Sunday, 22 November 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Aanay Indhaha Ka Lalin Xaqa Ay Somaliland Ku Leeday, Dhambaal Mahadnaq Ahna U Diray Golaha Degaanka Tower Hamlet.



Madaxweyne Siilaanyo Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Aanay Indhaha Ka Lalin Xaqa Ay Somaliland Ku Leeday, Dhambaal Mahadnaq Ahna U Diray Golaha Degaanka Tower Hamlet.

 Waxaa La Gaadhay Xilligii Ay Beesha Caalamku Gar-Waaqsan Lahayeen Masuuliyaddooda..” Madaxweynaha Somaliland
 
Hargeysa() – Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay degenaanshaha Somaliland ka hirgalisay mandaqad ammaan darro aafaysay, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay inay gaadhay xilligii Somaliland la aqoonsan lahaa, madaama ay muddo 25 sannadood ku siman aqoonsi la’aan ku soo dedaalaysay, kuna dhistay deganaansho iyo dawladnimo.
Warqoraal ah oo madaxweynuhu mahad ugu celiyay golaha degaanka degmada Tower Hamlet ee magaalada London oo dhawaan aqoonsaday Somaliland ayuu ku sheegay in la gaadhay wakhtigii dunidu tixgalin lahayd xaq Somaliland u leedahay citiraafka.
Warsaxaafadeedka Madaxweynuhu wuxuu u dhigan yahay sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumaddiisa iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu halkan MAHADNAQ BAAXAD LEH uga dirayaa Duqa magaalada, Golaha Deegaanka iyo guud ahaanba shacabka ku nool Degmada Tower Hamlets ee bariga London. Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Somaliland waxa farxad iyo sharaf weynba u ah inuu ku hambalyeeyo kuna bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets tallaabadii ku dhaca iyo geesinamadaba lahayd ee ay qaadeen taasoo ay 18-kii November 2015 cod aqlabiyad ah ku aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets guud ahaan, gaar ahaana Mayor H.W. John  Biggs iyo Xildhibaan Amina Axmed waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kaasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan baahida weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Codka aqlabiyadda ah ee ay Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets ku aqoonsadeen Qarannimada dalkayagu waa tallaabo ku dayasho mudan taasoo ay ku kasbadeen dareenka iyo quluubta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waana mid ku suntanaan doonta xasuusta ummaddayada oo aanu idiinku hayno abaal weyn oo aan duugoobaynin. Sidoo kale shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahad naqayaan cid kasta oo isku hawshay qadiyadda Somaliland oo talo ama taageero ka geysatay.
Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, muddo ku dhow 25 sano waxay dedaal dheer iyo xusul-duub-ba ugu jireen inay helaan aqoonsi iyo ictiraaf buuxa si ay uga mid noqdaan Beesha Caalamka. Dhinaca kale, ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaaman yihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay dhistaan nabadgelyo waarta, degenaansho iyo xasilooni. Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhab ah ugu guulaysatay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan. Ummadda Somaliland waxay dunida tuseen kartida, awoodda iyo isku kalsoonida ay leeyihiin inay noqdaan Qaran dhisan oo si buuxda u shaqaynaya.
Tallaabada ay qaadeen Golayaasha Degaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets waa tallaabo geesimo leh oo mudan inay Beesha Caalamku kaga dayato. Ugu dambayntii farriinta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u dirayo Beesha Caalamka waxay tahay: “Waxaa la gaadhay xilligii ay Beesha Caalamku gar-waaqsan lahayeen masuuliyaddooda ee ay la iman lahaayeen go’aano ku dhac leh oo ay ku aqoonsanayaanJamhuuridda Somaluland.”
ALLAA MAHAD LEH
BLOGGER: Hajicami.blogspot.com

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015



Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015
 “Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,
Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,
Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,
Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,
Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,
Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,
Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?
Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,
Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?
Hargeysa, 21/11/2015ka Boobe Yuusuf Ducaale
Axmed Xasan-cawke maa-daama dad aad u badan oo meelo kala geddisan joogaa ay yaqaanneen waxa ii muuqatay in meelo iyo siyaabo badanba loo xusi doono. Sidaas ayaan u yar lug-danbeediyay. Sidii ayaanay u dhacday oo waa taas tacsidii iyo baroor-diiqdiiba ay socdaan.
Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd waxaan toosay goor hore oo aan dhegaystay qaybo afafka qalaad ah oo BBC-da ah ka dibna u digo-rogtay VOA-da oo 6.30ka subaxnimo soo gasha. Wararka ka-sokow waxaan aad u xiiseeya heesta lagu soo khatimo oo mararka qaarkood ku aroorinaysa oo waayo-waayo ku xusuusinaysa. Waxaanan illoobayn Cabdi-qays iyo Aamina Canbdillaahi oo aroor dhaweyd hees kala roganayay. Waxaan is-idhi waa bilowgii lixdankii iyo magaalada Jabuuti. Inta aan subaxdaa iska daayay BBC-dii Soomaaliga ahayd ayaan dhakhso u baxay aniga oo Xisbiga Waddani ballan adag ku lahaa. Guddi gacanta ku haysay qabyo-qoraalkii Barnaamajka Wax-qabad ee Xisbiga Waddani ayaan la ballansanaa. Xafiiskii markii aan tegay ayaan arkay iyagii oo aan weli iman.
Gaadhigii ayaan dub u kala-xeelay aniga oo go’aansaday in aan soo maro dhakhtar aan la ballansanaa. Waxaan tegay Xarunta Baashista ee Rejo oo aan dhiigag iskaga qaadayay. Markii aan dhammaystay ee aan ka soo baxayay ayaa waxa iga dabo yimid wiil dhallinyaro ah oo Xaruntaa Rejo ka shaqaynayay oo aanu is-naqaannay. Isaga oo baalle-daymoonaya ayuu cod aad u hooseeyay oo aanay kalsooni badani ku dhehhnayn, dhegta ii saaray: “Miyaad maqashay geerida Cawke.” Aniguna yaabay oo idhi: “Cawke waa kee? Ma Ina Xasan-cawke?” Ku-ye wiilkii Guuleedna: “Haa
Aniga oo yar yaabban oo hoos isu weydiinaya halkii uu ku danbeeyay maa-daama an magaalada Hargeysa ku ogaa, ayaan Guuleed dib su’aal ugu celiyay. Waxaan weydiiyay halka uu ka maqlay. Ku-ye isaga oo aan shakisanayn: “Facebook-ga ayaa saaka ka akhriyay.” Inta aan hoos u hiifay Facebook-ga, ayaan aniga oo sii dhaqaaqaya ku idhi: “Waa beentood, maxaa yeelay maalinba qof nool ayay aasaan oo ay ku dul qoraan war deg-deg ah.” Sidaas ayaan ku dhaqaaqay aniga oo Guuleed shaki ku abuuray
Aniga oo aan Xafiiskii Waddani gaadhin ayuu Guuleed i soo garaacay, ku-ye: “Adeer waa dhab oo wuxu ku geeriyooday saaka magaalada Jigjiga.” Markan warka dhiillada xanbaarsani waa uu i taabtay. Si buuxda uma xaqiiqsan bal se shaki iyo walaac ayuu igu dhaliyay. Guuleeed ayaan su’aal aan ku shaki-baxo weydiiyay oo ahayd: “Adeer, yaad ka hubisay ee warkan naxdinta leh ku saxeexan?” Guuleed oo aan is-dhibin isla markaana aan ii soo war-wareegin, ayaa iigu jawaabay: “Mulkiilaha Maalinlaha Geeska ee Raambo ayaan weydiiyay oo ii caddeeyay.”
Xaruntii Xisbiga Waddani markii aan gaadhay, ayaan Maxamed-raambo tilifoon u diray. Wuxu ii xaqiijiyay in uu Axmed Xasan-cawke si kedis ugu dhintay magaalada Jigjiga meydkiisana isla maanta la soo qaadayo. Waa sidii mocooyooyinkeen odhan jireen e’, warkaasi wuxu noqday ‘Xaqiiqal Maka.’ Dhowr tilifon oo kale ayaan diray oo uu ka mid ahaa Yoonis Cali Nuur. Qaarkood ayaa iigu jawaabayay: “Waxaan weli la kala caddayn Kalabaydh oo aabbihii ku aasan yahay iyo Wajaale midka lagu aasayo.” Mararka qaarkood ayay magaalada Gebilay sheekada xabaasha soo gelaysay. Qaar kale aya ku odhanayay saddex xabaalood ayaa la kala qoday

Markii aan isu geystay wararkii tilifoonnada iyo mareegaha waxan isu diyaariyay in aan u ambo-baxo magaalada Wajaale oo warkii isugu biyo-shubtay in lagu aasay. Muran yar xoogganaa waxoogaa ayaa ka dhashay sababta loogu aasayo Wajaale oo qarka Itoobiya ah. Markii aanu goobta tagnay se, waxaanu xaqiiqsannay in ay Dawla-degaanka Soomaalidu sidaas door-bidday si ay iyaguna ilaa heer Madaxweyne ugaga soo qayb-galaan
Wuxu ahaa Axmed Xasan Suufi-cilmi. Aabbihii Xasan waxa loo yaqaannay Xasan-cawke. Hadda ma aha Xasan Cawke ee waa Xasan-cawke. Sidaas daraaddeed sifada Cawke waxay ahayd sifo ku ladhnayd ee ma ay ahayn magaca Xasan aabbihii oo ahaa Suufi-cilmi. Sida dadka intiisa badani u haysato, Cawke ma aha magac Axmed lahaa ama magaca awowgiiba
Aabbihii ayaa la odhan jiray Xasan-cawke oo ay tahay in aad u qaadataan in Cawke ay ahayd sifo aabbihii magaciisa lagu ladhay. Haddii aan cabbaar raadiyay macnaha ereyga Cawke waxa la iigu sheegay adeygga ama qofnimo ha noqoto, ama hadalka ha noqoto ama si kaleba ha noqoto e’.
 (La soco berri, haddii Eebbe idmo)
Qalinkii Boobe Yusuf Ducaale
BLOGGER: Hajicami.blogspot.com
E-mails: Samater2013@gmail.com



Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...