Skip to main content

Posts

Showing posts from October 31, 2015

Muxuu Daranaa Kulankii Xalay Madaxweyne Silaanyo La Qaatay Xubnihii Iska Casilay Qabanqaabada Shirka Kulmiye -

Muxuu Daranaa Kulankii Xalay Madaxweyne Silaanyo La Qaatay Xubnihii Iska Casilay Qabanqaabada Shirka Kulmiye -  Hargeysa(HWN) Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay kulan la yeeshay xubnaha iska casilay guddida qabanqaabada shirka Kulmiye ee loo asteeyay 10-ka November. Kulanka ayaa lagu lafo guray arrimaha salka u ah muranka dib uga curtay garabyada kulmiye. Guddoomiyaha labaad ee Kulmiye xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, guddoomiye xigeenka saddexaad ee Kulmiye xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye xigeenka labaad ee wakiillada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha la kulmay, waxayna dhammaantood metelayeen garabka musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale. Dhinaca madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka