Skip to main content

Posts

Showing posts from October 9, 2015

Xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu Jira Beelaha Habar Yoonis oo Taageeray Murrashaxnimada Muuse Biixi Abdi

Xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu Jira Beelaha Habar Yoonis oo Taageeray Murrashaxnimada Muuse Biixi Abdi. Qiraalka Wasiir Cismaan Caddaani ee xaqa Muuse Biixi ku leeyahay dalka & farxadda dardaaranka Guddoomiye Muuse Biixi ku qaabilay taageerada uu helay Hargeysa (Hubbal)- Masuuliyiin, siyaasiyiin iyo odayaal ka tirsan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira beelaha Habar Yoonis, ayaa taageero buuxda la garab istaagay murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Casuumad qado ah oo uu martiqaadkeeda lahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo lagu qabtay huteelka KAAH ee bariga Hargeysa shalay, kana qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, siyaasiyiin, madaxdhaqameed, haween iyo weliba ugu yaraan labaatan ergay oo ka mid ah xubnaha beelaha Habar Yoonis ugu jira Golaha Dhexe ee KULMIYE, ayaa shaaciyey inay aqlibiyadoodu taageersan yihiin murrashaxnimada Guddoom