Dalkii Waxa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Mid Suuqa Joogta {Ganacsato} Maanta Madaxii Baa La Iskugu Keen Wada Xidhay….” Sheekh Aadan Siiro
Dalkii Waxa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Mid Suuqa Joogta {Ganacsato} Maanta Madaxii Baa La Iskugu Keen Wada Xidhay….” Sheekh Aadan Siiro Hargeysa(Hubaal) Sheekh Aadan Siiro, ayaa khudbadiisii jimcaha kaga hadlay arrimo ka mid yihiin Iibinta xaruntii waxbarashada dadban ee Haweenka(Women’ Club), dhacdadii ka dhacday jidadka isku xidha Hargeysa iyo Sheekh iyo culaysta ay leeyihiin xilalka dawladdu marka la eegayo diinta Islamka. “Waxaynu si kooban uga hadli doonaa waxa lagu magacaabo Masuuliyadda. Waxaynu ognahay todobaadkii tagay laba dhacdo oo aad u adag oo ka dhacay Berbera agagaarkeeda, oo midi Sheekh ay ka dhacday, midna dhinacan galbeedka Berbera ay ka dhacday. Waxaynu ognahay dhacdooyinkii aan quruxda badnayn ee ka dhacay Boorama intii ciyaaruhu ay socdeen iyo marar ka horaysayba. Waxaynu u taaganahay iyadoo Hargeysa badhtankeeda la iibiyey dhismayaashii taariikhda lahaa ee umaddu ku faani jirtay ee dumarkeena boqolaal iyo kumaankum ay ka bax...