Skip to main content

Posts

Showing posts from October 21, 2015

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Booyado Shiidaal Waday Oo Rasaas Lala Dhacay, Kana Hadlay Xaalada Magaalada Berbera.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Booyado Shiidaal Waday Oo Rasaas Lala Dhacay, Kana Hadlay Xaalada Magaalada Berbera. Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar  ayaa ka hadlay rasaas lala dhacay qaar ka mid ah booyadaha shiidaalka ka soo qaada haamaha magaalada Berbera. Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo khadka telefanka ugu waramay shabakada Hadhwanaagnews  ayaa waxa uu sheegay inay ku daba jiraan dadkii falkaas gaystay, waxaanu tilmaamay inay xaalada magaaladu haatan dagan tahay. Gudoomiye Fahmi Cabdi Bidaar oo marka hore ka hadlaya booyadaha la rasaaseeyey ayaa waxa uu yidhi “Qaar ayaa rasaaseeyey markaa taayaradana way ka banjariyeen candhadana wax ayey ka noqdeen, dadkii falkaas gaystayna waa lagu maqan yahay waxaanan ku saaray laba baabuur oo ciidan ah.” Gudoomiye Fahmi oo aanu waydiinay waxyaabaha ay dadkaasi ka xanaaqsan yihiin ayaa waxa uu ku jawaabay “Dadkaasi waxay ka xanaaqsan yihiin dad  la  xi...

Xaqiiqada Calanka Somalia iyo Cida Samaysey!

Xaqiiqada Calanka Somalia iyo Cida Samaysey! Maadaama ay maanta ku beegan tahay, Kow iyo lixdan guuradii maalinta ay Somalidu tidhaahdo waxaa la sameeyay Calanka Buluuga ah ee xidigta shanta gees lihi dhexda kaga taalo oo ku beegan 12.October,1954. iyadoo la yidhaahdo waxaa sameeyay, Mudane Maxamed Cawaale Liibaan. Haddaba Astaamaha aad halkan Sawiradooda ku aragtaan Bidix ka bilow: Astaantii Somalia, Waxa ku xiga Astaantii,Waddankii Cyrenaica oo caasimadiisu Bangaasi ( Benghazi).ahayd. Iyo Astaantii Tripolitania oo caasimadeedu Tripoli ahayd, labbadan waddan ee danbe labbaduba Waddanka Libya ayay maanta ka tirsan yihiin. Haddaba Astaamahan aad halkan ku aragtaan, wuxuu talyaanigu u sameeyay waddamadaas uu guumaysan jiray, 03.April.1919. Waa mudo iminka laga joogo lix iyo sagaashan sannadood. Waxay saddexdan astaamood ka siman yihiin, Calanka Buluuga ah iyo Xidigta cad ee shanta gees leh.. Wuxuu talyaanigu isla maalintaas iyana Astaan u sameeyay waddanka Erateriya. lakiin...