Tuesday, 1 December 2015

….Jamaal, Saddex Sanno Horteed Baanu Sharraxnay, Immikana Haddii Uu Leeyahay La Ilama Tartami Karo, Taas Isagu Xaq Uma Laha Oo Waa Arrin Xisbi



….Jamaal, Saddex Sanno Horteed Baanu Sharraxnay, Immikana Haddii Uu Leeyahay La Ilama Tartami Karo, Taas Isagu Xaq Uma Laha Oo Waa Arrin Xisbi”
 
Eng. Feysal Cali Waraabe Oo Iska Barraxay Tabashooyinka Musharraxiisa Iyo Isa-seega Soo Noqnoqday Ee Xisbigiisa  Haggaasiyey
 “Cirro [Guddoomiyaha WADDANI]  Isagoo Aanay Cidi Aqoon Baan [Anigu] Somaliland Oo Dhan Dusha Ka Saaray Kadibna Wuu Igu Kibray Waanu I Mijo xaabiyey,  Tolkiina….”
“Xisbigii Uu  Feysal  Aasaasay 2012-kii buu dhammaaday, kanse NEW UCID baa la yidhaahdaa”


Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markale ka Hadlay khilaafka xisbigiisa ka dhex jira, waxana uu si cad ugu celiyey in Musharraxnimada Xisbiga loo tartami doono, isagoo eedona dusha ka saaray Guddoomiye Cirro oo ay wakhti isku jaal ahaayeen iyo waliba Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Guddoomiye Faysal oo isaga oo ku sugan magaalada Luwanda ee caasimadda wadanka Angola oo uu shir kaga qayb galay ayaa waraysi uu khadka telefoonka ku siiyey laanta afka soomaaliga ee BBC-da waxaa uu meesha ka saaray khilaafka xisbigiisa ka dhex jira, waxana uu sheegay in la gaadhay xilligii lagu tartami lahaa musharraxnimada Xisbiga UCID, “Runtii khilaaf ma jiree Jamaal waanu sharraxnay, haddii aanu sharraxnaynay wakhti bay ahayd, imikana wakhtigii wuu isbeddelay oo salaadba wakhtigeedaa la tukadaa, waana qiimaynaynaa haddii loo bogi waayo.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa khalad ku tilmaamay doodda Jamaal ee sheegaysa inaan cidi la tartami Karin, waxana uu yidhi, “Haddii musharraxu leeyahay la ilama tartami karo isagu taas xaq uma lahee xisbigaa iska leh, aniga iyo jamaalna nama dhex taallo’e waa arrin xisbi.”. Guddoomiye Faysal oo la weydiiyey inuu caan ku yahay khilaafyada, maadaama ay hore iskugu dhaceen Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ay hore Ucid usoo wada ahaayeen, ayaa eedo culus dusha ka saaray Dhiggiisa Cirro, waxana uu tilmaamay inuu khiyaameeyey, “Xisbiga Ucid Tacab badan baan geliyey, Cirro-na isagaa igu kibray oo isagoo aan cidi aqoon baan Somaliland oo dhan dusha ka saaray, ilamana uu shaqaynin, tolkiina cod imuu siinin, markii dambena wuu I mijo xaabiyey, Jamaal-na waanu sharafnay oo saddex sano horteed baanu keenay wax allah iyo wax uu soo kordhiyeyna ma jirto, imikana waa la is qiimaynayaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kalena Jamaal Cali Xuseen Musharraxa xisbiga Ucid,  oo isna la hadlay HCTV ayaa  ku dooday in  tacabkii uu Feysal Cali WAraabe  Geliyey Xisbiga UCID  uu ku ekaa 2012, balse  xisbiga wakhtigan la yidhaahdo New Ucid, taasi oo uu uga jeedo in sumcadiisa iyo dedaalkiisa uu xisbigu ku soo baxay.
Jamaal ayaa doodiisaasi   ku soo beegmaysaa xilli dhawaan Eng Faysal Cali Waraabe sheegay inaan Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan mataan oo ahaa musharaxiinta xisbigu aanay wax tacab ah xisbiga galin, wixii uu tartankii 2012 kaga soo baxayna ahayd sumcaddii iyo dedaalkii xildhibaannadii golaha degaanka. Jamaal ayaa ku doodaya in markii hore Faysal kula heshiiyay musharaxnimada xisbiga balse markii xisbiga Ucid ku soo baxay tartankii 2012 ee ururadu xisbi qaran ugu soo baxayeen uu bilaabay khilaaf uu musharaxnimada kaga riixayo Jamaal.  “Gacantaag baa naloogu codeeyey…mar allaale iyo markii aanu doorashada ku soo baxnay ee uu arkay isbeddel muuqda ayaa ninkii  guddoomiyaha haa ee Feysal Cali Waraabe  is beddalay” sidaasi ayuu yidhi Jamaal, waxaaana uu intaa ku daray isaga oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey cidda tacabka galisay xisbiga iyo sida loo kala mudnaanayo, “Horta xisbiga  [UCID] maaha xisbigiisii iyo xisbi uu isagu leeyahay,  feysal xisbigii uu aasaasay 2012-kii buu dhammaaday, kanse NEW UCID baa la yidhaahdaa”
Blogger: hajicami.blogspot.com




Laba Wariye Oo Ku Dhaawacmay Shil baabuur Oo Maanta Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Ceerigaabo



Laba Wariye Oo Ku Dhaawacmay Shil baabuur Oo Maanta Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Ceerigaabo,


Ceerigaabo(Hadhwanaagnews) Shil Baabuur Oo Sababay Dhaawaca Laba Wariye Oo ka Kala Tirsan Horncable Tv iyo Tv Qaranka Ayaa Waxa Saaka Subaxnimadii Hore Uu ka Dhacay Galbeedla Magaalada Ceerigaabo
Wariyayaashan Oo Magacyadooda La Kala Yidhaahdo Cali Aadan Daahir Oo Horncable tv  Ceerigaabo Uga Soo Warama Iyo Maxamed Maxamuud Saraaf Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Gobolka Sanaag Ahna Wariyaha Tvga Qaranka Uga Soo Warama Magaalada Ceerigaabo Ayaa Xiliga Gaadhigu La Gadoomay Labdan Wariye  Waxay Hawlo Shaqo ugu Safrayeen  Degaanka Fadhigaab Oo Ah Halka Ay marayso Dhismaha Wadada Isku Xidha Gobolka Sanaag Iyo Gobolka Togdheer  Isla Markaana U Dhaxaysa Degmada Ceelafweyn Iyo Gar.adag Ee Galbeedka Gobolka Sanaag.
-Waxna Labadan Wariye  Soo Gaadhay Shil Sahlan Kaasi Oo ka Soo gaadhay Feedhaha iyo Wareega Dhabarka hase Yeeshe Xaladooda Caafimaad Ay Aad U Sahlantahay Waxana Wakhtigan lagu Dabiibayaa Cusbitaalka Guud Ee Gobolka Sanaag. –
Waxba Burbur Xoogani Soo gaadhay Baabuurkii Ay Wateen Oo Ahaa Nooca Laangurusalka Kaasi Oo Sadex Jeer Isla Rogay Wadadana kala Baxay –

Blogger: hajicami.blogspot.com



Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...