Tuesday, 13 October 2015

Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Ku Dhacday Deegaanka Carbiska Ee U Dhaw Magaalada Afgooye (Dhagayso


Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Ku Dhacday Deegaanka Carbiska Ee U Dhaw Magaalada Afgooye (Dhagayso)


Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaaxid Sheekh Cumar, ayaa sheegay in diyaaradda ay sidday cunto
Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya diyaarad la sheegay in laga lee yahay dalka Masar oo xalay ku dhacday agagaarka deegaanka Carbiska ee u dhow magaalada Afgooye, kadib markii ay u suurto geli weyday inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Lix qof oo la socday diyaaradda ayaa badbaaday balse waxyeello xooggan ayaa gaartay diyaaradda, kadib markii uu duuliyaha sameeyey dejin deg deg ah.
Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaaxid Sheekh Cumar, ayaa sheegay in diyaaradda ay sidday cunto qaboojisan (Frozen Food), oo ciidamada Amisom ay lee yihiin.
Maareeyaha oo ay wareysatay Sahra Ciidle Nuur, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen.


Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Ujeedada War-gelin Ku Socota Ergooyinka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE



Ujeedada War-gelin Ku Socota Ergooyinka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE;



Hargeisa-(HWN)- Qoraal wargelin ah oo maanta ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee xisbiga ww xisbul xaakimka Kulmiye, oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa lagu sheegay laga bilaabo 17-ka bishan aynu ku jirno ee Octobar, in la bilaabi doono diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kal-fadhiga shanaad ee golaha dhexe ee xisbiga, waxaanu qoraalkani ku wargeliyay xubnaha golaha ee xisbiga inay keenaan macluumaadka looga baahan yahay.
Qoraalkan wargelinta ah oo nuqul ka mid ahi goor dhawayd soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews, ee Hargeysa, waxa uu u dhignnaa sidan,
''Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inta joogta magaalada Hargeysa gudaheeda, waxa si xishamad iyo qadarin leh
-
oogu wargelinayaa in laga bilaabo 17/10/2015, maalinta Sabtida, xarunta dhexe ee xisbiga laga bilaabayo diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe.
Sidaas darteed, waxa laga rabaa in xubin kastaa keento laba sawir ama ay sawirka iskaga qaadaan xarunta xisbiga.'' ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warsaxaafadeedkan qoraalka ah.


Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Mujaahid Muuse Biixi Waa Nin Go'aan Adag Waxyaabaha Madaxweynaha Lagu Xushona Waxa Ka Mid Ah...Saxardiid Caddaani



Mujaahid Muuse Biixi Waa Nin Go'aan Adag Waxyaabaha Madaxweynaha Lagu Xushona Waxa Ka Mid Ah...Saxardiid Caddaani


Hargaysa(HWN)Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid  (Caddaani), ayaa faahfaahin ka bixiyey sababtu uu isaga iyo Xubno ay isku beel yihiin oo Golaha dhexe ee Kulmiye ku jiraa ay taageeradda Codkooda ugu hibeeyeen u lana garab istaageen Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu taxay  qodobo uu ku sifeeyey in uu Murashax Muuse hogaaminta  Somaliland iyo Mansabka ugu sareeya ee Madaxweynenimadda qabto.
Md Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani)waxa uu hoosta ka xariiqay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay shaqsi Abaal badan Somaliland wakhtigii Halgankii SNM Shacabka Somaliland u soogalay isla markaana in uu Muuse yahay Siyaasi go’aan adag oo leh sifo kasta oo hogaamiye looga baahan yahay.
Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani)  oo arintaasi ka hadlayey waxa uu yidhi  “Waxa weeye Xisbiga Kulmiye waa Xisbig Dimquraadi ah waligiina Dumquraadi ayuu ahaa oo waa Xisbi aan ku faanayo in aan ku jiro raga la sheegayo ee Qoodha ahna rag kale oo Qoodh ah iyo Hablaba ayaan hore u kala saarnay , rag badan oonu saaxiib nahay oo aanu soo wada halganay ayaa Kulmye Murashaxiin ka ah rag aanu Wasiiro wada nahay ayaa Murashaxiin ka ah oo rag waliba Wasaaradda aan joogo wasiir ka ahaa ayaa murashax ka ah oo Xildhibaano ayaa Murashaxiin ah aanu saaxiibo nahay, laakiin anigu arintayda waan cadeeyey oo ragaasi aanu saaxiibka nahay oo runtii ah rag Khibrad leh hadii ay Wasiirada yihiin iyo hadii ay raga kale yihiin ay yihiin rag dalkan wax u tari kara una taray ay yihiin”Ayuu yidhi isaga oo la hadlay Homcable Tv.
Wasiir Caddaaani  waxa uu sheegay in 20 ka mid ah Ergada golaha dhexe ee Kulmiye oo ay Beeshisa ka soo jeeda ay Muuse Biixi taageersan yihiin waxaanu yidhi  “Laakiin Maanta waxa la eegayaa yaa dalkan wax ka noqon kara , mustaqbalka Xisbiga Kulmiye yaa murashax ka noqon kara aniga iyo inta reerkayaga oo reero ayaa lagu bixiyaa Ergooyinka golaha dhexe, waxa soo raaca waa wasiiradda oo ilaa 26 ayaanu ku jirnaa reerkayagu waanu falanqeynay arintan oo waanu iskaga nimid oo isla eegnay oo dhinac kasta waanu ka eegnay waxay na la noqotay tiro 20 ku dhaw oo 26-ka ka mid ahi in aanu taladda dalka iyo hogaaminta dalka aanu saarno guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee maanta Murashaxa u ah Madaxweynenimadda ee Somaliland oo dhami u wada taqaano ee taariikhda caanka ah leh oo ah ninka la yidhaahdo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaanu taladda dalka saarano , waxa weeye hadii uu ikhtiyaarku noqon lahaa in dalka ay Madaxweynayaal ka noqdaan Laba ama Saddex Madaxweynayaal malaha arintu sidan way ka duwanaan laheyd, laakiin hogaaminta dalka waxa weeye in Madaxweyne kali ah uun aynu u doorano nin uumbaana Kulmiye murashax ka noqon kara”
Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani), waxa uu ugu dambeyn ka hadlay Siyfooyin uu Muuse Biixi Cabdi ka bixiyey in uu hogaaminta Somaliland ugu qalmo waxaanu yidhi “Anagu waxaanu qabnaa talo sax ah inay tahay oo umadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo 6 Xubnood ee reerkayaga naga maqanba inay na soo raacaan oo umadda Somaliland ee Kulmiye ku jirtaana aanu rabno inay nagu soo raacaan , waanu sababeynaynaa waxaanu sidaasi u nidhi oo waxaanu ku sababeynaynaa wax ay umadda Somaliland leedahay waayo Muuse Biixi Cabdi waa nin Mujaahid ah, Ciiddan ayuu hogaamin jiray balaadhan berigii halkanka SNM lagu jiray ee la dhimanaayey ee la baabayey ee la silcaayey ee meela aan lagu nabadgeleyn ragii iyo shaqsiyaadkii Somaliland naftooda u huray ayuu ka mid ahaa, halganka dheer uu soo galay umadda Somaliland shaki kaga ma jiro wixii uu ahaa iyo sida uu naftiisa u soo horay , waa nin go’aan adag dalkana waxa uu u baahan yahay nin go’aan adag waxyaabaha Madaxweynaha lagu xushona waxa ka mid ah in qofka go’aankiisu adag yahay”


Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland



Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...