Skip to main content

Posts

Showing posts from January 11, 2016

Khudbadda Madaxweynaha JSL ee Labada Gole; Isniin, 11. 01. 2016

Khudbadda Madaxweynaha JSL ee Labada Gole; Isniin, 11. 01. 2016 Bismilaahi Raxmaani Raxiim Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh, “Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu” Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 6aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda oo aan ka hor jeediyo khudbad sannadeedka Dastuuriga ah. Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa marag ma doon ah in Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo. Ma jecli in aan maanta xoog saaro, ama aan khudbaddayda kaga war-bixiyo waxyaalihii inoo qabsoomay sannadihii tagay iyo wax-qabadka 2016-ka. Hase yeeshee, waxaan jecelahay in aan kaga hadlo arrimo muhiim ah oo saamayn ku leh nolosha Bulshada Somaliland, kuwaas oo kala ah: 1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda. 2. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. 3. Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka. 4. Qiima-dhaca Shillinka Somaliland. 5. Adkay