Political , Security and Diplomatic Analyzer In Horn Africa and Beyond. Abdiaziz Jama Haji Cami, a keen observer of Somaliland's political landscape, holds an MA in Diplomacy and Peace and Conflict Studies, focusing on the intricacies of modern diplomacy and conflict resolution. He passionately advocates for Somaliland's international recognition and its democratic aspirations
Tuesday, 27 October 2015
Waxa Fiican in Wax La Barto Intaan Madax La Noqon...Prof Abdi Ali Jama –
Waxa Fiican in Wax La Barto Intaan
Madax La Noqon...Prof Abdi Ali Jama –

Waxa maanta igu kallifay in aan sharxo macnaha dawlad iyo xukuumad, markaan arkay masuuliyiin u haysta in
saamayn ay yeelanayso masuuliyiintii iscasishay.
Horta, xukuumaddu waxay ka kooban tahay Madaxweynaha
iyo kaaliyayaashiisa(wasiirada). Haddii madaxweynuhu meesha joogo, xukumaddii
way joogtaa, xataa haddii wasiirada dhammaantood xilka laga wada qaado ama ay
is wada casilaan. gaar ahaan marka waddanku uu yahay mid
madaxtooyo(presedential), sida Somaliland oo kale.
Dawladdu iyadu way ka balladhan tahay xukuumadda
waxanay ka kooban tahay garsoorka, sharcidejinta iyo xukuumadda aynu soo
sheegnay.
Haddii ay sidaa tahay, maanta waxaan la yaabay sida
masuuliyiin waaweyn ay isugu qaldayaan macnaha dawlad iyo xukuumad. Haddaba
arrintan maanta dhacday ee is-casilaadda haba yaraatee wax saamayn ah kuma laha
xukuumadda iska daa dawladda oo.
Maanta waxan maqlayay
nin wayn oo wasiir ah oo leh, dawladii ayaan u baqanayaa in ay innaga dunto.
Markaa waxa fiican in dadku wax bartaan inta aanay madax noqon. –
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb:
Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa
Somaliland
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hada Magacaabay Masuuliyiinta Buuxinaya Xilalkii Ay Baneeyeen Masuuliyiintii Is Casilay
Madaxweyne Siilaanyo
Oo Hada Magacaabay Masuuliyiinta Buuxinaya Xilalkii Ay Baneeyeen Masuuliyiintii
Is Casilay
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto
Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel
iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka
mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu
Arkay: Qodobka
90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda
weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu
Arkay: In
baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Ka
Fiirsaday: Kartidiisa,
aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan
karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu
go’aansaday
1.
In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland(Hore Duulista)
2.
In
Mudane, Cali Xasan
Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka
Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
(Hore Xildhibaan)
3.
In Mudane, Cali
Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore
Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)
4.
5.
In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil
Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda
Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii
Kenya u fadhiyey Somaliland)
6.
7.
In Dr. Sacad Cali Shire, laga
bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta
Qaranka).
8.
9.
In Mudane, Cismaan
Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore
Wasiiru-dawlihii Maaliyada).
10.
11.
In Mudane, Xuseen Aaden Cige
(Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Somaliland.
www. hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland
Ajandaha Shir Degdeg ah Oo Xalay Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Labada Janan Ee Militariga & Booliska
Ajandaha Shir Degdeg ah Oo Xalay
Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Labada Janan Ee
Militariga & Booliska
Kulanka
Waxaa Goob Joog Ka ahaa Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka

Shirkan oo abbaaro 8:00 cawaysnimo ee saacadda
Hargeysa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada ayaa ila wareedyadu waxa ay
tibaaxeen in uu ka soo dul dhacay guddoomiyaha golaha guurtida oo markii hore
aan qayb ka ahayn shirka balse si kedis ah u soo galay madasha,, isagoo kulan waqti
qaaban qaatay si gaar ah ula yeeshay madaxweynaha wallow aanay waxa ay ka wada
hadleen jirin, haddana wararka ayaa sheegaya in uu Saleebaan-gaal laftiisu u
socday arrinta lagu hayay shirka madaxtooyada.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in intii uu
socday shirku laysku weydaarsaday aaraa ku taxalluqa dejinta xaalada iyo gogol
xaadhka shirka shanaad ee golaha dhexe oo foodda innagu soo haya. Qoddobada
wargeyska HUBAAL soo gaadhay in Madaxtooyada iyo xubanaha kale ee shirka
fadhiyey ay isku weydaarsadeen ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa qoddob
digniin u diraya wasiirrada is casilay kuwaas oo ajanduhu ku tilmaamay in
ay yihiin kuwo l tallaabooyinka laga fili karo in ay la yimaadaan jawaab
u noqda.
Shirkan oo markii dembe layskula qaatay qoddobo
tallooyin siinaya madaxweynaha ayaa ka qayb galayaashu waxa ay ku baaqeen
in aan istiqaallada wasiirradani waqti ka lumin geedi socodka shirka iyo
hawlaha kale ee qaranka u yaalla, sidaas darteed uu madaxweynuhu dhakhso u
buuxiyo jagooyinka ay banneeyeen xubnahaasi.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha
Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xubnaha xukuumadda ka baxay u
diray hanjabaad culus oo tilmaamaysa sida ay xukuumad ahaan uga
go’an tahay tallaabada fal celinta ah ee lagu waaji doono dhaqdhaqaaqa
xubnahan laga fili karo. Wasiirku waxaa uu u digay in
istiqaalladoodu dhaxalsiiso qaranka xasillooni darro.
“Anigu qaranka ayaan taabacsanahay oo
wasiirkii daakhiliga ayaan ahayoo oo wuxuu xil iga saaran yahay amniga iyo
degenaanshaha dalkan, cid kasta oo ka tallowda khadka cas ee qarankanna waxaan
ahay ninka qoorta kala jebinaya” sidaa ayuu yidhi WAsiirka wasaarada arrimaha
gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay mar uu warbaahinta
maxalliga ah ugu warramayay magaalada Hargeysa ay wax ka weydiiyeen loollanka
KULMIYE ee kala irdheeyey wasiirradii xukuumadda iyo garabka Warancadde ahaan
loo tirin karo in uu taabacsan yahay. Su’aashaas oo uu jawaabteeda raaciyey
hadal nuxurkiisu taabanaya waajibka wasiir ahaan laga filayo marka
xaalladu dhaafto halka loogu talo galay, waxaanu intaa ku daray “haddii kuwa
aan taageersanahay uu yahay iyo haddii kuwa kale uu yahay anigu waxaan ahay
ninkaas aan idiin sheegay in uu qoorta kala jebinaya cidda khadka cas dhaafta.
Fariinta aan u dirayo garabka iska casilay xukuumadduna waxaa ay tahay run
ahaan inaanay jirin cid wadankan nabadgelyadiisa uu uga baqayo in ay wax
yeesho, sidaas darteed wax hanjabaad meesha keeni karaaba ma jiro”.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somalland
Subscribe to:
Posts (Atom)
Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.
Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...

-
Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...
-
The letter from the President of Somalia to the United States regarding the Berbera Port and Airport is significant in several ways, par...
-
Doorashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mahmoud Ali Youssouf, inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxay y...