Skip to main content

Posts

Showing posts from October 20, 2015

BADHASAABKA GOBOLKA GABILEY!

Walahaay Inaanay Dhacayn Wasiir Gabiley Kasoo Jeeda In Lacag Baada Hargaysa Loogu Dirro” Badhasaabka Gobolka Gabiley.   Badhasaabka Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Shiine ayaa si kulul u dhaliilay faragalin uu sheegay in Gobolka gabilay ay ku hayaan wasiiro ka soo jeeda Gobolakasi ,waxaanu badhasaabku amaanay dadaalka uu gobolkiisu ku talaabsaday waxaanu si culus ugu duur xulay Xubnaha Golaha Deegaanka degmada Gabilay iyo Wasiirada ka soo jeeda Deegaanka Gabilay kana tirsan Xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo . Badhasaabka Gabilay oo arrimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa jirat faragalin ay nagu hayaan Wasiiro Gobolka Gabilay ka soo jeeda ,waxan leeyahay marka aniga lay badalo ayuunbaa la badalayaa Maayirka Gabilay ,walaahay lacag halkan (Gabilay)laga qaado inaan wasiir Hargaysa jooga loo gaynayn ,wasiir baad lasiinayo walee ayaanu jirayn ,maayir aad leedahayna walaahy inaanu Gobolka imanayn,Madaxwaynuhu wuu noo mahad celiyaa oo horumar baynu samaynay”. Ba...

Boqorka Sucuudiga Oo Dalkiisa Ugu Yeedhay Hogaamiyayaasha Somaliya, Ethiopia Iyo Djabout –

Boqorka Sucuudiga Oo Dalkiisa Ugu Yeedhay Hogaamiyayaasha Somaliya, Ethiopia Iyo Djabout  Hargeysa):-Gobolkan Geeska Afrika ayaa la filayaa in maalmaha soo socda laga dareemo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo xaraarad diblumaasiyadeed oo aan hore uga jirin marka laga hadlayo dhinaca  xidhiidhada dawladaha gobolka iyo dalalka Carabta. Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdalcasiis ayaa Axadda toddobaadkan oo ku beegan 25 ka  Oktoobar waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ah saddex hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika oo bishan aynu ku jirno ee Oktoobar gudaheeda booqashooyin ku tegi doona dalka Sucuudiga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu. Diblumaasi Jabbuuti u dhashay ayaa u sheegay Shabakadda Al-Khaleej oo wargeyskan Geeska Afrika uu soo xiganayo in madaxweyne Geelle uu dalka Sucuudiga ku tegeyo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay boqorka Sucuudiga, waxa aanay booqashadiisani bilow u tahay lab...

Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ugu Jira Deegaanka Qoryoolay Ee Gobolka Togdheer Oo Taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi

Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ugu Jira Deegaanka Qoryoolay Ee Gobolka Togdheer Oo Taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi  Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ugu Jira Deegaanka Qoryoolay Ee Gobolka Togdheer Oo Taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi Hargeysa(HWN):-xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ugu jiraa deegaanka a Qoryoolay ee gobolka Togdheer ayaa ku dhawaaqay inay taageersan yihiin musharaxnimada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Xubnahan oo kala ah Khaliif Xiinwaal, Shariif Abokor Dhuuxyare, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed(Mareexaan), Xildhibaan Maxamed Jaamac, Deeqa Waydaar, Xaaji Shaarub,Maxamed Saleebaan Rooble  iyo Jaamac Xaaji Axmed, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay taageersan yihiin musharaxnimada gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Xubnahan ayaa sheegay inay ku midaysan yihiin taageerada gudoomiye Muuse Biixi, waxaanay tilmaameen in marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbiga Kul...