Wednesday, 14 October 2015

Xulka Maroodi-jeex Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aankii Uu Xidhiidhka Ciyaaruhu Kaga Reebay Tartanka Gobollada



Xulka Maroodi-jeex Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aankii Uu Xidhiidhka Ciyaaruhu Kaga Reebay Tartanka Gobollada
 

Hargeysa – Masuuliyiinta ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inaanu xulka gobolka Maroodijeex ka hadhin tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland. Waxay sharci darro ku tilmaameen go’aanka xidhiidhka ciyaaruhu ku sheegay in gobolka Awdal soo baxay Maroodijeexna Hadhay.
Ciyaartii Boorama ku dhexmartay gobolada Awdal iyo Maroodijeex, ayuu buuq hadheeyay kadib markii gobolka Maroodijeex oo qaybtii dambe ee ciyaarta ku hogaaminaya hal gool lagu qabtay Rikoodhe, waxaanu gobolka Maroodijeex caddaalad darro ku sheegay Rikoodhahaasi, waxaana ciyaarta 20 mirir oo ka hadhsanaa u baaqdeen rabshado garoonka hadheeyay
“Calan wadihii intuu soo cararay ayuu awoodii Garsooraha dhexe (Siidhi wadaha) qabsaday islamarkaana tilmaamay inay kubaddu Rikoodhe tahay, caalamkana arrimaha noocaas ah kumaanu arag. Waxaanu aaminsanahay in gobolka Maroodijeex 6 dhibcood leeyihiin oo caddaalad darro lagaga qaaday. Haddaanu nahay maamulkii gobolka Maroodijeex waxaanu halkan ka caddaynaynaa inaanay waxba ka jirin waxa warbaahinta laga sheegayo. Ma yeelayno mana aqbalayno go’aanka ay soo saareen(xidhiidhka ciyaaraha), waxaanu jecelahay in naloo caddeeyo. Waxaanu aaminsanahay in sababta ay go’aanka u gaadheen tahay cabsi darteed oo ay ka cabsanayeen ammaanka meesha ay joogeen,” ayuu yidhi Isu duwaha ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex.
Maxamed Maxamuud Diridhaba, tababaraha xulka Maroodijeex  ayaa isna sidan uga hadlay cabashada Maroodijeex“ Walaalayaal sidaad ogtihiin caddaalad darro weyn oo aan adduunka lagu arag ayaa gobolka Maroodijeex qabsatay. Taas oo nagaga timid degaankii, xidhiidhkii iyo dadweynihii meesha joogay ba, macaal askarta markaan ku daro, waayo? Lama arag aduunka meel 5 kun oo askari xabbado ridayaan kubad ha socotana la leeyahay. Haddaan amni jirin kubad lama ciyaari karo oo waa la og yahay. Waxa ciyaarta ka hor ba jirtay in dadweynaha reer Awdal oo dhani noo dhaaranayeen anaga oo lahaayeen bal reer Hargeysa waxay garoonka kala tagaan ayaynu arkaynaa. Waanu u dhabar adaygnay  markii ciyaartu bilaamatay waxaa nagu bilaamatay handadaad iyo aflagaado nagaga imanaysa dadweynaha iyo Askarta. Iyadoo ciyaartu socoto ayuu shiidku dhacayay. Iyadoo sidaas ah ayay dhalinyarada Maroodijeex kasbadeen inay ciyaarta ku hogaamiyaan gool iyo eber ilaa 75 daqiiqo. Markii Nasashada(Half time) waxaa lagu soo balamay in rikoodhe lagu qanciyo oo rikoodhe loo dhigo, taasna waxaa sababaya gobolka oo sidiisaba khaakhul iyo dhibaato ay dhex taalo oo dadweynihii mucaarad iyo muxaafad kala yihiin,” ayuu yidhi Mr Diridhaba.
Cabdikariin Guji oo ka tirsan xulka Maroodijeex, ayaa sheegay in maamulkii garsooraha dhexe uu maroorsaday calan wadaha koowaad, islamarkaana kubad Siidhi waduhu go’aansaday inay socoto ku khasbay in rikoodhe la dhigo “ Waxaanu u dulqaadanay in nala caayo, waxaanu u dulqaadanay in dhagax nalala dhaco, waxaanu u dulqaadanay in xabad nalagu rido, anagoo intaas oo dhan xamilnay haddana yeel mayno in dhibcahayaga nalaga xayuubiyo oo cid kale oo lagu raali galinayo la siiyo, kubaduna xal maaha ee waa la wada ciyaaraa waa la kala guulaystaa,” ayuu yidhi Mr Guji.
Ugu dambeyntiina xildhibaan Ismaaciil Cagayare oo ka tirsan golaha degaanka Hargeysa, ayaa wasaaradda ciyaaraha u soo jeediyay inay sharciga mariso cabashada xulka Maroodijeex haddii Awdal lagu maslaxay guusha Maroodijeexna la caddeeyo.


Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland



uddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa oo Soo Bandhigay Deraasad Ay Kasameeyeen Musuqa iyo maamul-xumada regaadiyey Qaranka Somaliland



Awoodihii Aanu Musuqa Kula Dagaalami Lahayn Waa La Rifay Oo Waxanu Arkaynaa Mas’uuliyiiin Iyaga Oo Shaadh & Surwaal Xidhan [Xilka] Loo Dhiibay, Maantana Hanti Badan Leh”


Musuqmaasaqa Waxaa Ka Mid Ah Saacadaha Shaqada Dawladda Oo La Lumiyo, Waxa  Ka Mid Ah Eeda & Qaraabo-kiilka, Waxaa Kale Oo Ka Mid Ah Ku Takri-falka Awoodda Mas’uulka”


Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa oo Soo Bandhigay Deraasad Ay Kasameeyeen Musuqa iyo maamul-xumada regaadiyey Qaranka Somaliland


Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland Md. Axmed Muxumed Madar ayaa warasi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey todobaadkan barnaamijka ka baxa Universal TV ee Milicsiga Siyaasiga waxaa uu kaga warramay taariikhda hay’adiisa iyo waxyaabaha laga filayay in ay wax ka qabato ee aan hirgelin. Barnaamijkan oo uu soo saare ka yahay weriye Feysal Fadhfadhle ayaa guddoomiye Axmed Muxumed Madar kaga jawaabay su;aalo door ah oo la xidhiidhay hay’addiisa iyo sharciyadda ay ku shaqayso oo uu sheegay in muddo saddex sanno ah dhaqangelinteedu u xanibnayd hawlo badan oo u qorshaysnaa. Barnaamijkaas oo Wargeyska Hubaal qaybo ka mid ah idiinka soo xulay isla markaan su;aalihii la weydiiyey iyo jawaabahaoodii oo uu soo koob koobay idiin soo diyaariyey ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ee nala wadaaga. Weydiimaha guddoomiyaha la weydiiyey waxaa kamid ah “Illaa hadda ma jiraa wax musuqmaasuq ah oo aad cid ku qabateen oo aanu tusno dadka?”
hay’adani may ahayn mid hore u jirtay oo waa hay’ad la dhalatay xukuumaddan KULMIYe uu dhisay, horena waxaa aynu u haynay odhaah amma maahmaah soomaaliyeed oo odhanaysa ‘musuqmaasuq waa soomaali meheradeeda’, runtii maahmaahdaasi Soomaalida uma gaar aha laakiin innaga uun baa Is garanaynay oo isu sheegaynay marka sidaas la leeyahay  waana aafo qaran oo dunida oo dhan ku baahsan kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysanba. Haddii aan su;aashaada u soo noqdo hay;addani waa curdin, horena waxaa u jiray hay’ado kale shaqadan oo kale sameeya sida xisaabiyaha guud, baarlamaankeena oo toban jirsaday isaguna waxaa uu lahaa guddida daba galka iyo ilaalinta hantida qaranka”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasaqu Muj. Axmed Muxumed Madar, waxaana uu intaa ku daray “ haddaan si gaaban kaagaga jawaabo su’aashaada, hawlgallo waanu galnay laakiin cid aanu illaa hadda maxakamad ku soo taagnay wax musuq ahi ma jiro sababuhuna waxaa weeye hay’addii oo ah mid dhismaysa iyo shaqaallihii oo aan lahayn awooddii ay ku daba geli lahaayeen hay;daha dawladda”. Mar guddoomiyuhu ka jawaabayay su;aal laga weydiiyey isu ekaanshaha shaqada xafiiskooda iyo xafiiska hanta dhawrka qaranka oo mararka qaarkood la isku qaldo shaqadooda, waxaa uu yidhi guddoomiyuhu “xafiiskaasi waxaa uu ahaa mid naga horeeyey oo soo jiray dawladihii hore intii ay jireen oo dhan waxaanu ahaa xafiis jira oo marba heer marayay. Sharciyada xafiiskaasi marka la eego iyo annaga meel aanu iska soo galayno oo shaqada aanu iskaga mid noqonaynaa waa ay jirtaa meello aanaan isku soo faro gelinayn oo aanu ku kala duwannahayna waa ay jiraan. Horta labadayaduba hanti ummadeed uun baanu ilaalinaynaa  laakiin lMarkaanu sharcigayga iyo kooda aanu isu eegno waxaa  ay taayadu tahay sida loo dhigay  in xataa xafiiskayagu uu yeesho awood hanta-dhawrka [audit] laftiisa aanu baadhno oo aanu eegno hawlaha uu qabanayo iyo sida uu u qabanayo ayaan darro se markaanu sharciyadayadii oo aanu la ka kaashanay dad aqoon u leh oo aanu samayntiisa ka soo minguurinay shuruucda caalamka ee aanu  qabyo-tirkiisa [draft] u gudbinay golaha xukuumadda [golaha wasiirrada] waxaa dhacday in mudadii ay sharciyadu naga maqnayd ay dheeraatay, oo waxaanu gudbinay dabayaaqadii 2010-kii, waxaase uu xeerkaasi ka soo baxay golaha wakiillada oo madaxweynuhu dhaqan geliyey 2013-kii,  mudadaasna waxaa uu xeerku dhex yaallayay oo uu dhex marayay golaha xukuumadda iyo golaha wakiillada  iyo golaha guurtida oo markii dembe loo gudbiyay, mudadaas ay qaadatay ka sokow waxaa dhacday in qaabkii aanu u dhignay xeerka ee aanu samaynay wax badan laga beddelay  oo laga rifay, sidaasi ayaanu immika ku shaqaynaa” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku ladhay.

Fb:Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Hargeisa


Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...