Skip to main content

Posts

Showing posts from September 23, 2015

Caqli Dhalinyaro Oo Fayow Iyo Shaqo La'aan Waa La kala Illaaliya, Waa kaas BAMKA Aynu Ku Fadhinaa, Innaga Oo Ka Dhoohan." Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta

'' Caqli Dhalinyaro Oo Fayow Iyo Shaqo La'aan Waa La kala Illaaliya, Waa kaas BAMKA Aynu Ku Fadhinaa, Innaga Oo Ka Dhoohan." Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta – Hargeysa- (HWN)- Siyaasiga caanka ah ee Cali Ibraahim Maxamed (Cali-Sanyare) ayaa habeen hore ardayda jaamacada Golis faraceeda Hargeysa u jeediyay khudbad ku saabsan aragtiyaha waddaniyeed iyo caalami ee tahriibka laga haysto. Cali-Sanyare, oo xalay khudbadiisa ka jeediyay jaamacada Golis, xarunteeda Hargeysa, wuxuu hadalkiisa ku yidhi "Ma garanayo sida kelmada TAHRIIBTU afkeena hooyo ugu soo biirtay ama u soo gashay. Intii aan ugraadeystay, dadkeenu weligood way dhoofi jireen .Waxaa berigaas lagu tilmaami jiray socdaalkaas "TACABIR". Qofkuna wuu tacabiri jiray ee muu tahriibi jirin . Labada kelmadood TACABIR IYO TAHRIIBI,asal ahaan, waxa laga soo amaahday afka carabiga ah. Hase yeeshee, aniga way iikala macaanyihiin.TACABIRKA, sidii wakhtiga hore loo fahamsanaa , wuxuu tilmaami jiray

Jawaabtii Su'aashii aheyd maxaad shaqadan U soo Qoratey. By:Aqoonyahan Mohamed Ali Bile Bile Aqoont Nolasha U adeega!

Jawaabtii Su'aashii aheyd maxaad shaqadan U soo Qoratey. By:Aqoonyahan Mohamed Ali Bile Bile Aqoont Nolasha U adeega! Asxaab badan ayaa siyaalo kala duwan uuga jawaabey oo qaar badani ay sax ahaayeen. Ma jirto hal jawaan oo la odhan karo taasuunbaa sax ah. Balse, kowan hoos ku qoran iyo qaar u eeg ayaa ka mid noqon karaa kuwa saxa ah. 1. Shaqada an iminka hayo waxa an wadey 2 sanadood, waxaaney u eegtahay inan meel wanaagsan ka gaadhey oo an si fiican aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba meel ku tiiriyey. Waxay u muuqataa inan u baahanay shaqo intan ka sii heersareyso oo an aqoonteyda iyo khibradeyda u adeegsado anigana ii noqota hawl an aqonteyda ku imtixaamo iyo horumar. 2. Shaqada an hadda hayaa wey wanaagsantahay oo meel fiican ayaan ka gaadhey. Inkastoo qeybo ka midi ay la xidhiidhaan aqoonta an bartey haddana, shaqadan ad soo xayeysiiseen ayay u muuqataa iney si toosta uula xidhiidho aqoonteyda iyo waayay aragnimadey, waana halkaan isleeyahay wax badan ayaan