Skip to main content

Posts

Showing posts from November 16, 2015

SULDAANKA BEESHA SUBEER AWAL OO SOO DHAWEEYAY MALEESHIYADII WABAR EE KUSOO GURYO NOQDAY DALKOODA

SULDAANKA BEESHA SUBEER AWAL OO SOO DHAWEEYAY MALEESHIYADII WABAR EE KUSOO GURYO NOQDAY DALKOODA Hargeysa, (Hubaal) — Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan  Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyay talaabada lagu soo xera galiyay Maleeshiyada Suldaan Wabar taageerada u ahaa in ku dhaw sanad ee maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada qaranka Somaliland. Suldaanka oo War-murtiyeed kooban ku baahiyay bartiisa Xidhiidhka Bulshadda Ee FACEBOOK-ga,ayuu si weyn ugu mahad celiyay salaadiinta, madax dhaqmeedka awdal, guud ahaan waxgaradka deegaanka sidoo kale madaxweyne xigeenkii hore Mujaahid Cabdiraxman aw Cali Faarax. “Gobonimada dadkaa iska leh guusha iyo galadana alle swt. Waa gobonimadii lagu yiqiin reer awdal talaabada hormuudka u yihiin madax dhaqameedka waxgaradka culimada reer awdal uqaadeen in ay soo afmeeraan maanta 16 November, 2015ka ee lagu soo dhaweeyay ciidamadii kusoo guryo noqday dalkooda talaabadan oo ah mid hore loogu qaaday nabad