Skip to main content

Posts

Showing posts from September 28, 2015

Hargeysa Xukuumada Somaliland Ayaa markii u horaysay ka hadashay tirada xujaajta Somaliland Kaga dhimatay sanadkan xaramka sidaas waxa warfidiyeenada u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Diinta Iyo Aqaafta Somaliland Nuur Cismaan Guleed Waxan Yidhi “ Somaliland tirada Rasmiga ah ee kaga dhimatay waa afar xaaji sido kale waxa lumay oo la waayay Afar xaaji oo kale oon la kala ogeyin in ay dhinteen iyo in kale - Sido Kale waxa uu Wasiir ku xigeenku ka hadlay warar sheegaaya in ay shaqadii wasaaradoodu qabanaysay ay la wareegeen Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland isago arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi mar kale “ horta anaga iyo gudida wanaag faristu ma nihin laba tartamaaya bal se waa laan naga mida anaga howshaa ay hayaana anagaa u xil saaray. -

Xukuumada Oo Markii Horaysay Shaaca Ka Qaaday Tirada Xujaajta Ah Ee Somaliland Kaga Dhimatay Gudashadii Xajka Hargeysa Xukuumada Somaliland Ayaa markii u horaysay ka hadashay tirada xujaajta Somaliland Kaga dhimatay sanadkan xaramka sidaas waxa warfidiyeenada u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Diinta Iyo Aqaafta Somaliland Nuur Cismaan Guleed Waxan Yidhi “ Somaliland tirada Rasmiga ah ee kaga dhimatay waa afar xaaji sido kale waxa lumay oo la waayay Afar xaaji oo kale oon la kala ogeyin in ay dhinteen iyo in kale - Sido Kale waxa uu Wasiir ku xigeenku ka hadlay warar sheegaaya in ay shaqadii wasaaradoodu qabanaysay ay la wareegeen Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland isago arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi mar kale “ horta anaga iyo gudida wanaag faristu ma nihin laba tartamaaya bal se waa laan naga mida anaga howshaa ay hayaana anagaa u xil saaray. -

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Muusooday Hummaag Uu Wasiir Waran Cade Ka Marag Furay Oo Lagu Hoga Tusaaleeyey Kulmiye Iyo Halka Geedigiisa Lagu Furayo

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Muusooday Hummaag Uu Wasiir Waran Cade Ka Marag Furay Oo Lagu Hoga Tusaaleeyey Kulmiye Iyo Halka Geedigiisa Lagu Furayo   Madaxweyne Xisbigii UDUB Ee Bahweynta Ahaa Waxaad Ka Warqabtaa In Uu Si Fudud Saaxadda Uga Baxay Oo Waxaa Baabi ’iyey……Xisbiga KULMIYE Yaan Jug-soo-dhacyo Kale Baabi ’in Ee Ha Kala Soocnaadaan Kii Maanta Yimi Iyo Kii Ku soo Tabcay ” Hargeysa- in ka badan afartan xubnood oo kasoo jeeda waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Sacad Muuse ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqay dardar-gelinta hawlaha qabsoomida shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo muddayntiisa ay kutilmaameen tallaabo hore loo qaaday si natiijo looga gaadho doorashada musharraxa Madaxweynaha xisbigaasi uga qayb galaya doorashada. dayaashan oo  kulan saacado badan qaatay  habeen hore fiidkii Madaxweynaha kula yeeshay  qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa ay ka qayb galeen siyaasiyiin, Madax dhaqameed, aqoonyahanno iyo xubno golaha wasiirrada ka tirsan oo dh

Inaynu Qabyaallada Ka Guurnaa Miyey Innaga Go’an Tahay! W/Q; Pro; Abdi Ali Jama

Inaynu Qabyaallada Ka Guurnaa Miyey Innaga Go’an Tahay! W/Q;   Pro; Abdi Ali Jama Dadka Afka- Soomaaliga ku hadla had iyo jeeraale waxay ka cawdaan qabyaaladda, qof kastaana waxad mooddaa inuu rabo in laga takhaluso. Haddana sidaas oo ay tahay, qabyaaladdu way sii naaxaysaa ama xoogaysanaysaa iyadoo baahysa, si ka badan sidii la filayay. Maxaa qaldan? Qabyaaladdu ma cifriit aan la loodin karinbaa mise innaga ayaan farba u taagin oo isu dhiibnay, maxaa yeelay waa qiime sare oo aynu ku faano. Horta marka hore qabyaaladdu ma waxay faa’iido u tahay dadka mise madaxda(mucaarid iyo muxaafidba). Iyadu ma lagama maarmaan bay u tahay siyaasadda iyo nolosha kaleba. Runtii, dad badan baa raba in ay ka takhalusaan bahashan. Haddana waxa ay arkaan iyagoo ku dhex jira. waa maxay sababtu? ma munaafiqiinbaa?. May, may. ilama aha sidaas. Sababtu waxa weeye, iyadiiba meel kasta ka buuxda. lamana samayn wax lagu beddelo. Runtii dadka xun iyo dadka wanaagsaniba way galayaan saymahee