Saturday, 26 September 2015

Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Uu Caawa Madaxeynaha Somaliland, Madaxtooyada Kula Yeeshay Odayaal Kala Taageersan Musharaxnimada Wasiir Maxamaed Biixi Iyo Guddoomiye Muuse Biixi


Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Uu Caawa Madaxeynaha Somaliland, Madaxtooyada Kula Yeeshay Odayaal Kala Taageersan Musharaxnimada Wasiir Maxamaed Biixi Iyo Guddoomiye Muuse Biixi 


Hargeisa-(HWN)-Madaxweynaha Somaliland, Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qasriga Madaxtooyada siyaabo kala duwan ugu qaabilay odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda beesha Sacad Muuse, oo kala taageersan Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Wasiirka Khaarajiga Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, iyo Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Guddoomiyha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Muj Muuse Biixi Cabdi.
-Masuuliyiin goob joog ah oo caawa Madaxtooyada ku sugnaa ayaa Shabakadda Wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, u xaqiijiyay, in ka hor intii aanu Madaxweynahu caawa Madaxtooyada ku qaabilin odayaal ka kooban 14 xubnood, oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Aadan Siiro, Bakayle, iyo Ina Duse, oo uu la kulanka Madaxweynaha uu beel ahaan ugu soo qabanqaabiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, oo taageersan Musharaxnimada Wasiirka Khaarajigu, ay qasriga Madaxtooyada soo galeen odayaal iyo waxgarad illa Kontomeeyo gaadhaya oo ka soo jeeda isla beeshaa oo ka soo hor jeeda oo diidan kulanka gaarka ah ee ay odayaasha uu wato Wasiirka Khaarajigu iyaga oomtalaya magaca beesha ay la yeelanayaan Madaxweynaha.
Warku waxa uu intaa ku daray, in odayaasha iyo waxgaradkaa Kontomereyaha gaadhaya ee ka soo hor jeeday kulanka Madaxweynahu uu la yeelanayo odayaasha uu soo qabnqaabiyay Wasiirka, in Wasiir Maxamed Biixi uu isku dayay in uu ka hor joogsado in ay soo galaan Madaxtooyada, balse, amar toos uga yimi Madaxweynaha ayaa lagu Amaray Wasiirka in la soo daayo odayaashaa, Iyada oo markii ay soo galeen uu Madaxweynuhu si toos ah ula kulmay, waxaanu warku intaa ku daray in ay Madaxweynaha u sheegeen in kooxda odayaasha ah ee uu soo qabanqaabiyay Wasiir Maxamed Biixi, aanay matelin oo aanay ku hadli karin magaca beesha Sacad Muuse, iyaga oo Madaxweynaha u sheegay in ay yihiin Odayaal ay isku jifo hoose yihiin Wasiirka. Iyada oo kulankaa kaddib, uu Madaxweynuhu kulan kale ku qaabilay Odayaashii taageersanaa Musharaxnimada Wasiirka Khaarajiga Somaliland, isaga oo Madaxweynuhu siyaabo gooni gooni ah dhinacyada uga dhegaysteen wixii ay wadeen.
Si kastaba ha ahaatee, kulanadaa gooni goonida ah ee is buruniya ee uu Madaxweynu caawa la yeeshay labada dhinac, ayaan si dhab ah loo ogayn dhinaca uu u garaabay ee uu aqbalay wixii ay Madaxweynaha ula yimaadeen, waxaanay Kulamadani ku soo beegmeen xilli uu maalinta bari ah uu Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayaa ay socdaal rasmi ugu anababixi doonaan dalka Ireland, mana cada halka ay isugu biyo shuban doonto loolankan ka dhaxeeya labada dhinac, iyo mowqifka kama danbaysta ah ee uu Madaxweynuhu ka qaadan doonto arrintan.


Sooyaalka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. W/Q: Cali Cabdi Coomay



Sooyaalka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. W/Q: Cali Cabdi Coomay –


Sannadkii 1960-kiiayuu bilaabay waxbarashadii dugsiga hoose. Dugsigani wuxuu u dhawaa meel aan ka fogayn gurigooda. Wakhigaasi


Magaciisa oo buuxaa waa Vladimir Vladmirovich Putin. Wuxuu dhasahy 7 bishii tobnaad ee sannadkii 1952-kii. Wuxuu ku dhashay magaalada la yidhaa SAINT PETESBURG. Hooyadii waxa la odhan jiray Maria Ivanorna. Hooyadii waxay ahayd shaqaale warshadeed, dhaqaalaha qoyskooda oo yaraa awgii.
Awoowgii aabo wuxuu dabaakh (cook) u ahaa hogaamihii soofiyadka Joseph Stalin, ka dib wuxuu ka codsaday inuu inankiisa loogu daro ciidamada badda ee Ruushka, sidaasina ayuu ku galay ciidanka. Wuxuu la dhashay laba inan (rag) oo ka weynaa, balse waxay dhinteen markay dhasheen, waxa haleelay xanuunka gowracatada (diphtheria) badhtamihii sannadkii 1930-kii.
?Sannadkii 1960-kiiayuu bilaabay waxbarashadii dugsiga hoose. Dugsigani wuxuu u dhawaa meel aan ka fogayn gurigooda. Wakhigaasi wuxuu jeclaa ciyaaraha, waxan dhici jirtay inuu dhexda ku sii




ciyaaro intaanu gaadhin dugsiga, taaso habsan ku keeni jirtay oo macalimiintu kaga caban jireen.
?Sannadkii 1964-kiiwuxuu bilaabay dugsigii dhex, isla-dugsigii hore ayuu ka galay. Wuxuu fasalkoodii ka noqday horjooge (alifle) taaso markii dambana keentay inuu xubin ka noqdo guddiga dugsiga.
?Sannadkii 1968-kiiayuu bilaabay waxbarashadii dugsiga sare. Wuxuu mar kale noqday guddoomiyaha dugsiga . waxa u suurtagaliyey hab-dhaqankiisa oo mid degan oo dulqaad wata. Dhaqankaasi ayaa soo jiitay maamulkii iyo macalimiintii dugsiga.
?Sannadkii 1972-kiiayuu bilaabay jaamacada , waxaanu bartay sharciga caalamiga ah. Jaamacadiisa waxa la odhan jiray ?Leningrad state university?. Waxay ahayd jaamacad ay dawladu maamusho. Wuxuu sii watay waxbarashadiisi waxaanu gaadhsiiyey  shahaada ?phD?. Wuxuu shahaadada PHD-da ku diyaariyey qorshaha habboon ee xidhiidhka dhaqaalaha. Markuu jaamacadd ku jiray ayuu xubin ka noqday xisbigii hanti wadaaga ee midowgii soofiyadka. Wuxuu xubintaasi ahaa ilaa intii u kala jabayey midowgii soofiyadku sannadkii 1991-kii.
?Sannadkii 1975-kiiayuu ku biiray hayadii sirdoonka ee midowga soofiyadka ee la odhan jiray (KGB). Waxaana loo diray tababar lagu siinayey dugsigii caanka ahaa ee lagu baran jiray sirdoonka iyo nabadsugida ee la odhan jiray ? Okhta school?. Markuu soo dhammaystay dugsigii wuxuu noqday sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka soofiyada (KGB). Wuxuu derejada ka gaadhay gaashaanle dhexe ( lieutenant colonel).
?Sannadkii 1985-kii ilaa 1990-kiiayuu sirdoonka (KGB) u magaacabay wakiil u fadhiya jarmalka bari. Markii ay dhacay jamhuuriyadii jarmalka bari ayaa dib loogu yeedhay Putin.
?Sannadkii 1991-kii ayuu ku noqday jaamacadii Leningrad ee uu wax ku soo bartay. Waxaana loo magacaabay guddoomiyaha arrimaha caalamiga ee jaamacada. Mudadii uu jaamacada ku hawlgeli jiray wuxuu caawimo ka helay macalinkiisi hore ee jaamacada . taaso keentay inuu markii dambe ka noqdo duq magaalada Leningrad oo jaamacadu ku taalay. Ka dib wuuu iska casilay jagaasi.
?Dabayaaqadii sannadkii 1991-kiiwaxa loo doortay inuu madax ka noqdo guddiga xidhiidhka dibada ee magaaladii uu ku dhashay ee Saint Petersburg. Wuxuu ka qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhoofinta biraha oo lagu qiimeeyey $93 malyuun. Arrintaasi waxay u soo jiiday sumcad uu caan kaga noqday magaalada. Waxaanu xilkaasi hayey ilaa 1996-kii.
?Sannadkii 1997-kiiayuu noqday duq-ku-xigeenka magaalada Saint Petersburg, waxaanu taageero weyn u hayey dawlada. Dabayaaqadii sannadkaasi ayuu madax u noqday ilaalinta hantida dawlada ee madaxtooyada Ruushka. Ka dib M/weynihii Ruushku ee wakhtigaasi oo La odhan jiray Boris Yeltsin ayaa aaminay, waxaanu ka dhigay ku-xigeenka shaqaalaha madaxtooyada, waxaanu xilkaasi hayey ilaa 1998-kii. Wuxuu daacad u ahaa M/weyne Yeltsin, wuxuu kaga nastay shaqada culus ee madaxtooyada ka haystay.
?Dabayaaqadii sannadkii 1998-kii ayuu M/weyne Yeltsin u magacaabay madaxa hayada FSB  oo ah hayada sirdoonka ee Ruushka oo bedeshay hayadii sirdoonka ee KGB. Ka dib wuxuu si buuxda uga mid noqday xubin joogto ah laanta nabadsugida ee Jamhuuriyada Ruushka.
?Sannadkii 1999-kii ayaa loo magaacabay Raysal-wasaare ku xigeenka saddexaad ee Ruushka. M/weyne Boris Yeltsin ayaa ku dhawaaqay inuu Putin noqon doono ninka bedeli doono isagoo ku qeexay nin dulqaad iyo waxqabad badan oo dalka lagu aamini karo.  16/8/1999-kii ayey guriga baarlamaanka ee la yidhaa? Duma? ayaa u doortay raysal-wasaare buuxa. Waxa Putin ku socday mucaaridnimo xoogan oo kaga timid maayirkii magaalada moosko iyo gudoomiyihii  hore ee dawlada Ruushka, oo iyagu doonayey inay bedelaan M/weyne Boris Yeltsin. Labadan siyaasi waxay dagaal siyaasadeed u galeen sidii ay u horjoogsan lahaayeen inuu Validimir Putin M/weyne noqdo. Putin wuxuu ku soo caan baxay markii uu dagaalka kagaga adkaaday jabhadii jeejinya.
?Sannadkii 2000ayuu ku guulaystay inuu noqdo M/weynaha dalka Ruushka. Wuxuu soo bandhigay inuu jamhuuriyada Ruushka ka dhigo 89 qaybood oo fadaraal ah iyo 7 degmo oo hoos yimaada. Dhammaantoodna waxa maamulaya jamhuuriyada Ruushka. Wuxuu xilkan hayey (2000 ilaa 2004).
?Sannadkii 2004-kiiayaa mar labaad loo doortay M/weynaha dalka Ruushka. Isagoo helay 71% cododkii la dhiibtay. Wuxuu xilkan hayey  (2004 ilaa 2008)
?Sannadkii 2008-diiayey mudadiisi dhamaatay, oo mar saddexaad isma soo sharaxi karo. Marka la eego distoorka u taalla dalkaasi. Ka dib wuxuu soo sharaxay saaxiibkii oo ahaa Dmitry Medvedev oo ay xulfo weyn ahaayeen. Waanu ku guulaystay M/weynihii ka dib wuxuu raysal-wasaare u magacaabay Putin.
?Sannadkii 2012-kiiayuu mar saddexaad isu-sharaxay M/weyne, waxaanu ku guulaystay codod ah 63%. Markii lagu dhawaaqay guusha Putin waxa gilgilay Ruushka mudaharaadyo waaweyn guud ahaan dalkaasi, kaasoo lagaga soo horjeeday Putin.  Xilkasi ayuu ilaa maanta hayaa.

Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...