Sunday, 18 October 2015

“Nin Waliba Inuu Hoosta Ka Olalaysto Looma Diidana, Aniguna Maan Odhan KAAH Isugu Keen Keena’e Waa Inta Olaluhu I Farayo Uun”



“Nin Waliba Inuu Hoosta Ka Olalaysto Looma Diidana, Aniguna Maan Odhan KAAH Isugu Keen Keena’e Waa Inta Olaluhu I Farayo Uun”
Saylici Oo Shaaciyey Inuu Mar Kale U Sharraxan Yahay Kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka
“Ninkii Doonaya Inaynu Abuurno Garoon   Loo Siman Yahay Taasi Wayn Naga Go’an tahay, Xisbiguna Maadaama Oo Uu ………”


Hargeysa(Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa Markii ugu horraysay si rasmi ah u shaaciyey inuu u taagan yahay musharraxnimada madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye markiisii labaad, waxana uu tilmaamay inuu arrintaas si weyn usoo dhaweynayo. Mudane Saylici oo ka Hadlay Munaasibad  hadhimo-sharafeed ahayd oo uu maalintii shalay Aqoonyahan, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo Haween kasoo kala jeeda Beelaha Samarroon iyo Garxajis, ayuu kaga dhawaaqay inuu soo dhaweynayo inuu isu taago jagada madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo maalmahan dambena  uu xiiso gaar ah lahaa Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Horraanta bisha soo socota loo ballansan yahay. Munaasibaddan oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, balse Hadalladii laga yidhi uu helay Wargeyska Hubaal, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku ugu horrayn si gaar ah uga Hadlay Khilaafka Xisbiga Talada Haya dhexdiisa ka taagan, isagoo si gaar ah u carrabaabay Su’aalo garabka kale ka keeneen hadhimo-dharafeedda uu qabsaday,

anigay igu yidhaahdeen madaxweyne Adiguba maanta waxad leedahay qado, aniga maantaa ii kow ah baan ku idhi, haddii  aan leeyahayna maan odhan kaah iskugu keen keena’e waa intii ololahu u farayeyoo nin waliba inuu hoosta ka ololaysto looma diidana, waana ka wada hadalnay oo intayadii xukuumadda ahayd waxa aynu nahay Labeentii dalkaynu nahaye inaga daaya waxa inagu keenaya qabsanaanta laba xisbina ma nihini xisbi kaliya ayeynu nahay” ayuu yidhi Mudane Saylici.  Mudane Saylici oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay ka go’an tahay abuurista Goob lagu tartamo oo musharrixiintu u siman tahay, waxana uu yidhi, “Ninkii doonaya inaynu abuurno garoon ama Meel  loo siman yahay taasi wayn naga go’an tahay,  Xisbiguna maadaama oo uu xisbi xaakim yahay in wax la jujuubaa meesha ma taallo”  Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu si weyn uga Mahad naqay Dadkii uu casuumadda u sameeyey, kuwaas oo uu sheegay inuu ka Guddoomay soo jeedimo la xidhiidha sidii uu mar labaad jagada madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ugu soo istaagi lahaa,  “Odayaasha iyo haweenka sharafta leh aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waana idinka guddoomay mar haddii aad tidhaahdeen waanu ku dooranaynaa” ayuu yidhi Mudane Saylici. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  wali ma uu caddaynin cidda uu musharrax ku xigeen u noqonayo, balse Shaxda siyaasadeed iyo sida uu wax u wado ayaa muujinaysa inuu si weyn ugu dhaw yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, kaas oo u sharraxan Jagada madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye.  Waxa sii kacaysa Xaraaradda Loollan ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxana maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya Tirada musharrixiinta Jagooyinka kala sareeya ee Xisbigaas, balse dhawaaqa Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa xiiso gaar ah u yeelaya Baratanka dhexyaalla Baarqabadda Xisbiga Kulmiye hoggaanka u haya.

Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland



“Waxaan Ku Faraxsanahay In Reer Booramihii Nabada Igu Dar-daari Jiray Aan Maanta” Wasiir Saleebaan xaglo-toosiye



“Waxaan Ku Faraxsanahay In Reer Booramihii Nabada Igu Dar-daari Jiray Aan Maanta”
Wasiir Saleebaan xaglo-toosiye


Waad I Garanaysaan Oo Xago-toosiyaan Ahay, Waxaan Ku Imi Gogoshii Uu Madaxweynuhu Dhigay”


London (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye), ayaa ka Hadlay muhiimadda ay leedahay Nabadda iyo horumarka ay somaliland ku tallaabsatay, waxana uu farriin gaar ah  diray shacabka Reer  Borama oo uu kula dardaarmay inay ilaalinta Nabadda xil weyn iska saaraan. Saleebaan Ciise oo habeenkii xalay khudbad ka jeediyey Kulan jaaliyadda Somaliland ee Dalka Uk u qabteen Madaxweynaha Somaliland iyo waftiga uu hoggaaminayo, ayaa sidoo kale farriin kale u diray Siyaasi Cali Khaliif galaydh, waxana uu ugu baaqay inuu kusoo dhiirrado ka qayb qaadashada nabadda ka aloosan Somaliland. Ugu Horrayn wasiir Xaglo-toosiye waxa uu farrriin dhinaca nabadda ah u diray Shacabka iyo waxgaradka Reer Awdal,
Reer Borama waxan leeyahay waxad tihii tusaalihii Nabadda iyo horumarka Somaliland, Waxana aan waxgaradka Reer Borama uga codsanayaa inaanay dadkooda dib u celin oo aanay Nabadda lagaga daydo Burburkeeda horseedin, Waanan ku faraxsanahay in Reer Booramihii  Shalay Nabadda igu Dardaari jirey inaan Maanta Anigu ku waaniyo.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in Nabadda Somaliland taallaa tahay lama taabtaan, isagoo ammaan weynna dusha u saaray madaxweyne Siilaanyo,waxana uu yidhi,“Midnimada iyo nabadda Somaliland waa muqaddas, madaxweynuhuna waxa uu ku baaqay Nabad gogolna waa dhigay, waana madaxweyne wax garad ah oo jecel inuu dadka iskku wado, waanad igaranaysaan oo xago-toosiyaan ahayoo waxan ku imi Gogoshii uu madaxweynuhu dhigay.” Dhinaca kale waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye ka Hadlay  dhibaatada siyaasi cali khaliif ka wado Deegaannada Bariga Somaliland, waxana uu ugu baaqay inuu nabadda ka qayb qaato,“Cali Khaliif Waa Madaxweynaha Somaliland Saaxiibkii, waana nin weyn oo oday ahe ha yimaaddo oo dadkiisa wax ha u qabto Gogosha nabaddana waanu dhignay, laakiin waa ilaalinaynaa cidna ka oggolaan mayno inay nabadda wax yeelaan.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

- Maxaa Keenay In Muuse Biixi Ku Guulaysto Arrin Kasta Oo Siyaasi Ah Oo KULMIYE Dhexdiisa Yimaad?



- Maxaa Keenay In Muuse Biixi Ku Guulaysto Arrin Kasta Oo Siyaasi Ah Oo KULMIYE Dhexdiisa Yimaad?


Dib U Milicso Loollan Aan Waxba Laysula Hadhin Oo Sanadihii 2003, 2006, 2007, 2008, 2010, 2012, 2014 iyo sanadkan aynu ku jirno ee 2015-ka Dhex maray  Muuse Biixi Iyo Saaxiibadiisa Siyaasadda, kuwaas oo  Uu Aakhirkii Isagu Intaba Libta Haleelay.


Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Kulmiye, waxa lagu bartay si kastoo ay u dhib badan tahay in uu ugu dambaynta ku guulaysto arrin kasta oo siyaasi ah oo yimaad KULMIYE dhexdiisa. Mujaahidnimadiisii hore ee Muuse waxa la sheegaa in ay ugu darsantay mujaahidnimo KULMIYE dhexdiisa ah kadib markii uu muddo 12 sanno ah si aan nasasho lahayn uga soo gudbay ugu yaraan sideed caqabadood oo waaweyn oo mid kastaba looga baqayey in ay isaga dhulka dhigto.
Khuburada daraasaysa hoggaaminta iyo arrimaha guusha la xidhiidha waxa ay tibaaxaan in qof kasta oo marar badan guulaystay ay jirto sabab macquul ah iyo tayooyin keenay in uu guulahaas ku gaadho.  Guushuna sideedaba maaha hadiyad taalla meel dhaw oo la laaci karo laakiin waa arrin u baahan shaqo adag, adkaysi aan damqasho lahayn iyo tayo hoggaamineed oo sarraysa. Halgamaagii caanka ahaa ee Martin Luther King waxa la guntay xikmad dhaxal-gal ah odhanaysa “Ninka ragga ah ugu dambaynta waxa lagu qiimeeyaa maaha halkii uu istaagay wakhtigii raaxada iyo xasiloonida, laakiin waxa lagu qiimeeyey halkii uu istaagay wakhtigii caqabadaha iyo loollanka.”

KULMIYE waxa la aasaasay dabayaaqadii sannadkii 2002-dii. Laga soo bilaabo wakhtigaas, dadka intiisa badani waxay ogyihiin in uu yahay xisbi dood badan iyo khilaaf badani ka soo dhex jiray kuwaas oo ilaa maantaas ka dhex socda. Waxase KULMIYE u sahashay in uu dhibaatooyinkii soo food-saaray ka soo gudbo in aan  lagu kala tegin khilaafaadkaas ee aakhirka marka lagu kala guulaysto ay inta laga guulaystaa raacdo fikirka guulaystay. Waana taas baadisoocda uu kaga duwan yahay axsaabta kale ee qaranka oo ay dhif tahay inta la isku qabsadaa ama lagu dhex murmaa.
Loollannadii gudaha ee xisbiga ka soo dhacay isla markaana khilaafaadka dhaliyey inta badan Muuse dhinac ayuu ka ahaa, dhiniciisa ayaanay libintu raacaysay. Su’aalaha muhiimka ahi waxa weeyi, maxaa u sahlay guulahaas? Mase ku guulaysan doonaa loollanka hadda bilaabmay oo ah  kan ugu muhiimsan mustaqbalkiisa, kaas oo ah in uu hantiyo murashaxnimada KULMIYE si uu ugu tartami karo madaxweyninimada qaranka?.
Si jawaabaha su’aalaha kor ku xusani ay innoogu fududaadaan, bal aynu milicsano halka uu Muuse istaagay caqabad kasta oo siyaasi ah oo KULMIYE dhexdiisa ku soo waajahday iyo natiijooyinkii uga soo baxay.

1.     Sannadkii 2003-dii wax yar uun kadib aasaaskii KULMIYE, waxa la isku qabtay murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka oo ay ku tartamayeen rag ay ka mid ahaayeen, Dr Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, Cabdi Xasan Buuni, Xildhibaan Gaagaale iyo Cabdiraxmaan Aw Cali oo ciyaarta ugu dambayntii ku soo biiray, waxana watay Muuse Biixi. Murashaxnimada madaxweynaha iyada la iskuma haysan oo waxay cidlo u taallay madaxweynaha hadda Axmed-Siilaanyo wakhtigaasna ahaa guddoomiyaha xisbiyga. Loollankan waxa ka dhashay khilaafkii koowaad ee xisbigu wajaho. Dood dheer iyo tartan adag oo cidiyaha la iskula tagay kadib waxa guulaystay saaxiibkii uu watay Muuse Biixi oo ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faaraxa.
2.     Sannadkii 2006-dii waxa xisbiga ka dhex qarxay loollan adag oo xubno xisbiga ka mid ahi ku doonayeen in Siilaanyo laga beddelo murasharaxa madaxweynenimada xisbiga. Ragga arrinkan aaminsanaa isla markaana riixayey way badnaayeen waxana laga xusi karaa xildhibaan Madaxamed Cumar-Xaashi iyo Axmed Xuseen Ciise. Hase ahaatee waxa fikirkan ka hor yimid Muuse Biixi oo aaminsanaa in Siilaanyo la siiyo fursad labaad isla markaana u arkayey in uu yahay murashaxa kaliya ee duruufihii wakhtigaas jiray marka la eego guul u keeni karayey Kulmiye. Ugu dambayntii miisaanku wuxu u ciiray dhinicii Muuse Biixi, Siilaanyo-na wuxu hantay murashaxnimadii xisbiga, taas oo markii dambena keentay in loo doorto madaxweynaha qaranka.
3.     Sannadkii 2007-da waxa loollan adagi ka dhacay jagada guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE oo rag badani isu soo sharaxeen, waxa raggaas ugu cuslaa Mujaahid Dhagaweyne oo ay Muuse saaxiib iyo rafiiq dheer ku wada ahaayeen halgankii iyo siyaasadaba. Tartan adag kadib, aakhirkii waxa guddoomiye-xigeenka koowaad loo doortay Muuse Biixi Cabdi.
4.     Sannadkii 2008 waxa uu Muuse Biixi soo jeediyey in haddii Siilaanyo loo doorto murashaxa madaxweynaha uu isaguna dhaxlo hoggaaminta Xisbiga KULMIYE haddii Siilaanyo guulaysto iyo haddii uu guul-darayso labadaba. Aad ayaa loogu kala jabay arrintaas, xisbiga Kulmiye-na wuxu qarka u saarmay dildillaac. Waxa xusuus madan in Muuse Biixi oo ahaa guddoomiye-xigeenka koowaad iyo Kayse Xasan Cige (AHN) oo ahaa xoghayihii xisbigu  ay Hargeysa ku hadheen markii shirku furmayey laakiin ergaydii KULMIYE ay isla qaateen in ay shirka hakiyaan ilaa la xalinayey qodobbo Muuse Biixi danaynayey. Ugu dambayntii waxa shirkii la furay kadib markii la garwaaqsaday dalabyadii Muuse si sharci ahna loo ansixiyey in uu hanto hoggaaminta xisbiga doorashada madaxweynaha kadib.
5.     Sannadkii 2010-kii markii madaxweyne Siilaanyo la wareegay talada dalka waxa dhacday in Muuse Biixi uu dalbaday in lagu wareejiyo guddoomiyanimadii Xisbiga sidii ballanku ahaa. Dagaal badan ayaa lagala horyimid oo rag badan oo xisbiga ka mid ah ayaa arrintaas ka dagaallamay gudo iyo dibadba, hase ahaatee dedaal adag oo Muuse ku bixiyey fulinta heshiiskaas kadib, Madaxweyne Siilaanyo guddoomiyenimadii xisbiga wuu ku wareejiyey Muuse Biixi.
6.     Sannadkii 2012-kii waxa la furay tartankii axsaabta badan. In badan oo reer KULMIYE ah oo qaarkood awoodo badani gacanta ugu jireen waxa ay rabeen in xisbiga KULMIYE saaxadda laga saaro. Waxa samaysmay ururro ay dabada ka wadaan rag dawladda ku jiray sida ururkii Nasiye. Ujeeddadu waxa ay ahayd maadaama ururradii la furay aynu samayno xisbi cusub oo Muuse ka maqan yahay Kulmiyena aynu sallaanka ka tuurno. Isku-daygaasi wuxu ahaa halis soo foodsaartay KULMIYE wuuse fashilmay kadib markii Muuse biixi geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu KULMIYE u haysan lahaa dadkiisii iyo kalsoonidiisii.
7.     Sannadkii 2014-kii waxa aad u xoogaystay loollan aad u adkaa oo dhex maray Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale kaas oo ku saabsanaa guddoomiyenimada Xisbiga. Kani wuxu ahaa loollankii ugu adkaa ee soo mara taariikhda Kulmiye. Xubnihii ugu awoodda badnaa xukuumadda ayaa isku xulufaystay sidii ay Muuse sallaanka ugu tuuri lahaayeen una saari lahaayeen Samaale. Lacag iyo awood dawladeed oo heer walba ah ayaa la adeegsaday. Wax kasta oo la isla soo maray aakhirkii natiijadu waxa ay noqotay in guddoomiyenimadii xisbiga Muuse u hadho.
8.     Sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, waxa in badan lagu murmay in aynu Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE qabano inta aanu sannadkani dhammaan iyo in la qabto sannaka dambe ee 2016 aakhirkiisa. Muuse wuxuu dooddiisa waxa ay ku salaynayd in Xisbigu u baahan yahay in uu ka soo kabto khilaafkii iyo burburkii ka dhacay dagaalladii dhexdiisa isla markaana wakhti u hure sidii loogu guulaysan lahaa doorashada March 2017-ka. Doodda ka soo horjeedda oo ay hormood ka haayeen xubnaha doonaya in ay u tartamaan murashaxnimada xisbigu waxa ay ahayd in xisbiga dib loogu dhigo, laakiin ma ay keenin sababo adag oo madaxweynuhu ku qanci karo. Ugu dambayn, sida la og yahay, waxa la qaatay qorshihi Muuse Biixi ee ahaan in shirku qabsoomo 10-ka November 2015-kii.
Akhrsite, ma u malaynsaa guulahaas guddoomiyeha xisbigu ku soo gaadhay halka uu maanta taagan yahay in ay ahaayeen nasiib iyo wax iska dhacay? Ma u malaynaysaa in Muuse Biixi isaga oo caqabadaas oo dhan kaga soo gudbay hoggaamin iyo adkaysi isla markaana hadda gacanta ku haya hoggaankii xisbiga, xukuumaddana lagu xanto in ay dhiniciisa u janjeedho, uu ka guulaysan kari waayi doono laba murashax oo midina jar ka sii laalaado ka kalena hadda uun soo baraarugay? Jawaabaha adiga ayaan kuu daayey.
Fb: Abdiasiis jama Haji cami
Hargeisa somaliland


Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...