Saturday, 24 October 2015

Warbixin UN Monitoring Group Ka Gudbisay Somaliland Oo Lagu Xusay Kor U-Kac Ku Yimid Qiimaha Dhulka Iyo Xaraash Sharci-Darro Ah Oo Lagula Kaco Dhulka Iyo Hantida Ma-Guurtad.


Warbixin UN Monitoring Group Ka Gudbisay Somaliland Oo Lagu Xusay Kor U-Kac Ku Yimid Qiimaha Dhulka Iyo Xaraash Sharci-Darro Ah Oo Lagula Kaco Dhulka Iyo Hantida Ma-Guurtad


Hargeysa (Hubaal) Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay ee loo yaqaan “UN Monitoring Group” ayaa soo saartay warbixin sannadeedkooda ay u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay wakiil uga yihiin arrima amniga iyo sirta ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray iyo Ereteriya.
Warbixinta oo maalmihii ugu dambeeyey laga sugayey waxa uu Golaha Ammaanku ansixiyey Salaasadii inna dhaaftay, waxayna ka kooban tahay 322 bog. Warbixinta “UN Monitoring Group” ay soo saaraan waa ta rasmiga ah ee uu ku dhaqmo kana shidaal qaato Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ah unugga qaabilsan go’aamiyana amniga dunida.
Sidii sannadihii horeba, warbixintu Somaliland kama ay sheegin dhibaatooyin aad u waawayn oo la mid ah kuwa ay ka sheegtay Puntland iyo Soomaaliya, kamana ay wada tegin.
Waxa ay warbixinta kooxdu tibaaxday in uu Somalialnd kor u kacay muranka la xidhiidha dhulka iyada oo 45 dhacdo oo la xidhiidha muran dhuleed ay dhaceen xayndaabka Somaliland intii u dhaxaysay bishii sideedaad iyo sagaalaad ee sannadkan oo kaliya.
Murannada dhulka waxa kor u qaaday sida ay warbixintu xustay qiimaha dhulka oo kor u kacay Somaliland iyo xaraashka sharci-darrada ah ee lagula kaco dhulkii iyo hantidii ma-guurtada ahayd ee ummadda u dhaxaysay oo sare u kacay.
Warbixintu waxa kale oo ay falanqaysay kaluumaysiga sharci-darrada ah oo kor u kacay guud ahaan dhulkii Soomaaliya  la isku odhan jiray.
Dhinaca Somaliland waxa ay sheegtay in shirkad la yidhaa Anglo Somaliland Resources Ltd “ALR” oo uu horkacayo nin ka tirsanaan jiray baarlamaanka Ingiriiska magaciisana la yidhaa Sir Tony Baldry uu Somaliland la galay heshiis ah in kalluumasiga Somaliland gebi ahaanba shirkaddan loo xidho taas oo ay Somaliland-na u saxeexday.
Kooxda Kormeerka ee Qaramada Midoobay “UN Monitoring Group” oo la xidhiidhay Sir Tony Baldry wuxu sheegay in Somaliland ka codsatay in uu wax ka hagaajiyo heshiisyada dhinaca kalluumaysiga iyada oo shirkadda ALR ay noqon doonto shirkadda u qaabilsan Somaliland dib-u-sii-bixinta liisannada kalluumaysiga… 


Fb; Abdiasiis jama Haji Cami

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...