Sunday, 17 January 2016

BEESHAYADA OO DHAMI HADDII AY U FOOTAYSO CIRRO, XISAABTA ILMAADEERNIMADU MA SOO SAARI KARTO EE WAXA UU U BAAHAN YAHAY CODKA BEELLAHA KALE EE JSL”

BEESHAYADA OO DHAMI HADDII AY U FOOTAYSO CIRRO, XISAABTA ILMAADEERNIMADU MA SOO SAARI KARTO EE WAXA UU U BAAHAN YAHAY CODKA BEELLAHA KALE EE JSL”

KULMIYE Dhexdiisa Mar Baa Jirtay La Igu Odhan Jiray Beeshaadu Waa Wada UDUB, Haddana Waa La Ogaa Codkii Aanu Helnay”
“Wasiirka Qudha Ee Sheegan Kara Ayaan Ahay Ceerigaabo, Sool, Burco, Oodweyne Iyo Hargeysa Oo Aan Yaraantaydii Ku Koray”
“Kaadirka Xisbiga Ah Si Sharaf Leh Ayaanu U Soo Dhawaynaynaa Laakiin Waxaan reer KULMIYE Leeyahay Berbera Miyuu Baraf Ka Di’i?….Wax Is Bahaysi La Yidhaahdaana Ma Jiro’e Waxaa Jira….”
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa ka warramay amuuro kala duwan oo ra’yul-caamka bulshadu wax iska weydiinayo oo ku saabsan aragtiyaha siyaasadeed ee ay kala aaminsan yihiin hogaanka xisbiga KULMIYE iyo garabka ka fallaagoobay xisbigu ee dibadmeerka ah, kuwaasi oo ku andacoonaya in aanay aaminsanayn natiijadii ka soo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbigu ku qabsaday Hargeysa horaantii November ee kal hore,iyaga oo garabkani ku doodaya in dib loogu noqdo midhihii shirkaas, doodaas oo wasiirku ku tilmaamay kuwo aan haba yaraatee qiil loo helayn, isaga oo calaacal timo ka soo baxaan ku sifeeyey. Sidoo kale waxaa uu wasiir Caddaani ka hadlay su’aallo la iska weydiiyo kalsoonida uu shakhsi ahaaan ku qabo taageero uu xisbigiisu ka helo beesha uu ka soo jeedo, maadaama oo cod iyo cududba ay beeshaasi u janjeedho dhinaca xisbil-mucaaridka uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha WADDANI. Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanba waxaa uu Wasiirka duulista hawaddu kaga jawaabay Waraysi isku dhafan oo uu siiyey barnaamijka toddobaadlaha ah ee Milicsiga Siyaasiga ee Weriye Feysal Maxamed Cabdi (Fadh-fhadle) ka baahiyo telefishanka Universal.
Waraysigaas ayaa wargeyska HUBAAL kasoo xigtay waslado kamid ah su’aalo iyo jawaabo is-dhamaystiraya kuwaas oo u badnaa kuwo ka turjumaya wacyigan siyaasadeed ee lagu jiro iyo kuwo la filayo in timaadada ay yimaadaan, waxaa kamid ahayd su’aal u dhignayd sidan: “Berigii dhawayd ee shirweynihii aaad baad uga dhex muuqatay gaar ahaan garabka Muuse Biixia, markaa qolooyinka isbahaysigu waxaa ay sheegayaan in aanay xisbigii ka go’in ee ay weli KULMIYE yihiin, laakiin ay doonayaan in doorashadii musharraxiinta xisbiga [ee lagu doortay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE] dib loogu celiyo, aragtidaas sidee ayaad adigu [Wasiir Caddaani ahaan] u arki lahayd?”. Ayuu Weriye Feysal Fadh-fadhle weydiiyey wasiirka duulista hawada, waxaana isaga oo Mr. Caddaan aad u qoslaya ku jwaabay, tiraab sarbeeban oo nuxurkeedu yahay inaanay marnaba suurto gelayn dib u doorashada musharraxiinta ee ay xubnahani ku andacoonayaan, waxaana uu yidhi “ Berbera miyuu Baraf ka di’i?. Cimillada adduunku waxaa ay inna tusaysaa in aanu baraf ka da’ayn Berbera oo ay tahay meel xeeb ah oo weligeed ay kulaylkaas ahaanayso oo hawadeedu aanay is bedelayn marka laga reebo intaas yar ee aynu ku qabawno ee aynu nidhaahno hawadii baa soo dhacday” sidaa ayuu yidhi wasiir Caddaani waxaana isaga oo sii tafsiiraya duurxulkiisa uu yidhi, “runtii waa wax lala yaabo [doodda Isbahaysigu]. Walaallahayga aanu isku xisbiga ahayn, ragna aanu isku wasiirrada ahayn, qaarna ay xildhibaannadii xisbiga ahaayeen, iyo kuwo kaadirkii xisbiga ahaaba. Waxaan leeyahay annagu ninkii xisbiga soo galaya loo diidi maayo waa xisbigiisii, si sharaf iyo qadarin lehna waanu u soo dhawaynaynaa, laakiin mid baan kaa ballanqaadayaa, [kaasi oo ah] inaanu shir dembe dhacayn, aduunyadana kama dhacdo, Jamhuuriyadda Somaliland-na ka dhici mayso, xisbigii KULMIYe Shirkiisii wuu qabsaday , shirguddoonkii iyo musharraxiintii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka baa lagu doortay . markaa waqtigeeda mooyee ragga doonaya in mar kale la qabto waa wax aan suurto galayn. Waxaanan leeyahay dadweynaha reer KULMIYe ee JSL ku nool wax is bahaysi la yidhaahdaa ma jiree KULMIYE waa Mid qudha, laba garabna ma jiraane waa garab qudha, garabkaasina waa ka halkaas isku doortay ee musharraxnimada u diyaar ah, waana kaas maanta horumarka Somaliland iyo guushaba gaadhsiiyey”.
Mar La weydiiyey Wasiir Su’aal kaftan u dhigan oo nuxurkeedu daarnaa kalsoonida uu wasiir ahaan ka haysto beesha uu kasoo jeedo maadaama oo musharraxa xisbiga WADDANI ahna ra’iisal baarlamaanka dalk a ay isku beel yihiin, halkaasna loollan adagi ka soo waajihi karo dhinaca ololaha iyo codadkaba, markaas maadaama oo aad adiguna ka tirsan tahay KULMIYE, maxaad ka odhanaysaa aragtida odhanaysa in taageeradii aad beesha ka heli lahayd ay yartay. Su’aashaas waxaa uu Wasiirka duulistu kaga jawaabay; “anigu maanta maalin aan ka taageero badannahay ma jirto, hadalkaas oo kalena wuu i soo maray oo mar baa jirtay xisbiga KULMIYE dhexdiisa la igu odhan jiray, beeshaadu UDUB bey wada tahay, hadanna cod badan baanu ka helnay berigaas, maantana in codkii berigaas aan beeshayda ka badsado mooyee ka yaraan meyno. Markaa waxaan leeyahay guddomiyaha Baarlamaanka oo aan Ixtiraam u hayo miidaanku wuu innoo furan yahay labadeennaba, xisaabta ilmaadeernimaduna waxaa ay tahay haddii beeshayada oo dhami aanu Cirro u footayno, dee ma soo saari karno oo Beellihii kale ee Somaliland oo dhan ayuu u baahan yahay, markaa dee horta beeshayada yaanu kula habsaamin ee ha ogaado in codku yaallo beellaha kale”. “ Mida kale anigu waxaan ahay Nin ballaadhan wasiirka qudha ee sheegan kara ayaan ahay Ceerigaabo, Burco, Sool, Daad-madheedh illaa Hargeysa oo aan yaraanteydii ku koray, markaa anigu ma ahi qof isku koobaya qoys qoys yar oo loo fadhiyee waan ka ballaadhannahay, Marka laga yimaado taasi, haddii aan kuu soo qaado Ceerigaabo kalsoonida aan kahaysto, maxaad u malayn iyadii oo maanta Loo Sameeyey Wadadii, Dekeddii Meydh uu Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay, Dugsigii caanka ahaa ee Dayaxa laftiisana la dhisay, dhakhtarkii Ceerigaabana saddex milyan oo Dollar lagu sameeyey, riigagiina meelo badan laga furay, dee Ceerigaabo way garanayaan Foodku meesha uu yaallo iyo xisbiga horumarkaas keenay, reer Togdheer, reer Sool iyo reer oodweyneba way garanayaan halka horumarku yaallo, markaa anigu waxaan maanta qabaa oo aan ku niyad samay oo aan haba yaraatee shaki igaga jirin in anigoo ku faanaya xisbiga KULMIYE gobol-alla-gobolka aan Somaliland tago aan foodka ka helayo. Inaadeerkay Cirrana waxaa uu leeyahay record [sooyaal], kaasi ayaana lagula xisaabtamayaa baarlamaanka intii uu joogay wixii uu qabtay.





XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”


-Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta.
Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay.
guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer.

waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey.
” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii aad i siiseen doorashadii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, oo ay xubnihii idiinku jiray codkooda i siiyeen, dhamaan reer togdheer waan idiinka mahad naqayaa”- ” golihii dhexe codkii way i siiyeen markaa waxay ka dhigantahay way ii codeeyeen reer togdheer oo dhami” ayuu sheegay Muuse.
Muuse Biixi Cabdi ayaa intaasi raaciyey “Dhalinyarooy soddon sannadood ka hor ayaa anigoo idinka idin leeg aan is barbar taagay Madaxweyne Siilaanyo markii uu ka soo horjeestay Siyaad barre, sidii ayaan u barbar taagnaa, maantana waakaas iskay barbar taagay ee Murrashaxa Madaxweyne ii doortay ee gacanta ii taagay. siyaasaddu markay mabda’ leedahay waa sidaas”.
isagoo sharraxaad ka bixinayey sooyaalkii Dhalinyarada reer Burco  iyo kaalintii ay xisbiga ku lahaayeen wuxuu yidhi ” Cali Mareexaan isagoo idinka idin leeg ayuu Xisbiga Kulmiye burco kaga biiray, wuxuu noqday Guddoomiye Gobol, maantana waa wasiir, waxa u hadhay waa madaxweyne, haddii uu tahriibi lahaa sidii qayrkii muu soo gaadheen halka. wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii aanu lahayn UDUB way tegaysaaye ha tahriibin walal, Xinif kuwaasuu ka mid ahaa Xirsi-gaa Maanta Siyaasiga weyn noqday dhalinyaradii markaa joogtaybuu ka mid ahaa, markaa haddaad xisbigaaga aaminto sidaasaa madax loogu noqdaa, oo magac iyo maamuus loogu helaa” ayuu Muuse Biixi yidhi.
Socdaalka Muuse Biixi Cabdi ku tegay Gobolka Togdheer, ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ugu baxo Gobollada dalka tan iyo markii loo doortay Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, waxaana ku wehelinaya ku-xigeenka iyo xubno kamida Gollaha Wasiirrada iyo Goleyaasha kale ee dawladda.






Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...