Monday, 23 November 2015

Wallaahi Turki Baad Sheegaysaaye Haddii Dawladaha Waaweyni Isu Yimaadaan, Naguma Qasbi Karaan Wax Aan Dadkayagu rabin, Ismana Hor Taagi Karaan Wixii Shacbigu Doonayo



Wallaahi Turki Baad Sheegaysaaye Haddii Dawladaha Waaweyni Isu Yimaadaan, Naguma Qasbi Karaan Wax Aan Dadkayagu rabin, Ismana Hor Taagi Karaan Wixii Shacbigu Doonayo”

Madax Dhaqameedka Waa La Siyaasadayn Karaa Khiyaamooyin Fara Badanina [Wada-hadalladan] Way Ka Soo Socdaan Aniguna Sideedaba Ma Waafaqsani Arrintan [Madax-dhaqameedka]”
“Dawladda Soomaaliya Ka Taagan Iyo Dawladda Somaliland Ka Jirtaa Wey Kala Dimuqraadi San Yihiin, Dimuqraadiyaddana Waxaa U Dhaw Ta Somaliland Ka Jirta”
“Berigii Ay Turkiga Iyo Carabtu Colloobeen Ayaa Carabtu Tidhi Qofka Nin Turki Ah Madaxiisa Keenna [Maalliyad] Baanu Ugu Beddelaynaa, Immika Arrinkan [Wada Hadalku] Waa Taas Turkiga Oo Kale”

 Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa ganafka ku dhuftay hadal haynta in Turkigu uu wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya u soo wareejinayo dhinaca madaxda dhaqanka ee labada dal, taas oo uu ku tilmaamay in aanay Somaliland ahaan aqbali doonin haddii xataa Caalamka oo idili isugu yimaado qaddiyada wada hadalka. Suldaanku waxaa uu qorshahan jiritaankiisa ku maseeyey dhacdo ku taxan sooyaalka colaado muddo hore dhex maray dadka Turkiyiinita ah iyo dawladaha carabta, taas oo uu wada hadalka Xamar iyo Hargeysa ku dhereriyey.“Wallaahi waxaan u arkaa arrintaasi [wada hadalka madaxda dhaqanka Somaliland iyo Soomaaliya] arrin qaldan in ay tahay, sababtoo ah wada hadalladani cid bay u socdeen oo xukuumadda ayaa waday, xukuumaddiina markay quus ka gaadheen ayay damceen inay ku soo dhex noqdaan madax dhaqameedka, madax dhaqameedkuna dee siyaasiyiin maaha, ee waa  waa niman dhaqan soo jireen ah haysta,” sidaasi ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo Waraysi arrimahan ku saabsan xalay siiyey weriye Maxamed Cabdillaahi oo Togaherer.com ka tirsan, waxaana uu suldaanku intaas ku daray “berigii ay Turkiga iyo Carabtu colloobeen ayaa waxay carabtu yidhaahdeen ninkii Turki ah  madaxiisa qofkii noo keenna intaas [maalliyad] ayaanu ugu bedelaynaa, Anigu waxaan arrintaas odhan lahaa dee waa tii oo kale tanina, annaguna markaanu Koonfur ka hadlayno waa ninka reer waqooyi ah madaxiisa qofkii keenna ee kurka ka soo gooya dabadeed ciddii ka soo goysana la siiyo qiimo. Marka kolley arrintani arrin fudud maaha, [waana qalad in Turkigu] ay isku qasbaan laba arrin oo aan is geyin oon shaqo isku lahayn weeye, waayo maanta cidi  naguma khasbi karto Xamar inaanu raacno, sababtoo ah dawladda Soomaaliya ka taagani iyo dawladda Somaliland ka jirtaa wey kala dimuqraadisan yihiin, dimuqraadiyadana waxaa u dhaw ta Somaliland ka jirta waayo dalka waad aragteen waanad soo marteen, xamar waxa ka dhacayana waa la arkayaa oo waa la og yahay , markaa annagu Turkigaad sheegaysaaye dawladaha waaweyn ee dunidu hadday isugu yimaadaan naguma qasbi karaan waxaan dadkayaga iyo shacbigayagu rabin, arrintanna shacbi baa goostay oo [gooni isu taaggeeda] madax dhaqameed umuu goyne shacbigay ka timid, wixii shacbigu doonayana la isma hor taagi karo” sidaa ayuu Suldaanka guud ee Beellaha JSL yidhi. Mar la weydiiyey su’aal nuxurkeedu daarnaa in madax dhaqameedka Somaliland ay ku kala jabaan arrintan amaba qaar kamid ahi ay ajiibaan baaqaas oo wada hadalka ay ka qayb galaan, mawqifka uu suldaan ahaan aaminsan yahay maadaama oo uu suldaankii guud yahay, waxaa uu ku jawaabay “wallaahi arrintaas anigu sideedaba ma waafaqsani, madax dhaqameedkana waa la siyaasadayn karayaa, khiyaamooyin fara badanina meesha way ka socdaan, waxaan leeyahay bal horta intaan la tegin in ay madax dhaqameedku naaqishaan wixii ay ka yeellayaan oo ay talo midaysanka yeeshaan ka hor intaan albaabkaas la furin oo la is weydiiyo in ay faa’iido leedahay iyo wixii ay khasaare leedahay” ayuu suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir hadalkiisa ku soo xidhay.
Blogger: hajicami.blogspot.com

Guddoomiyaha UCID Muxuu Ka Yidhi Eedaha Musharaxa Iscasilay U Jeediyay



Guddoomiyaha UCID Muxuu Ka Yidhi Eedaha Musharaxa Iscasilay U Jeediyay
 
Burco(Hubaal) – Eng Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Ucid ayaa isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer wuxuu diiday eedaha musharax xigeenkii xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo iscasilay u jeediyay ee ah in guddoomiye Faysal burburinayo xisbiga. Waxa uu sheegay inuu tacab badan xisbiga soo galiyay sidaas darteedna aanu gacantiisa ku burburayn.
Eng Faysal waxa uu sheegay in xisbigu galayo dib u qiimayn dhinaca musharaxiinta ah islamarkaana la eegi doono cidda xisbiga soo saari karta “Xisbiga waa la qiimaynayaa, waa la is dul taagayaa, yaa soo saari kara, yaa musharax xigeenka ku soo bixi kara ee xisbiga soo saari kara, hawshaas ayaa la galayaa, markaa waxaanu malaynayaa in Cabdirashiid ka baqday in lala tartami doono ama la caqabadayn doono oo aanu xisbiga taageero iyo dhaqaale midna aanu keenayn,” ayuu yidhi Egn Faysal.
Guddoomiyaha Ucid oo sii hadlaya ayaa sheegay inay la socdaan heshiisyo musharax xigeen Cabdirashiid la galay xisbiyada kale “ Waxba kama jiraan arrinta ah in khilaaf jiro, wuxuun buu ka cararay Cabdirashiid waar waa la is qiimaynayaa, arrintii way is bedeshay, xisbigu siduu u soo bixi lahaa ayaa dib loo eegayaa, markaa wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Guddoomiye Faysal oo qorshaha cusub ee Ucid ka sii hadlaya ayaa yidh “ Qof walba waa la qiimaynayaa, xataa aniga ayaa la I qiimaynayaa markay shir weynaha gaadho bal inaan sii wadi karo iyo in la I bedelayo, qof kasta waa la qiimaynayaa waxani “wax Kitaab ku qoran oo Qur’aan ah maaha, Facebook iyo Chating Siyaasi laguma noqdo,” markaa waa in la eegaa, waar yaa wadanka wadi karaya, waar yaa umadda isku hayn karaya, waar yaa Somaliland iibin karaya, waa sidaas uune musharax ma ahana ma odhan,xumaan aan u hayaana ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Musharax kuxigeenka iska casilay xisbiga Ucid aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ku dooday in xisbiga Ucid burbur ku soo foolleeyahay, balse dadka siyaasadda Odorosa ayaa sheegaya inay suuro gal noqoto khilaaf xisbigaasi wajaho. Arrintan ayaa salka ku haysa musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee Kulmiye, iyadoo hogaanka Ucid qaarkood hore u muujiyay inaanu Jamaal Musharax ka noqon karrin Ucid, iyadoo loo eegayo isku degaanka ay ka soo jeedaan Muuse Biixi oo ay adkaanayso inay codad ay ku soo baxaan kala helaan, balse arragtidaasi waxaa hore uga jawaabay Jamaal xilli uu ku guda jiray barnaamij su’aalo lagu waydiinayay, wuxuuna ku dooday in si kasta oo ay tahay uu musharax ahaanayo, nasiibkiisana ka qaadayo doorashada.



Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Magaalada Bristol oo Booqatay Xarunta Dhexe Ee Xisbul-xaakimka Somaliland



Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Magaalada Bristol oo Booqatay Xarunta Dhexe Ee Xisbul-xaakimka Somaliland

Hargeysa  (Hubaal)- Muwaadinad u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Bristol ee dalka Ingrisiiska Marwo Hibaaq Jaamac, ayaa booqasho ku tagtay xarunta dhexe ee xisbal-xaakimka KULMIYE ee caasimadda Hargeysa maanta.
Xildhibaan Hibaaq Jaamac oo dhawaan socdaal ku timi Somaliland, ayaa iyadoo ay wehelinayeen xubno waalidkeed iyo qaraabadeed ka mid ahi ay tagtay xarunta xisbiga KULMIYE gelinkii hore ee maanta, halkaas oo hoggaanka iyo hawladeennada xisbigu si wayn ugu soo dhaweeyeen, una muujiyeen qalbi-furnaan iyo dhiirrigelin ku wajahan dalkeeda hooyo ee ay dib ugu soo laabatay.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa farxad iyo qiimo wayn ku tilmaamay booqashada Xildhibaan Hibaaq oo uu sheegay inay door wayn ka qaadatay aqoonsigii golaha deegaanka Shefield siiyeen madaxbannaanida Somaliland sannadkii 2014-kii.
“Xildhibaan Hibaaq waxay dalkeeda u timi inay soo booqato dalkeeda oo ay eegto dawladaha hoose iyo goobaha waxbarashada, iyadu xisbi walba (axsaabta Somaliland) way ka tirsan tahay, bulsho kastoo reer Somaliland ahna way ka tirsan tahay, markaa aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaannu shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska, gaar ahaan deegaanka Bristol ka codsaday inay Marwo Hibaaq gaadhsiiyaan inay ka mid noqoto Golaha Baarlamanka guud ee dalkaasi, maadaama ay calanka Jamhuuriyadda Somaliland markii u horreysa ka dhex ka taagtay Boqortooyada UK.
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka heer Qaran ee KULMIYE Marwo Dalays Faarax Shire iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Garabka Haweenka xisbiga Marwo Xusni Maxamed, ayaa iyaguna erayo soo dhawayn iyo bogaadin ah ku qaabilay xildhibaan Hibaaq oo ay u hogo-tusaaleeyeen xaaladda dalkeeda hooyo uu joogo iyo kaalinta haweenku ku leeyihiin horumarka iyo saaxadda siyaasaddaba.
Ugu dambayntii, Xildhibaan Hibaaq Jaamac oo hadal ka jeedisay madasha lagu qaabilay ee xisbiga KULMIYE, ayaa si wayn ugu mahadnaqday hoggaanka, hawlwadeennada iyo dadka kale ee soo dhaweeyey oo ay xustay in aanay marnaba filayn inay la kulmayso dad sidan u fara badan oo madax iyo mijaba leh oo ku midoobay jacaylkeeda ama taageeradeeda.
Marwo Hibaaq waxay faahfaahisay golaha deegaanka Bristol ee ay xildhibaanka ka tahay iyo doorkii ay ku lahayd aqoonsigii mudanayaasha deegaanka Shefield siiyeen Somaliland, waxaanay tidhi, “Sidaa la idiin sheegay anigu golaha deegaanka Bristol baan xildhibaan ka ahay, calanka Somaliland-na waan taagay iyadoon hore dalka Ingiriiska looga sharfin calanka Somaliland, ujeeddada ka dambaysay ee aan ugu dhaqaaqay arrintaasina waxa ka mid ahaa, sannad bay ku buuxday intii aan xildhibaanka ka ahaa Ingiriiska, anigoo arkay in qaran kasta dunida ah maalintooda la xuso oo calankooda la sharfo oo la gartay inay yihiin ummad taariikh iyaga u gaar ah leh, markaa sidaas si le’eg ayaan aniguna u doonay Somaliland inay hesho. Haseyeeshee, waxa jira in hadal badani igaga yimi oo la yidhi Hibaaq ummaddii Soomaaliyeed bay kala qaybisay, laakiin Somaliland waa waddan jira oo jinsiyad gaar ah leh, waana in adduunyada meel kastoo aynu joognaba kor u qaadno magaceeda, taasi maaha mid anigu aan ka xishoonayo ama aan dadayo oo aan doonayo in aan ka fogaado. Alxamdullilaah wax wanaagsan oo aannu samaynay ayey ahayd aqoonsigii Somaliland, waana nalagu dayday oo waa nalaga dabaqaaday, in shacabka reer Somaliland si wayWaxa kaloo ay ka hadashay ujeeddada socdaalkeeda iyo xidhiidhka danaha labada waddanka, gaar ahaan dhanka ammaanka, “Somaliland waxaan u imi in aan aad u eego meelaha god-daloolooyinka ka jiraan oo aan idinkala shaqeeyo wixii daldaloolkaa buuxin lahaa, haddii aannu nahay dawladda Ingiriiska iyo dawlaha hoose ee dalkaasi annaga dan baa noogu jirta in Somaliland nabadgalyada ay haysato maanta aannu wax ugu sii darno oo aannu garab-istaagno, waayo waynu la soconaa dunida iyo dalal badan dhibaatada ka jirta, nabadgalyana maanta waa waxa ugu qaalisan, waana ta aad haysaan (Somaliland), markaa waxaan idin odhan lahaa halkaa ka sii wada,” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Xildhibaan Hibaaq Jaamac.


Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...