Skip to main content

Posts

Showing posts from November 15, 2015

Koox Ka Mid Ahayd Maleeshiyo Beeleeda Wabar Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland.

Koox Ka Mid Ahayd Maleeshiyo Beeleeda Wabar Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland.   Boorama, Somaliland, November 15, 2015, (Saxafi) – Qayb kale oo a mid ah maleeshiyo beeleed ka amar qaadan jiray Suldaan Wabar ayaa isku soo dhiibay ciidamada qaranka ee soohdinta labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia. Maleeshiyo beeleedkan oo dalka ka soo galay meesha la yidhaahdo Degmno Laqas ee galbeedka magaalada Boorama, saxaafaddana laga qariyey ayaa waxa ku jira xubno ka tirsnaa hogaanka sare ee jabhadda Wabar, kuwaasoo qaarkood ka sii falaagoobeen mid ka mid ah xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka. In kasta oo aan la ogeyn halka uu ku dambeeyay ee go’aanka uu wada-hadaladaasi ka qaatay hogaamiyihii jabhaddaasi ee Wabar, hase yeeshee warar ku dhaw dhaw ergooyinka ku hawlanaa wada-hadalada ayaa lagu sheegay in Suldaankaasi weli ka maagayo dib u soo laabashadiisa dalka, ka dib markii asxaabtiisa iyo  taageerayaashiisa u badan qurba jooggu kula taliyeen inaanu  raacin maleesiyadiis