Friday, 30 October 2015

Madaxweynaha Somaliland Oo Saacadihii Dembe ee Xalay Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Xukuumaddiisa Iyo Wejiyada Shakhsiyaad Cusub Oo Ku Biiray golaha Wasiirrada



Madaxweynaha Somaliland Oo Saacadihii Dembe ee Xalay Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Xukuumaddiisa Iyo Wejiyada Shakhsiyaad Cusub Oo Ku Biiray golaha Wasiirrada 


Gudaha Ka Akhri: Magacyada 21 Mas’uul Oo Isugu Jira Wasiirro cusub, Wasiir ku xigeenno, Agaasimeyaal Iyo La Taliyeyaal+ Xilalka Jagooyinkii Ay Banneeyeen Xubnihii Is Casilay Oo Loo Magacaabay Xubno Hayalsan 

 


Hargeysa (Hubaal)- Warsaxaafadeed xalay habeen badhkii ka soo baxay aqalka looga taliyo dalkan Somaliland ee Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday isku shaandhayn lagu sameeyey golaha wasiirrada JSL qaarkood kuwaas oo qayb ka ah buuxinta xilalkii ay banneeyeen wasiirradii dhawaan iska casilay xukuumadda.  Warsaxaafadeedkann oo abaaro Madaxtooyada ka soo baxay saacadda Hargeysa markay ahayd abaaro 11: 40 habeennimo ee xalay  ayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) digreeto ku magacaabay xilal cusub oo isugu jira wasiirro, wasiir ku xigeenno, agaasimeyaal guud iyo la taliyeyaal madaxweyne kuwaas oo  wadartoodu dhan tahay 21 Mas’uul.  Sidoo kale digreetadan ayaa madaxweynuhu isku beddel ku sameeyey  jagooyinka mas’uuliyiin  xilalkoodii la is weydaariyey.  Sida  Warsaxaafadeedkan ka muuqata waxaa xubnaha cusub ee golaha wasiirrada ka mid ah xoghayihii golaha guurtida Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habanne oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. Cabdillaahi waxaa uu kamid ahaa musharraxiinta ku dhawaaqay in ay xisbiga KULMIYE uga dhex tartami doonaan kursiga madaxweyne ku xigeenka, marka la gaadho shirka shanaad ee golaha dhexe hase ahaatee Mr. Habane waxaa uu shalay ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay xilkaas. Sidoo kale waxaa kamid ah wasiirka wasaaradda ciyaaraha oo loo magacaabay Cabdillaahi Faarax Maydhane oo ahaan jiray baadhasaabkii gobolka Selel ee ka horreeyey baadhasaabka xilligan. Maxamed Muuse Diiriye oo isna baadhasaabkii gobolka Togdheer ahaa ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeen, halka xubnaha kale la isku beddelay xilalkoodii. Waxaa xusid mudan in ay digreetadani ku dhereran tahay buuxinta jagooyinkii ay banneeyeen xubnihii dhawaan is casilay badankoodu, marka laga reebo xilka wasiir ku xigeenkii wasaaradda dib u dejinta oo ay iska casishay marwo Nimco Xuseen qawdhen, taasoo aan buuxinta xilkeedu meesha ka muuqan. Warsaxaafadeedkaasina waxaa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3641/102015 ku magacabay wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.


Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada, Wasiiru-dawlayaasha, iyo Wasiir ku xigeenada,  Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:                      Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:                         In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
 Wuxuu go’aansaday
  1. In Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  3. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.( Bedel)
  4. In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  5. In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  6. In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Gobollada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  7. In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  8. In Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
  9. In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
  10. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  11. In Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  12. In Eng. Cabdi Maxamed Hiired, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  13.  In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  14.  In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  15.  In Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  16.  In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  17.  In Mudane,  Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:                      Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:                         In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel)
  2. In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida La-taliyeyaasha Madaxweynaha

Madaxwyenuhu:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah; iyo La-Taliyaha Arrimaha Gobollada Bariga
Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinkan;
Markuu Ka Fiirsaday:                      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay:                         In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1.  In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah. (bedel)
  2.  In Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland.
Hargeisa Somaliland

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay, Kana Hadlay Xaalada Xisbul-xaakimka Kulmiye



Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay, Kana Hadlay Xaalada Xisbul-xaakimka Kulmiye


Xisbiga Kulmiye Guddihiisa Waa Inay Ka Dhacaan Tartamo Wanaagsan Oo Nadiif Ah Oo Daahfurnaan Leh Oo Si Furan Looga Wada Qayb Galayo, Haddii La Doonayo ” Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

Hargeysa(Hubaal) – Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo xukumadda Siilaanyo ka soo noqday wasiirka ganacsiga iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa maanta dalka ku soo laabtay, wuxuuna ka talo bixiyay khilaafka xisbiga Kulmiye iyo xukumaddiisa kala qaybiyay. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Kulmiye oo uu ku tilmaamay inuu aqlabiyadda golaha dhexe kasbaday
“Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo xisbi weynaha Kulmiye iyo hogaankiisa, hawl wadeennadiisa iyo  xubnaha golaha dhexe diyaar garowga wanaagsan ee loogu jiro shirka golaha dhexe ee 10-ka November. Waxaan jecelahay inaan hogaanka xisbiga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyo sida hawlahaasi u socdaan,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay in xisbiga kulmiye caan ku yahay afkaarta kala duwan, wuxuuna rajo ka muujiyay in khilaafka xisbigu ku dhammaan doono is afgarad iyo isku tanaasul “ Waxaan bogaadinayaa hogaanka xisbiga oo hadda si fiican ay ugu socdaan hawlaha xisbigu, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo abaabulka  siyaasadeed ee xisbigu caanka ku ahaa ee dalkana lagu yaqaanay ee loogu loolamayo musharaxa, sida isbedelka weyni ugu yimid ee taageero muuqata ilaa imika uu ka helay majooratiga xubnaha golaha dhexe,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar
Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay in Muuse Biixi sideedii sanno ee la soo dhaafay uu soo maray culaysyo siyaasadeed oo adag. Waxa uu sheegay in Muuse Biixi soo muujiyay bisayl siyaasadeed “Waxaan filayaa in hogaamiyaha Kulmiye oo odaygii xisbiga ah iyo madaxweynaha Somaliland oo odaygii qarankaba ah ay xil wayn iska saaraan in xisbiga la soo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo macquul ah loo dhegaysto , xisbiga Guddihiisana ay ka dhacaan tartamo wanaagsan oo nadiif ah oo daahfurnaan leh oo si furan looga wada qayb galayo, waxa halkaas ka soo baxana xisbi weynaha Kulmiye dhammaantii wada taageero haddii la doonayo in xisbiga Kulmiye talada dalka mar labaad ku guulaysto.”
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo arrimaha Kulmiye ka sii hadlaya waxa uu yidhi “Ugu dambeyn waxaan u rajaynayaa shirku inuu si guul ah u dhaco, si iskaashi leh u dhaco, qolada wasiirada ah ee xukumadda ka baxayna waxaan rajaynayaa inaanay arrintaasi furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf siyaasadeed oo aanu dalkani u baahnayn ee meel looga soo wada jeesto dhisidda xisbiga iyo qarankaba, iyadoo wixii cabashooyin jirana hogaanka xisbiga iyo dariiqyada sharciga ah loo maro oo xal loogu helo.”
Ugu dambeynna wuxuu ka hadlay ammaanka mandaqada Somaliland ku taalo “Dhinaca kale Somaliland waxay ka mid tahay mandaqad arrimo badan oo xasillooni darri ahi ay ka jiraan, markaa xisbiga, hogaankiisa iyo madaxweynahaba waxaa looga baahan yahay in tusaale wanaagsan uu xisbigu u noqdo dalka, oo xisbiyada kalena kaga daydaan sida xisbigu khilaafkiisana u maaraynayo, arrimaha siyaasadda dalkana u hogaaminayo,” ayuu yidhi
Hargeisa Somaliland




Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...