Skip to main content

Posts

Showing posts from January 13, 2016

Obama Oo Khudbadii Ugu Dambeysay Jeediyey WASHINGTON DC—

Obama Oo Khudbadii Ugu Dambeysay Jeediyey WASHINGTON DC— Isaga oo jeediyey khudabaddiisii toddobaad ee qaranka, ahaydna tiisii ugu dambeysay, ayaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu ku faanay guulihii uu gaaray, waxaana uu diiradda saaray mustaqbalka. Obama oo hortaagan xubnaha congress-ka Mareykanka, ayaa u muquday nin degan, oo niyadsan, wuxuuna tusmeeyey baahida loo qabo in Mareykanka uu ka bogsoodo siyaaasadda sida qotoada dheer u kala qeybisay Mareykanka. Obama waxa uu sidoo kale mararka qaar si aad ah u dhaleeceynayey xubnaha Jamhuuriga ee u baratamaya sidii ay isaga ugala wareegi lahaayeen xafiiska. Waxa uu si gaar ah u dhaliilay “Siyaasadda dadka ku beegsatay sababo la xiriira jinsigooda iyo diintooda”, hadalkaas oo loo arkay inuu ku weeraray Donald Trump oo doonaya in muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka. “Marka siyaasiyiintu ay aflagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la weeraro, ama ciyaalka la harowsado, taasi nagama dhigeyso ammaan, waana qalad