Skip to main content

Posts

Showing posts from November 7, 2015

Wasiirnimo Ma U Qalantaa? Aqoonteeda lahaw!

Wasiirnimo Ma U Qalantaa? Aqoonteeda lahaw!   Wasiirrada iyo madaxda dawladda ee xilalka iska casiley, in kasta oo ay kala duruufo yihiin oo ay kala dano yihiin, hadana waxa ay u muuqataa iney ka soo boodeen Markaad tahay ardey cusub oo ad jaamacadda bilowdo, had iyo jeer waxa lagu bilaabaa maadad (course) oo hordhac u ah waxa ad takhasus ahaan baraneyso casharkaa nambarkiisa waxa la yidhaa “course 101”. Masalan haddaad dhaqaale baraneyso “course” ka u horeeya waxa la yidhaa “economics 101”. Waa madaad si guud kuu fahamsiineysa takhasuskan an isleedahay jaamacadda ku baro. Siyaasadda lafteedu waxa ay rabtaa inan casharo bilow ah soo barato. Balse haddii ad ka soo booddo casharo badan oo ad ka bilowdo meelihii u sareeyey, waxa dhici karta in imtixaanka siyaasadda ay ku jiraan su’aalo ku saabsan casharo ad ka soo booddey ileyn meel sare uunbaad ka bilowdee Wasiirradao madaxda dawladda ee xilalka iska casiley, in kasta oo ay kala duruufo yihiin oo ay kala dano yihiin, ha