Skip to main content

Posts

Showing posts from March 3, 2019

Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-Furay Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran

Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-Furay Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran Darar-weyne-03-03-2019-()–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran oo kamid ah tiirarkii halbawlaha u ahaa ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE bulshada la galay waqtiyadii ololaha. Munaasibadda Daah-furka barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay deegaanka Darar-weyne oo hangarro waaweyn oo qalabaysan looga dhisay dhallinyarada barnaamijkan ku guulaysatay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka golaha wakiillada, saddex kamid ah madaxweyne ku xigeenadii dalka soo maray, hoggaanka axsaabta qaranka, talliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, hormuudka jaamacadda Hargeysa, xubno kamid ah golaha wasiirrada, safiirka dalka jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, dhallinyarada ku gudo jirta barnaamijka carbiska ah ee shaqo qaran.