Sunday, 8 November 2015

Madaxweynaha Somaliland Oo Wakaalada Waddooyinka Ka Hoos Saaray Wasaarada Madaxtooyada,



Madaxweynaha Somaliland Oo Wakaalada Waddooyinka Ka Hoos Saaray Wasaarada Madaxtooyada,

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka; Markuu Tixgeliyey: Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso; Markuu Dersay: Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka; Markuu Garawsaday: Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;

Wuxuu Soo Saaray;
In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
HCTV ONLINE

Blogger: hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com

“Madaxweynaha Waxaan Aad & Aad Uga Raalligelinayaa Qaabkii Aan Isu Casilay Oo Noqonaysa Iin Igu Taalla Illaa Intuu I Saamaxayo



“Madaxweynaha Waxaan Aad & Aad Uga Raalligelinayaa Qaabkii Aan Isu Casilay Oo Noqonaysa Iin Igu Taalla Illaa Intuu I Saamaxayo
 


“Qofku Waa Inuu Noqdaa Qof Mahad Naqa [Cabdan-Shakuur], Taasna Waan Ka Xumahay”   
“Iyadoo Ay Wasaaradda Madaxdeedu Ay Ogaan Kari Waayeen Oo Aan Ka Qariyey Waqtigaas Is Casilaadayda Iyagana Waan Ka Raalligelinayaa Sababtoo Ah Wey Iga Hor Joogsan Lahaayeen””
Wasiir Ka Mid Ahaa Xubnihii Is Casilay Oo Istiqaalladiisii Qoomameeyey, Cafis iyo Raalli-gelinna Weydiistay Madaxweyne Siilaanyo.
(Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) ayaa markii u horeysay ku tiraabay weedho uu ku muujinayo in uu ka xun yahay is casilaadii uu laba toddobaad ka hor ku dhawaaqay ee xilka wasiirnimada, taas oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay in uu iska casilo inkastoo ay duruufo keeneen. Faarax Cilmi Maxamuud waxaa uu Madaxweynaha Somaliland ka raalli geliyey is casilaadiisa o uu ku tilmaamay in ay qarsoodi u soo baxday. Isaga oo carrabka ku dhuftay in  uu shakhsi ahaan garawsan yahay iscasilaadiisu in ay tahay Iin korkiisa ku taalla oo aan ka go’ayn jeeroo uu Madaxweynihii karaameeyey isaga ee xilka u magacaabay uu ka cafiyo khaladka uu ka galay xasaannadii qaranku ku maamuusay ee Madaxweynuhu korka ka saaray.
Waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed MAxamuud Siilaanyo Oo xilkan aan maanta wareejinayo [wasaaradda waxbarashada] iyo kii ka horreeyayba [wasaaradda beeraha] igu sharfay”. Sidaa ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Prof. Faarax Cilmi Maxamuud [Geedoole] oo isagu si qoto dheer uga hadlay is casillaadiisa iyo xil-wareejinta mansabka wasaaradda waxbarashada oo shalay uu sagootiyey. Waxaana uu intaa ku daray Mr. Geedoodle “xilkan anigoo aad iyo aad ugu qanacsan ayaan ka tegey, waxase aad iyo aad iyo weliba aad aan Madaxweynaha JSL uga raalligelinayaa qaabkii aan isu casilay oo kolley ay duruufo keeneen, waxaanay noqonaysaa Iin igu taalla illaa inta uu [madaxweynuhu] iga saamaxayo, waayo qofku waa inuu noqdaa qof mahad naqa [Cabdan-shakuur], taasna waan ka xumahay”. Ayuu yidhi wasiirkii hore ee waxbarashadu oo marka uu khudbadda jeedinayay ay shucuur qoomamo ka muuqatay hadalkiisa.
Sidoo kale Mr. Geedoole waxaa uu xaalmarin siiyey dadkii iscasilaadiisa ka xumaaday “ waxaa iyagana aan ka raalligelinayaa dadkii ka xumaaday is casillaadayda iyadoo wasaaradda waxbarashada madaxdeedii oo ila fadhiday waqtigaas ay ogaan kari waayeen is casilaadayda oo aan ka qariyey sababtoo ah way iga hor joogsan lahaayeen”. “Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta inaan xilka ku wareejiyo nin aad u qaalli ah oo shan iyo labaatan sanno  ummadda u soo shaqeeyey  oo reerkiisii u haleeli waayay. Cabdillaahi [wasiirka cusub] waa saaxiibkay waa nin aan aad u jeclaa inaan xilka ku wareejiyo illaahay baana ka dhigay” ayuu yidhi Wasiirkii hore.
Hadalkan Faarax Cilmi ayaa ku soo beegmay xilli uu ku dhawaaqay in uu yahay musharrax golaha dhexe ee KULMIYE uga dhex tartami doona kursiga madaxweyne ku xigeenka oo ay illaa haatan u sharraxan yihiin dhawr xubnood oo uu Madaxweyne ku xigeenka immiku ka mid yahay.



Blogger: hajicami.blogspot.com
Hargeisa Somaliland



Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...