Skip to main content

Posts

Showing posts from October 11, 2015

Sheekadii Dhexmartay Marwooyinka Aamina Weris Iyo Marwo Hudda Barkhad

Sheekadii Dhexmartay Marwooyinka Aamina Weris Iyo Marwo Hudda Barkhad Waxay ahayd 27 Sep 2015, markii ay si lama filaan ah ugu kulmeen Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyo Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Hudda Barkhad, Madaarka Magaalada Hàrgeysa ee Egal International Airport. Marwo Aamina Weris waxay là socotay seygeeda Madaxweynaha Somaliland Axmed oo kusii jeeday dalka Irelànd oo Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Ireland Michael D Higgins, bàlse Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa, ayaa kusii hakanayay dàlka Imaraadka Carabta, halkà marwadii hore Hudda Barkhad là socotay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaaale Kaahin oo isaga iyo marwadiisu safar ugu baxayeen dàlka Imaraadka. Labada Madaxweyne iyo marwooyinkooda oo ku kulmay Madaarka Hàrgeysa, waxa dhexmartay salaàn iyo bariido wanaagsan oo noqotay mid ay ka faa,idaysteen siyaasiyiin qardoofooyin siyaasadeed dhexmareen Madaxweynihi hore Daahir Rayaal

War Degdeg ah:-Guddoomiye ku-xigeenka labaad Xisbiga WADDANI Ee Magaaladda Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

War Degdeg ah:-Guddoomiye ku-xigeenka labaad Xisbiga WADDANI Ee Magaaladda Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay. Gabiley(HWN)-Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Wadani Eng Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse-Suweyn), ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo aan ilaa iyo hada la garaneyn sababta Xadhigiisa loo cuskadey. Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Eng Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse-Suweyn), oo hada ku xidhan Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley ayaa, hadhwanaagnews u xaqiijiyay in aan xadhigiisa loo marin Sifa sharci ah islamarkaana, aan loo keenin waaran Maxkamadeed iyo amar uyeedhis ah (Saman), midna haseyeeshee, lagu wargaliyay in Saldhiga Ciidanka Booliska lagu weydiinayo Su,aalo kadibna loo sheegay in uu Xidhan yahay, Waxaanu si kooban u sheegay in aanu garaneyn sababta xadhigiisa kaliftey. - aliyaha Qeybta Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley oo la sheegay in uu bixiyay amarka,Xadhiga lagu taxaabay Gudoomiyaha Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Wadani Eng

Abiib Timacad oo iska dhiibay Garabka Mohamed Bihi Younis Cidlana kaga dhaqaaqay saaxiibkii samale

Abiib Timacad oo iska dhiibay Garabka Mohamed Bihi Younis Cidlana kaga dhaqaaqay saaxiibkii samale   Wasiirkii hore ee wasaarada Warshadaha Somaliland Abiib Diiriya Nuur Timacad oo ahaa saaxiibka ugu dhaw ee Cabdicasiis Mohamed Samaale oo ka mid ahaa sadexda musharax ee ugu cad cad tartanka musharaxminadda ee xusbiga kulmiye ayaa manta markaliya lagu dhex arkay isagoo ag boodaya musharax kale ee Mohamed Bihi Yonis oo manta dalka ku soo laabatay. Mudane Timacad oo ah nin is badal badan laguna yiqaan ka digo rogasho badan oo kolba meesha dantiisu ku jirto u wareega ayaa lagu xasuustaa iscasilaadii u danabaysay oo uu usababeeyay xil ka qaadistii saaxiibkii samaale. Lama oga sababta keentay in abiib timacad u wareego garabka Ina bihi yonis isla markaana ka digo rogto saaxiibkii Samaale. www.hajicami.blogspot.com E-mails: Samater2013@gmail.com Skype: Abdiasiis47 Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami