Wednesday, 28 October 2015

Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Weedhihii Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiintii Is Maaxdumiyey ku Tilmaamay Hadal Tiro.



Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Weedhihii Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiintii Is Maaxdumiyey ku Tilmaamay Hadal Tiro.

“Qarankani Maanta Cidna Uma Dhutinayo Oo Wuu Isku Filan Yahay Dadkiisa iyo Dawladdiisuna Way Isku xidhan Yihiin”

Wasiirka  Wershadaha Somaliland Oo  Weedhihii Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiintii Is Maaxdumiyey ku Tilmaamay Hadal Tiro
 

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadallo dhawaan kasoo yeedhay Xubno wasiirro ah oo xilalkii ay xukuumadda u hayeen  iska casilay, waxana uu  wasiirradaas usoo jeediyey inay Nabadda ilaaliyaan.
Wasiir Shucayb ooSalaasadii Maanta  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, kaga  falceliyey weedho masuuliyiinta iscasishay ku direen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inaan hanjabaadi xukuumadda waxba ka qaadi Karin,“cidda maanta hajnabaysa ee Dawladda iyo Madaxweynaha u hanjabaysa, hadalkoodu waa hal bacaad lagu lisay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Dawladdiisu ma aha qaar Qori iyo taanki loogu hajnabo, cidkasta oo arrintaas ka hadashayna waxan leeyahay madaxweynuhu doorashuu ku yimi shacabkaana aqlabiyad ku doortay.” Ayuu yidhi Wasiir Shucayb.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata tilmaamay in kuwa Hanjabayaa yihiin qaar aan lahayn caqliyo la jaanqaadi kara duruufta taagan, isla-markaana xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay mid ku timi kalsoonida iyo rabitaanka shacabka, waxana uu Xusay inaan danta guud cidna looga baqi Karin, waxana uu yidhi,
“Kuwa sidaas u hadlayaa waxa ay ka dhigan yihiin ilmihii yaraa ee Hooyadii Khuukh ku yidhi, qarankanina maanta cidna uma dhutinayo, cidna uma baahna waana isku filan yahay, dadkiisa iyo dawladiisuna way isku xidhanyihiin. Qof looga baqi karo danta guudna ma jiri karo, qofka iska hadlayna waxanu leenahay Been Baad sheegaysaa.”


Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland




Madaxweyne Siilaanyo Oo Iska Diwaan Geliyey Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Nuxurka Hadaladii Madaxweynaha, Gudoomiye Muuse Iyo Maxamed Kaahin



Madaxweyne Siilaanyo Oo Iska Diwaan Geliyey Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Nuxurka Hadaladii Madaxweynaha, Gudoomiye Muuse Iyo Maxamed Kaahin.


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta tagay xarunta xisbiga Kulmiye,halkaas oo isku diwaan geliyey xubinimada golaha dhexe ee xisbigaasi.
Madaxweynaha somaliland oo ay wehelinayaan  xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxa xarunta Kulmiye ku soo dhaweeyey hogaanka xisbiga iyo xubno ka mid ah golaha dhexe.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka hdlay diwaan gelinta madaxweynaha ee xubinimada golaha dhexe ayaa waxa uu yidhi “madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay is diwaan gelinta madaxweyne Siilaanyo ee xubinimada golaha dhexe, ayaa waxa uu si cad u sheegay inaanu jirin taageero uu siiyey madaxweynuhu waxaanu yidhi “Maanta waxaa farxadweyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan  ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu  faq iyo fagaaraba  aanu aniga  wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay  oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya. –
Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa  howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaarbaanu u nahay  inaanu kala fadhiisano.” –
Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu danbayntii ka hadlay is diwaan gelintiisa  ayaa waxa uu yidhi “Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad waynbay  ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”
Intaasi ka dib Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu iska diwana geliyey xarunta Xsibiga isaga oo laga qaaday Sawir Kura oo loogu samayn doono Kaadhka Aqoonsiga Xubinimo o ah kadhka koowaad ee liiska Xubninimadu dhigaayo, iyadoo halkaasi madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey, kuna sugnaayeen barxada hore ee xisbiga dadweyne aad u tiro badan oo luxaayey calanka Xisbiga Kulmiye kuna dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin waa geesigii oon godob lahayn iyo Ereyo kale.

Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...