Skip to main content

Posts

Showing posts from September 21, 2015

Maanta oo kale 11 September 2001

Maanta oo kale, 11.September 2001. Qalinkii; Sulayman Yusuf Dhakhtar Miyaad taqaana Magacyada iyo Waddamada ay ka soo jeedaan, Nimankii fuliyay hawlgalkii September,11,2001 ? Afar iyo tobban sano ka hor maanta oo kale, 11-September 2001, waxaa weerar lagu qaaday waddanka Maraykanka, weerarkaas oo ay Qaadeen niman naftood hurayaal ah oo ururka Al-qaacida ka socday. Nimankaas oo ka koobnaa Sagaal iyo tobban nin, waxay burburiyeen daarihii Ganacsiga aduunka ee World Trade Center-ka loo yaqaanay, kuna yaalay Magaalada New York. Waxay kaloo burburiyeen qaybo ka mida Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka, kuna taala caasimada Maraykanka ee Washington.D.C. Diyaaradii Afaraad-se, meel cidla ah oo Gobolka Pennsylvania, ku taala ayay ku burburtay. Haddaba Sidee wax u dhaceen maalintaas? nimanka hawshaas fuliyayse kuwee ayay ahayeen? Qoraalkan hoose ayaynu ku eegi doonaa. Subaxnimadii hore ee 11-September 2001. waxaa qaybtii nabbad gelyada ee saddex ka mida garoomada

MAANSADA RUN ( Abwaan mahamed Hashi Dhamac Gaariye AHUN)

MAANSADA   RUN ( Abwaan mahamed Hashi Dhamac Gaariye AHUN) Runeey lagu neceb Lagu Rokee Laska Kaa reeb Ristaad Daaqdaba Fule kaa roor Ruxrux doon iyo Ra,iis daalin ah Midna kuma rabo Ninkii kuu roon Danbi lagu raro Ribo iyo been Loorakaad sado Xabsi lagu rido Rasaas lagu furo Raxantiisoo OOda loo rogo OO ka reebiyo Rajo laga dhigo Raxan raadiyo Rafaad lagu muday Mise riiq gabo NNimaad Ruuneey Raatubtiis tahay Rafiiqaguna Haduu rubad go,o Adaa rimaneey Raage kale dala Ruud biraa tahay Aarka raanta leh Iyo raantiyo Rabinimadii Fircoon lagu rogay Isna reemaadh Waa wax rubuc yare Lau raagtiyo Rookarookada Kurusheeda ah U riyaaqyoo Rarabtiisii Raad udgoon mood Dhulku kala roor Risiq lal cuno Run la qaawiyo Run la qaawiyoRuux la garab dhigo Xaq la raad sado Reeban, buu yidhi Rasuulinuu yahay Raxamaan soo diray   Dadna wada rabo Riddo iyo been     Geli raadyahaha Ka riwayadi