inay kaydkii qarankan ku wareejiso shirkado Private ah, inagoo ogsoon in shirkadii Total ee private ka ahayd laga soo celiyay, gacanta dawladana kusoo noqotay in maanta la yidhaa waxa la siinayaa dhirkadahii shidaalka keeni jiray iyo qaar cusub oo samays ah oo lasoo dhashay mashruucan wareejinta. Hadaba Suldaan Sabayse wuxuu ka mid noqday dadkii sida adag uga hadlay wareejinta haamaha iyo qorshaha ay madaxtooyadu doonaysay inay qasab ku sharciyayso iyadoo xildh. Mooshin quutayaasha ahna usoo kiishtay lacag, Arintan iyo kuwaa xaga sare ku xusan oo is biirsaday ayay madaxtooyadu ka gam,i wayday, markii ay maarayn u wayday suldaanka oo xataa la dul dhigay lacag qadarkeedu sareeyo, guryo, gawaadhi wax walba way isku dayeen si ay Suldaan Sabayse mar uun uga nastaan weedhaha kulul ee saamaynta badan ku reebay xukuumada ee kaga imanayay Suldaan Sabayse.
Aakhirkii waxay kusoo eedeeyeen inuu wado dhaqdhaqaaq khalkhalgalinkara nabadgalyada inagoo og in ninka Suldaanki ahi uu yahay ka nabada ka shaqeeya ee umada isku soo dhoweeya, kadibna waxay ciidamo dulkeenaan gurigii salaadiinta subeer awal si ay usoo xidhaan Suldaan Sabayse, oo ay ixtiraami waayeen suldaanka guud ee subeer awal Suldaan Xasan oo isagu goobtaa fadhiyay.
Waxaan kusoo gunaanaday xadhiga suldaan sabayse maaha mid maanta uun yimid ee waa mid ay ku taamaysay xukuumada m/weyne Siilaanyo inay mar uun hesho wax ay ugusoo marmar siyooto… dhanka kale xadhiga suldaanku waa xeelad siyaasadeed oo lagu majaro habaabinayo boobka iyo dhaca ay xukuumadu ku hayso hantidii umadan oo ay doonayso inaanay waxba ka tagin ee ay sii wada qaataan wixii dawladu lahayd oo dhan. Gabay uu gaariye lahaa AHN, waxa ku jiray ereyadan:
"Gedey tahay dheesha taal,
Inuu hebel gooldhashiyo,
Inuu gudbi waayo hebel,
Galaasku halkaa ma yaal,
Ninkaan garanoow ka toos

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...