Monday, 26 October 2015

Magacyada Mas’uuliyiinta Ka Istaakh-furulaystay Ballantii Ay Ku Galleen Banaynta Xilalka Ay Qaranka U Hayeen



Magacyada Mas’uuliyiinta Ka Istaakh-furulaystay Ballantii Ay Ku Galleen Banaynta Xilalka Ay Qaranka U Hayeen


Hargeysa (Hubaal) – Wali waxa ay shacabku si weyn u hadal  hayaan Tiro wasiiro, Ku-xigeenno iyo madax hay’ado madax bannaan isku jira oo ka Hadhay kooxdii isku duubnayd  ee hormadii ugu horraysay shalay ka dareertay liiska Golaha Wasiirrada. Xubnahan oo tiradoodu aad u kooban tahay, ayaa iyagu daqiiqadihii ugu dambeeyey qaatay go’aan ka duwan midkii ay kula socdeen saaxiibadoodii meesha ka baxay, waxana ay iyagoo dantooda eegaya ku adkaysteen inay kasii tirsanaadaan xukuumaddan aanay naxariista u haynin, isla-markaana boqno goynteeda ku mashquulsan yihiin. Magacyada xubnahan  hadhaaga ka ka noqday kooxda Tareenka iska tuurtay, ayaa kala aha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Md Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Md Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) iyo Waliba Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta u qaabilsan Komishanka la dagaallanka AIDS-ka, Md Cabdikariin Xinif.
Dhamaanba xubnahani waxa ay ka qaybgaleen shir xubnaha iscasilay Habeen hore saqdii dhexe iskugu yimaaddeen, kaas lagu gorfeeyey qaabkii  ay xukuumadda uga tegi lahaayeen, isla-markaana isku raaceen inay si siman xilalka ay hayaan ug dareeraan. Inkastoo is-casilaadda lagu wada Ballansanaa, haddana xubnahani waxa ay eegeen dantooda gaarka  ah, waxana ay go’aansadeen inay xilalkooda iska sii haystaan, maadaama wali wakhti u hadhsan yahay Xukuumadda. Xubnahani  ka baaqday iscasilaaddu dhammaantood ma aha qaar ku baaqsaday Ixtiraam iyo iyo sharaf  ay madaxweynaha u hayaan, balse waxa ay eegteen dantooda oo kali ah iyo inay sii wataan malafsiga hantida qaranka ee ay masuulka ka yihiin. Hore waxa u luntay kalsoonidii madaxweynuhu ku qabay xubnahan tirada yare e kasoo hadhay kooxdii isku duubnayd ee uu wasiir Xirsi Hormoodka u ahaa, waxana la sugayaa tallaabada uu madaxweynuhu ka qaadan doono, maadaama aanay jirin wax kalsooni ah oo ay xukuumadda ka haystaan.

Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland


Waaba Baryay Bilicsan!



Waaba Baryay Bilicsan!

Bilowgii sannadkii 2008, ayaa Nin xoghaya arimaha dibada Kulmiye ahaan jiray, magaciisuna ahaa Dr Axmed Xusen Ciise, ayaa yidhi Siilaanyo ayaan isla sharaxayaa, dhawr jeer oo la waraysteyna wuxuu ku celceliyay "Siilaanyo Afartan sanno ayaan soo hoos fadhiyay, markaa inuu meesha noo baneeyo xaq ayaanu u leenahay". Gudoomiye Axmed Siilaanyo ayaa bishii labbaad ee sannadkii 2008-kii, Idaacada VOA, waraysi la yeelatay, waxayna ka waraysaneysey xaalada Xisbiga Kulmiye ee xiligaas. iyo muranka isaga iyo ninkaas ka dhaxeeyay, Wariyihii VOA, ayaa Siilaanyo weydiiyay Suaal ahayd. "Gudoomiye, Dr Axmed Xuseen Ciise wuxuu sheegay oo ku andocoonayaa inuu mudo afartan sanno ah ku soo hoos fadhiyay, markaa ay tahay xiligii aad meesha banayn lahayd?. Gudoomiye Siilaanyo, wuxuu su'aashaas kaga jawaabay ""Axmed Xuseen Ciise,aniga afartan sanno imuu soo hoos fadhiyin, aasaasayaashii Kulmiyena maaha". Lakiin way jiraan rag inbadan isoo hoos fadhiyay hadday tahay SNM-tii iyo hadday Kulmiye tahayba, waxaa ka mida Muse Bixi, waxa ka mida Maxamed Kahin iyo rag kaloo baddan, markaa kuwaasi xaq ayay iigu leeyihiin inay sidaas i yidhaahdan.
Haddaba jawaabtaa uu Siilaanyo berigaas bixiyay, waxay u eegtahay mid maanta soo baxday oo uu ka rumeeyay. xaq ayuuna u leeyahay inuu nimankii uu sideed sanno ka hor lahaa abaal ayay igu leeyihiin oo in baddan ayay isoo hoos fadhiyeen, abaalkooodii u gudo. waliba sida inbadan laga wadda dheregsan yahay nimankaasi wax baddan ayay tabanayeen, waayo Xisbigii ay ku soo dhabar jabeen iyo taageeradii ay Madaxweyne Siilanyo inta baddan la garab taagnaayeen, maalintii uu guuleystay, waa la ogaa halkii ay ku danbeeyeen.. Waana kii ku yidhi ama xilka Xisbiga iska soo dhiga ama Golahayga wasiirada kama mid noqonaysaan.
Madaxweynuhu taageeradiisa haddii uu maanta cid kula ciiri lahaa inuu nimankaas Saraakiisha kula ciiro ayay ahayd. haddii kale sheekadu waxay noqon lahayd Maansadii Dir-sooc ee ibraahim gadhle, baydadkii ku jiray ee ahaa
Geela maalintii raac,
Makhribkiyo habeenkana,
Aan kugu ag maalee,
Ha maggaabin caanaha,
Waar nimankaa soo halgamey, ee misana siddeeda sanno ahaa Mishiinka Xisbiga Kulmiye ku dhaqaaqo, ee Misana maalintii la guuleystey cidlada lagaga tegey, dee maantana may qabaneyn in la yidhaahdo Xisbigii waa la idin kaga adkaadaye halkaas mara. Dulmi cad iyo quudhsi ayuu arinkaasi noqon lahaa xaalkuna wuxuu ku danbayn lahaa, Nin dhirbaaxi quudheed dugsadey dhaqayadeed maal!!. Madaxweyne Siilaanyona abaal la'aan aan taariikhda ka hadheen ayaa raaci lahayd, Waayo ummada oo dhan ayaa markhaati ka ahaan lahayd halka uu kaga dhaqaaqey Saaxiibadiisii maalinta adag.
Samirku maanta wuxuu u eekaa Wasiirada,oo ay ahayd inay u tanaasulaan odayaasha soo shaqeeyay. qaabka tartanka xisbiga ee mustaqbalkana in wax laga bedelo inay soo jeediyaan ayay ahayd lakiin ilaaba ilaa, ama waanu cuni ama waanu ciideyn, meesha may qabaneyn. Idinkuba maanta taas maydaan qaadateen, oo intaad toban sanno Xisbi Cidlo ah soo dhex fadhidaan oo dawladii aad soo saarteen haka qayb gelina la idin odhan lahaa, bil xaqiiqan maydaan yeesheen manaydaan qaadateen.markaa waxaad naftaada la jeceshahay wallaalka la jeclow.
Iminka iyo haatan Somalidu waxay tidhaahda gar waa loo wadda Islaam. Nimankaas wasiirada ee inta baddan iyaguna soo shaqeeyay ee Madaxweynuhu baalashii uu shanta sanno ku duulaayey ahaa, waa in xisbigu ka dabba tagaa si kastoo loo soo maslixi karana gallaa. Taageerayaashii xisbigana waa in la isu soo jiidaa, ileen Somaliland maalin kastaba xisbi burbura umma taag haysee.Tartankuna haddii uu dhafoor taabad iyo cadiigsi noqdo, aakhirka ururkaasi amma xisbigaasi burbur ayuu ku danbeeya.
Xisbiyada Somalilandna waa hanti Qarane hala wadda illaashado!
Suleyman Yusufdhakhtar

www.hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Hargeisa Somaliland

Xaalkayagiinu waa Ninba meel ku Asqow!



Xaalkayagiinu waa Ninba meel ku Asqow!

Waa weedh kasoo baxday mid ka mid ah xubnaha isteerinka u haya ololaha  Maxamed,Samaale, Kijaandhe  ugu jiro loolanka musharaxnimada kulmiye. Xaallkeenu waa nin ba meel ku asqow!!!!.  Waa cadaymaha inoogu filan Bisayl-aanta siyaasadeed iyo socod baradka hafashada iyada oo aan melba la isla gaadhin . mihnadkastaa waxay leedahay barasho, aqoon iyo xirfada kuu sahlaysa inaad dhib kasta oo kaa hortimaad si fudud aa uga talaabsato, haddise aanad aqoon u lahayn mihnada siyaasada iyo xayndaabkeeda waxaad noqonsaysaa mid mar walba ku dhex hafta …… wax waliba barasho leh  waxaanad ku dambayn doontaa uun …. Xaalkeenu waa ninba meel ku asqow.
Maxamed, Samaale ,Kijaandhe waxaan kula talin laha  Inaad han yeelato waa wanaagsan laakiin mar walba waxaa muhiim ah inaad dib isku qiimayso oo aad dib u qiimayso cida aad jeceshahay inaad la tartanto halka waxaa kaaga soo baxaya muqaal ah inaad saxantahay iyo inaad gudcur gudaysid….. bal hadday goori goor tahay ee taladaa qaata oo dib isu noqda
Waxaan  ku soo afmeerayaa, ummadi waliba taariikh ayay leedahay inay ku xisaabtanto weeyi   in dib la isku qiimeeyo waa lagama maarmaan in la isku ixtiraamana waa daruuri. Sidaasaa dalku horumar ku gaadhi karaa oo aynu horumar ku wada gaadhi….  Maxamed,Samaale , kijaandhow bal dib isugu noqda asqadaa bilowga ahi intayna idinla sii durkin
Mana fiicna inaad aflagaadaysaan madaxwaynaha  oo tidhaahdaan dhinac ayuu la safnaa
Waxaa kale oo halkaas kaaga soo baxaaya in wasiiradda manta shaqadoodii iska casilay inanay qaranka iyo umada reer somaaliland aanay u shaqaynayn  oo ay dano gaara lahaayeen
Waxa ay qaran ka ugu masuul ahaayeen wasaarado waxaanay ku tusaysaa inaanay Nimankani qaranka u shaqaynayn ee ay dano gaara lahaayeen ,waxaa  waliba u dheerayd dhalanteed beenta iyo amaan beerlaxawsiya oo ay u hayeen madaxwaynaha.



Hargeisa Somaliland





Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...