Wednesday, 11 November 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Xidhay Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Muuse Biixi Oo Siilaanyo Siiyay Bilad Sharaf.



Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Xidhay Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Muuse Biixi Oo Siilaanyo Siiyay Bilad Sharaf.


Hargeysa(Hubaal)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo xidhay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye hotelka Maansoor ee Hargeysa uga socday  shalay iyo maanta. Shirkaasi oo shalay loogu doortay musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, musharax xigeenna loogu doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta ajandihiisu ka duwaan kii shalay.
Kulanka maanta ayaa intii uu socday waxaa wax ka bedel lagu sameeyay shuruucda xisbiga Kulmiye, gaar ahaana qodobo ku saabsan sida xubnaha xilalka hayaa golaha dhexe ku soo galaan. Golaha dhexe oo ay hore xilalka ugu soo gali jireen xubnaha Kulmiye ee golaha wakiillada ku jira iyo kuwa golaha wasiirada ku jira ayaa hadda lagu kordhiyay in xubnaha Guurtidu xilal ku soo galaan golaha dhexe.
Kulanka ayuu sidoo kale khudbad 12 bog ka kooban ka jeediyay guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin adkaynta ammaanka, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, tamarta, doorka haweenka, dhalinyarada iyo dadka la haybsooco. Waxa uu sheegay in xisbigiisu kor u sii qaadi doono arrimahaasi 5-ta sanno ee soo socota.
Madaxweynaha Somaliland oo kulankaasi soo xidhay wuxuu hogaanka Kulmiye iyo taageerayaasha xisbiga kula dardaarmay isku duubni iyo inay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafaadka soo dhexe gala. Waxa uu madaxweynuhu bogaadiyay wasiirkiisa caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed oo shalay lagaga adkaaday musharaxnimada madaxweyne xigeen, waxaanu sheegay in Dr Xaglotoosiye sameeyay geesinimo bisayl siyaasadeed.
“Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socda, waxaan u rajaynayaa guul. Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dadaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.  Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan. Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen. Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan. Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dadaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa ugu dambeyn madaxweynaha la gudoonsiiyay bilad sharaf uu ku mutaysatay sida uu uga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye. Waxa shahaado sharafta guddoonsiiyay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.



Blogger: Hajicami.blogspot.com
E-mail:Samater2013@gmail.com


Jaaliyada Xisbiga Kulmiye ee Birmingham oo Hambalyo iyo Taageero Buuxda u Diraysa



Jaaliyada Xisbiga Kulmiye ee Birmingham oo Hambalyo iyo Taageero Buuxda u Diraysa 


Marka hore salaan sharaf badan dhamaan Umada Somaliland meel kasta ay joogaan , gaar ahaan Umada Bah-Weynta Xisbiga Kulmiye.
 Annaga oo ah jaaliyada Xisbiga Kulmiye ee UK , gaar ahaan magaalada Birmingham , waxaan si wayn oo sharaf leh ugu Hambalyaynaynaa Musharaxaiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa EEXisbiga KULMIYE Md, Muuse Biixi Cabdi Iyo Md Cabdiraxman Ismacil(Saylici) oo lagu doortay Maanta Magaaladda Hargeysa Iyo Wasiir Salebaan Xaglo-Toosiye oo dad badan oo Jaaliayadda u badan ay aad u Tageersan-yihiin.
Waxaanu leenahay waxa maanta Xisbiga Kulmiye gartay hal dooryowaa-weyn oo wax ku soo kordhin-kara Xisbiga KULMIYE  iyo guud ahaan Somaliland.
Taageero buuxda ayaanu u haynaa Madaxwayanaha iyo Ku-Xigeenkiisa Mustaqabalka ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Md Cabdiraxman Saylici iyo Weliba Wasiirka Caafimaadka Md Salebaan Ciise Axmed(Xaglo-Toosiye) oo tageerayaal balaadhan maanta ku leh aduunyada dacaladeeda , gaar ahaana Magaaladda Birmingham .
 Waxaanu leenahay Ilaahay ha idiin fududeeyo hawshaa aad gasheen.
Hadaanu nahay tageerayaasha Kulmiye ama xubno ka midda Jaaliyada Birmingham , Waxaanu Alle idiinka baryeynaa in xilka aad qaadeen ee umadda Somaliland aad ku guuleystaan Inshalaahu , isla-markaana aad noqotaan Hogaamiyaal bad-baadiya shacabkooda.
Waxaana aanu leenahay Doorashadaasi waxay u dhacday si dimuqraadiyad ah , isla-markaana aanu ku tilmaamayno inay ahayd mid ku dayasho mudan, Xisbiyada kalena waxaanu ku boorinaynaa,  in sidaa si la-mid ah iyana ay doorashooyinkooda u qabsadaan, isla-markaana raacaan Dastuurka rasmiga ah ee dalka u degsan iyo xeer-hoosaadkooda.
Waxaa cadaan ah oo  aan shaki ku jirin in musharixiinta Xisibgia Kulmiye ay yihiin musharixiinta keliya ee maanta badbaadin iyo horumarkii Somaliland u taagan, oo halkaasi ka sii wadi kara horumarka balaadhan ee xukuumadu ku talaabsatay .
Ugu danbayn :- Hambalyo balaadhan ayaan u diraynaa Musharaxiinta Madaxnimadda Kulmiye iyo Wasiir Xaglo-Toosiye oo aanu leenahay waad guulaystay , halkaasi ka sii waday dadaalkaaga, Tageero badana waanu kuu haynaa , waxaad tahay siyaasi loo han-weyn-yahay , musharaxiinta kale waanu u duceynayna Doorashaddaa ay Ku Soo baxeen. Waana masuuliyiin u qalma runtii. ILAAHAY ha Ku Guuleeyo xilkaasi ,ka shaqaynta danta shacabka Reer Somaliland ee ay musharaxiinta ay uga noqonayaan xisbigooda Kulmiye. Kun jeer baan u hambalyeynaynaa, waananu u duceynayna. Xisbigga KULMIYE Iyo shakhsi ahaanba ILAAHAY ha Kugu guuleeyo.
Waxaanu rabnaa anoo ku hadlayna magacyadayada inaan Hambalyo u dirno Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa , oo maanta Golaha dhexe Kulmiye doorteen iyo weliba Wasiir Xaglo-Toosiye oo ah halyey Qaran.


1)   Maxamuud Xirsi Duudu.
2)   Fariid Diiriye Nuur.
3)   Suldan Siciid Kabadhe.
4)   Axmed Keyse(Saajin).
5)   Cabdi Ibrahim(Cabdi Jaquur).
6)   Abwaan Cabdilaahi Xuseen Xiinwaal.
7)   Maxamed Muraad
8)   Adan Cabdi Xasan (Adan Weyso).
9)   Maxamuud Maxamed Lawyo.
10)          Axmed Bulaale.
11)          Maxamed Xuseen Geele.
12)          Cismaan Jirde.
13)          Mustafe Adan Shanle.
14)          Maxamud Cali Axmed(Jaadhi).
15)          Xasan Cabdilaahi Mataan.
16)          Maxamed Cisman Diriye (Gabalaax).
17)          Axmed Dacad.
18)          Diiriye Maxmud Olol.
19)          Omar Axmed Cali.
20)          Cali Ismaciil Nuur.
21)          Axmed Boos Cabdi.
22)          Maxamuud Xaji Xasan.
23)          Cabdilaahi Warsame.
24)          Keyse Iimaan.
25)          Axmed Jirde.
26)          Cali madar.
27)          Siciid badeed(Siciid Codey).
28)          Keyse Iiman.
29)          Mustafe Rooble(Tadhase).
30)          Xuseen Hindi,
31)          Cali Biciide.
32)          Haybe Weylo-wade.
33)          Adan Fooje.
34)          Xasan Qoti.
35)          Maxamed Dahabshiil.
36)          Cabdi-risaq Yaan-Ismiid.
37)          Cabdi Faarax Weydhaf.
38)          Ibrahim Hirad Guleed.
39)          Axmed Ibrahim Guleed.
40)          Dhiin Dhalaal.
41)          Cali Carab,
42)          Kanadiid baashe Hirad.
43)          Jamac Axmed X.Xirsi(Food).
44)          Mursal maxamed Nuur.
45)          Siciid Jeeni.
46)          Maxamed Nuux.
47)          Bashiir Marexaan.
48)          Abdraxiin Sh,Bashiir.
49)          Mahad EEley.
50)          Cabdifatax Cali Yasir.
Blogger: hajicami.blogspot.com
Hargeisa Somaliland

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...