Kulan Dhoollatus Ah Oo Ay Xubnaha Beellaha
HARTI Ugu Jira Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ku Yeesheen Hargeysa Iyo Mawqif Ay
Cuddudooda Ugu Hiilliyeeen Guddoomiye Muse Bihi.

Warku intaa ku daray in dhinacyadu isku xog-waraysteen iskuna raaceen
dhammaantood in ay ka go’an tahay taageerrida iyo inay dhisaan
murrashaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga KULMIYE gudihiisa Madaxweynaha
Axmed Siilaanyo kadib, iyadoo halkaasi la isku waydaarsaday hugo-tusaalayn
taariikh ku salaysan iyo dardaaran la is faray sidii looga midho-dhalin lahaa
in doorashada Guddoomiye Muuse ee murrashaxnimada madaxweynenimo ee tartanka
shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.
Xildhibaan
Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho) oo isagu warbaahinta lahadlay markii kulanka
laga soo dareeray ayaa tafaasiil ka bixiyey nuxurka uu daarnaa iyo waxyaabihii
laga wada hadlay “Halkan waxaa ku qadaynaayey oo kulan ku lahaa xubanaha Golaha
dhexe ee beesha Harti, ee Warasangali iyo Dhulbahante ugu jira Xisbiga KULMIYE,
inta ugu mudan ee codka lahayd 30 xubnood oo golaha dhexe ah,
Wasiirradii, Xildhibaanadii, Agaasimayaal Guud, cid naga maqnayd ma jirto,
waxaanu isugu nimid in aanu muujino taageeradda aanu u hayno, Murashaxnimada
Jagada Madaxweynenimo ee Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.” Sidaa ayuu yidhi
Md. Indho, waxaanu intaaku daray “ Maanta waxaanu halkan ka muujinaynaa
in codkayaga muruqayaga iyo foodkayaga uu halkaa maro, oo ay sidaa isku raacsan
yihiin Dhamaan xubnaha Beesha Harti ee Xisbiga KULMIYE.” Ayuu yidhi Xildhibaan
Indho-indho.
Liiska
Xubnaha Golaha dhaxe ee Beesha Warsangali ee Kulankaasi joogay
- Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Kaluumaysiga
- Cabdisalaan Maxamed Xasan. Wasiiru dawlaha W/ Biyaha
- Axmed Maxamuud Nuur. Wasiir ku xigeenka Deegaanka.
- Xil. Cali Maxamed Aadan (C. Bare)
- Xil. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
- . Sul, Muuse Jaamac Dalaf
- Cabdilaahi Maxamuud Suldaan Cabdisalaan
- Maxamed Abshir
- Ibraahim Ducaale Cawke
- Axmed Ismaciil Cali (Guray)
- Sahal Maxamed Jaamac
Liiska
Xubnaha Golaha dhaxe ee Beesha Dhulbahante ee Kulankaasi joogay
- Baashe Cali Jaamac. Wasiirka Biyaha
- Xil. Maxamed Axmed Maxamuud (Dhakool)
- Aadan Cabdilaahi Cabdale. Agaasimaha W/ Diinta iyo awqaafta
- Xil. Gar. Maxamed Jaamac
- Xil. Cabdi Xaaji Hirad
- Nadiifo Maxamed Colujoog
- Jaamac Dheeg Cartan
- Axmed Maxamed Caraale
- Axmed Cabdilaahi Dhagool
- Axmed Maxamed Caraale (Daadeex)
- Cabdilaahi Maxamuud Guray
- Faarax Cali Ibraahim
- Ismaaciil Cali Ibraahim Gaas.
E-mail:
Samater2013@gmail.com
Skype: Abdiasiis Jama Haji Cami
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland