Monday, 12 October 2015

Boorama:-Kulamada Maanta Oo Subaxnimo La Ciyaari Doono–Saaxil vs Salal (8:00am), Hawd vs Buuhoodle (10:00am



Boorama:-Kulamada Maanta Oo Subaxnimo La Ciyaari Doono–Saaxil vs Salal (8:00am), Hawd vs Buuhoodle (10:00am)


Boorama(HWN):-Waxaa maanta la soo gunnaanadi doonaa kulamadii ugu dambeeyay ee gobollada Galbeedka, iyadoo wakhtigii caadiga ahaa ee Ciyaaraha la qaban jirey ee galabnimo loo bedalay Subaxnimo arrimo dhawr ah oo ammaanku ugu muhiimsan yahay awgood.
Iyada oo markii hore gobollada Galbeedku ay ka horeyn jireen hal saac gobollada Barriga oo ciyaarahoogu bilaabmi jireen 2:30 duhurnimo, waxaa haddana mar labaad laga bedalay wakhtigaas, waxaanna ay maanta kulanka ugu dambeeya la ciyaari doona Subaxnima saaka ah.
Gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo qorshuhu ahaa inay kulankoodi Saddexaad ay ciyaaraan maalinimadii Shalay ayaa la baajiyey,kadib arrimo dhanka Ammaanka ah oo saameeyay, waxaana
ay kulankaas ka baaqday ay ciyaari doonaan 10-ka Subaxnimo ee maanta.
Gobollada Saaxil iyo Salal oo ka wada tirsan group-ka labaad ee saddexda xul ka kooban ayaa iyaguna maanta kulmi doona 8-da Subaxnimo, waxaana kulankoodan loo soo hor-mariyey maadaama ay ka ciyaar horeeyeen gobollada Hawd iyo Buuhoodle cabsi laga qabo natiijada ka soo baxda kulankoodu inuu saamayn keeni karo.
Guud ahaan ammaanka magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay xusid mudan tahay in si gaar ah garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium nabad-galyadiisa la sii adkeeyay, habeenimadii xalay ahayd-na Ciidan u sii hoydeen.
Xulalka ciyaaraya iyo Dhibcaha ay Sitaan:
Saaxil vs Salal
Gobollka Saaxil:Kulankiisii hore waxaa goolal tiro badan oo ahaa 4-1 kaga guuleystay gobollka Gabilay, wax dhibic ah ma haysto, waxaana lagu leeyahay 3-gool. Natiijada kelliya ee u bannaan si uu u soo gudbo kelliya waa inuu guuleysto.
Gobollka Salal:Kulankiisii hore ee uu ka hor-tegay Gabiley waxay ku kala baxeen bar-bar dhac 0-0, isaga ayaana ka rajo fiican kulankooda Saaxil. Dhibcaha uu sitaa waa hal dhibic iyo inaan wax goolal ah laga dhallin, waxaana keliya uu ku hadhayaa in laga guuleysto oo qudha, natiijo kasta oo aan taas ahayna isaga ayaa ka soo baxaaya, oo ka daba tegaya Gabiley oo ah gobollkii ugu horeeyay ee group-kooda iyo is reeb-reebkaba ugu soo hor-baxay.
Hawd vs Buuhoodle:
Gobollka Buuhoodle:Labadii kulan ee uu la kala ciyaaray Awdal iyo Maroodi-Jeex wuxuu dhibco ka helay 1-dhibic. Maroodi-Jeex 3-2 ayuu kaga guuleystay kulankoodii ugu horeeyay, Awdal-na bar-bar dhac ay ku kala baxeen 1-1 ah. Fursadooda soo bixitaan kelliya waa inay ka guuleystaan kulankooda maanta Hawd, waxaan intaas ahayn way hadhaan.
Gobollka Hawd:Kulamadii uu la soo ciyaaray Awdal iyo Maroodi-Jeex wuxuu dhibco ka helay 3-dhibcood, kulan waxaa kaga guuleystay 1-0 gobolka Awdal, halka ay 3-1 kaga guuleysteen Maroodi-Jeex. Fursada bixitaan ee Hawd uu haystaa kulanka Buuhoodle waa waxaan guul-darro ahayn, bar-bar dhac iyo badinba Hawd ayaa soo baxaya oo labaynaya gobollka Awdal oo isagu hore u baxay.



E-mail: Samater2013gmail.com
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami.
Hargeisa Somaliland




Taageerada Muse Bihi ay u muujiyeen Beesha Koonfurta Hargeisa oo si Mudleh Loogu taageeray!



“ Waa Inaynu Ka Fikirno In Kulmiye Noqdo Sida Xisbiyada Qaar Mid Boqolaal Sanno Jira Oo Jiilba Jiil Ka Dhaxlo. Maaha Kulmiye Kursigaan Ku Gaadhayaa,” Muuse Biixi – 


Hargeysa(Ramaas)October-12-2015-guddoomiyaha xisbiga Kulmiye muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin u diray xisbiga Kulmiye iyo musharaxiinta la loolamaysa, waxaanu ku booriyay in laga fikiro isku haynta xisbiga iyo mustaqbalka fog ee Kulmiye. Waxa uu sheegay inuu sharciga xisbiga u hogaansamayo haddii la doorto iyo haddii kaleba.

Guddoomiye Muuse Biixi oo Hotelka Ambasador kulan taageero ah kula yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ugu jira bulshada degaanka koonfurta bari ee Hargeysa ayaa ku dooday in Kulmiye musharaxiintiisu isku degaan ka soo wada jeedaan “Tartanka Kulmiye marka si loo eego waa iska yara mucjiso! Waayo waxa iska soo sharaxay waa wada Ilmaaadeer laakiin dee nasiib wanaag abtinimadii ayaan dheeraaday,” ayuu yidhi Muuse Biixi

Waxa uu sidoo kale guddoomiye Muuse Biixi farriin u diray Kulmiye “Reer Kulmiye ayaan la hadlayaa, xisbiga guddoomiyihiisii baan ahay, odaygiisii baan ahay, raadkii Odaygeenii(Siilaanyo) hore ayaynu raacaynaa, in xisbiga la isku hayo, in xisbiga laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayo in tartanku hufnaado mar walba, inaynu wax walba ka hor marino xisbi nimada,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “ Waa inaynu ka fikirno in Kulmiye noqdo sida xisbiyada qaar mid boqolaal sanno jira oo jiilba jiil ka dhaxlo. Maaha Kulmiye Kursigaan ku gaadhayaa oo Kursigaan u soo doonanayaa ma noqonayso. Kulmiye wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal dheer  buu leeyahay. Kulmiye way ka reeban tahay nin doonayaa inuu kursiga ku fuulo ama u soo doonta inuu Kursi ku fuulo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

Ugu dambeyn guddoomiyaha kulmiye wuxuu balanqaad u sameeyay xisbigiisa haddii musharaxa loo doorto waxaanu yidhi “ Haddii golaha dhexe I doorto iyo hadduu I yidhaa sanadka iska joog iyo hadduu I yidhaa iska sii fadhi iyo hadduu I yidhaa waligaaba iska joog waxaa mar walba igu waajib ah inaan sharciga xisbiga u hogaansamo, inaan xisbiga isku hayo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga iga go’an,” ayuu yidhi guddoomiyaha Kulmiye.

Ololaha tartanka musharaxnimada Kulmiye ee shirka golaha dhexe ee bisha dambe ayaa si weyn looga dareemayaa Somaliland, waxaana tartanka ugu weyni u dhexeeyaa guddoomiye Muuse Biixi iyo wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, iyadoo musharaxiin kalena ay jiraan.

E-mail:Samater2013@gmail.com
Fb:Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland



Hummaagii Soo Dhawaynta Maxamed Biixi Iyo Muquurashadii Xubnaha KULMIYE Ugu Jira Golaha Dhexe Ee Galbeedka Hargeysa



Hummaagii Soo Dhawaynta Maxamed Biixi Iyo Muquurashadii Xubnaha KULMIYE Ugu Jira Golaha Dhexe Ee Galbeedka Hargeysa.


Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis  oo ka mid ahaa wefti uu hogaaminaayey Madaxweynaha  Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku tegey waddama Ireland iyo Ingiriiska ayaa soo gaabiyey safarkiisa  sababo la xidhiidha xummadda loollanka siyaasadeed ee musharraxa  madaxweynaha xisbiga KULMIYE. Wasiirka oo ka soo hor maray    xubnihii kale ee  weftiga, isla markaana keligii dalka ku soo laabtay maanta si uu u shaaciyo hankiisa musharraxnimo ee madaxtinimada ayaa  soo dhawayn adduun badani ku baxay oo 48-kii saacadood ee u dembeeyey laga shaqaynayey  lagaga hor tegey Madaarka  iyada.
Soodhawaynta wasiirka arrimaha dibeda Somaliland oo dhaq-dhaqaaqa u diyaar garawgiisa  loo adeegsaday dadweyne laga soo ururiyey xaafaadaha ay caasimaddu ka kooban tahay  kuwaas oo lagu soo daabulay  basas iyo baabuur   ay ku xardhan yihiin sawirrada wasiirka iyo hal ku dhigyo ka turjumaya ololihiisa ayaa waxaa la isugu geeyey barxadda hore ee afaafka laga galo madaarka halkaas oo  food saaro looga dhigay qaar kamid ah hoggaanka dhaqanka ee Somaliland [Salaadiinta waaweyn ee beellaha Somaliland]  iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo siyaasaddoodu gebi-dhacleynayso.
 Wasiir Biixi, ayaa ugu horrayn Abaaro 11:00AM-subaxnimo kasoo degay Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport,  ayaa Taageerayaashan oo watay Noocyada Kala duwan ee Gaadiidka waxa  loo gelbiyey dhinaca Crown Hutel ee Magaalada Hargeysa, waxana  Halkaas loogu qabtay Munaasibad Hadhimo-sharafeed ah oo ay Hadallo dhaxalgal ah ka jeediyeen Masuuliyiin tiro badan iyo madax-dhaqameed kaleba, kuwaas oo ku dheeraaday sida ay diyaar ugu  yihiin inay Musharax Maxamed Biixi ku taageeraan Hankiisa la xidhiidha Hoggaaminta Dalka Somaliland.
Inta Badan Xubnihii Halkaasi ka Hadlay oo hadlaka iskaga dambeeyey, ayaa tilmaamay inay taageero naf iyo maalba ah la garab taagan yihiin Musharraxa Maxamed Biixi Yoonis, waxana ay taageerayaashii Halkaas iskugu yimi kula dardaarmeen inay taageeradooda siiyaan.
Dhinaca kale  Midabada is huwan ee  soo dhawaynta Maxamed Biixi  Yoonis  ka madhnaa waxaa ka mid ahaa  in ay qaabilaada soo guryo noqoshadiisa iyo xoojinta ololihiisa ay ka muquurteen gebi ahaan masuuliyiinta xukuumadda xilalka ka haya  iyo kuwa golayaasha qaranka ku jira ee beel ahaan  ay Wasiirka ka soo wada jeedaan. Si kale haddii loo dhigana muuqaallada  soo dhawaynta wasiirka arrimaha dibada kama ay dhex muuqan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira Beellaha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa, marka laga reebo xubno faro ku tiris ah oo ka mid ah golaha sharci dejinta kuwaas oo iyaguna Xisbigii Burburay ee UDUB ka mid ahaa balse dhawaan KULMIYE ku soo biiray.
Hore ayaa loo yidhi Wixii laguu sheego maankaaga la kaasho, sidaas darteeda qofka aan madasha soo dhawaynta joogini marka uu qac indhaha ku siiyo muuqaalladii iyo sawirradii warbaahinta ka baahisay wasiirka waxaa ay markaba maskaxdu is weydiinaysaa  sababta ay  soo dhaweeyayaasha uga mid noqon waayeen wasiirrada, wasiir ku xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo xildhibaannada iyo guud ahaanba xubnaha ay wasiirka isu beesha yihiin ee golayaasha qaranka xilalka ka haya. Su’aashaasi rogrogeeduna waxa caqliga saliimka ahi ku macnaynayaa in wasiir Biixi Faro madhan ka taagan yahay taageerada Siyaasiyiinta Beeshiisa   taas beddelkeena uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isku fuuqsaday kasbashada xubnaha golaha dhexe ee beesha Galbeedka Hargeysa iyo guud ahaanba siyaasiyiinta xubnaha ka ah Xisbiga KULMIYE ee ay isku beesha yihiin. Soo dhawayn la’aantanina waxa ay ka turjumaysaa in SAddex Gool iyo Eber Uu Guddoomiye Muuse Biixi ku diray WAsiirka ay isku beesha yihiin ee kula loollamaya musharraxnimada.
Dhinaca Beesha Bariga Burco ee  talada dalka haysa isla markaana saamaynta ku leh geedi socodka siyaasadda xisbiga KULMIYE haba yaraatee kama ay dhex muuqan soo dhawaynta wasiir Biixi, marka laga reebo hal wasiir iyo dhowr xubnood oo kale oo iyaguna meel hoose ka saaran jaranjarta Siyaasadda, saamayn aan aad u buurnayna ku leh go’aan qaashada xisbiga iyo hawlaha shirkooda.
Isku soo wada duuboo faro madh-naanta WAsiir Maxamed Biixi ka joogo taageerada xubnaha golaha dhexe ee Beeshiisa ugu jira KULMIYE waxaa ay geyeysiiyey in uu garabsado Madax dhaqameedka Somaliland kuwooda ugu maamuuska badan sida suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan MAxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, kuwaas oo beddelkii siyaasiyiinta ka gabbaday soo dhawayntiisa uu taageero kaga raadiyey. Si kasta oo ay noqotaba Wasiirka ma is weydiiyey in  cidda uu codka ka rabo iyo halka ay qummanayd in uu taageerrada ka doonto. Runtii jawaabta dadweynaha ayaan u dhaafayaa waxaanse leeyahay Madaxda dhaqanku  waxaa ay maamuus ku leeyihiin cumaamadda, balse casharrada siyaasadda iyo libta shirka golaha dhexe wax haba yaraatee cod iyo cudud ah kuma biirin karaan kamana dhimi karaan.

Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somali


Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...