Tuesday, 29 September 2015

Jahawareer Dimuquraadiyadeed!



Jahawareer Dimuquraadiyadeed!


In kastoo horumarku socdo oo maalin walba talaabo hore loo qaadayo dhanka dib u dhiska,haddana maalmuhu way isku eeg yihiin Tobankii sanno ee u dambeeyey dalkeena #Somaliland. Fariimaha ay sidaan waa isku dhaw yihiin haddii aanay ahayn iskumid mase ah. Arrimo badan oo daryeel iyo wax ka qabasho u baahnaa waxay u eegyihiin sidii ay ahaayeen maalmihii laga soo gudbay. Wax ka qabashadaasi waxa inagga mashquuliyay madax xanuunkan dimuquraadiyadeed ee sida baaxad leh inoo haya, jahawareer ayuu innagu riday oo waynu iska daba wareegaynaa.
Tobankii sanno ee u dambeeyey, Mucaarid & Muxaafid ba waxa ka hadalkeed  iyo jawaabteed lagu mashquul  yahay doodo ay dimuquraadiyadu jahawareerisay oo soo noq-noqonaya. Doodahaasi, khilaafyo mararka qaar dhiig ku daato ayay keenaan, xalse dag dag ah oo la is asturayo ayaa laga gaadhaa iyadoon cidina eeda qaadan. Xalka khilaafka laga gaadhaa ma ahan mid si waarta meesha uga saaraya arrimihii khilaafka keenay.
Madax xanuun ka dimuquraadiyadu innagu jahawareerisay bulsho ahaan waxaa sal u ah doodahan oo tabankii sano eeu dambeeyey taagan; Reer galool oo ku biiray xisbi hebel, Shuruucda doorashada ha la saxo, Baarlamankaa waajibkiisa qabsan waayay, mayee xukuumadda ayaan shaqadeeda qabsan oo ku fashilan tay maamulka dalka, annagu xukuumad ahaan shuruucdii waanu gudbinay lacagtii doorashadana intayadii waa diyaar oo miisaaniyadda ayaanu ku darnay, Doorashadu wakhtigeedii ha kuqabsoonto,  hadday qabsoomi waydo dawlad wadaaga ayanu dhisi, dalku sharci buu leeyahay, sharcigaa la raaci, doorashada kuma qaban karno wakhtigeedii oo wakhti cusub ayaanu cayinay, xukuumadda muddo kordhin baanu u samaynaynaa iyo Guurtidu ma kordhin karaan muddo ka badan mudada komishanka doorashooyinku cayimeen. Beesha caalamka ayaanu waraaqo u qornay, Maraykan, Ingiriis iyo reer Galbeed baa xukuumadda si adag ula soo hadlay. Waxay ku hanjabeen in doorashadu aanay dhaafin maalin wakhtiga ay KDQ cayimeen!!!!. Ma xasuusatay recordkii Cajaladaha lagu dhagaysanayo cuni jiray eequuq da guri jiray markuu cajalada cunayo.
Bal adba! Miyaan madax xanuun dimuquraadiyadeed innagu dhicin, intaasi wax ka badan miyaynu maqlaynay sidaynu xisbiyadan badan iyo hawlan u galnayba. Ma qorshe xumaa jirta, ma hiigsi dheer ayaan jirin, miyaynaan diyaar u ahayn carqaladahaasi in laga gudbo. Maxaa mid ka midah uun looga gudbi waayay 10 sanno ee u dambeeyey, si aynu biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waxsoosaarka ugu mashquulno.  Miyaynaan qayb weyn ka ahayn bulsho ahaan,mar haddii aynaan uba fikirayn – waar yaa innaga saaraya arrimahan murgan oo arrimaha jid toosan ku ridaya. Illaa si run ah aynu u fikirno oo aynu is nidhaa arrimahan sidaynu uga hortagnaa in ay mar dambe soo noqdaan, arrimahani way iman.



.Ma Filaysaa Guul!



Ma Filaysaa Guul!


Niyada wanaagsani waa waxa ugu muhiimsan eekugu hogaaminaya guusha, dadka inta guulaysatay waxay ka midaysan yihin hal midoo ah niyad filaysa guul isla markaana ku xidhan Ilaahay (SWT).
Waxaad guulaysan kartaa markaad adeecdo Eebe iyojidka suuban ee Rasuulkeena Mohamed (SCW), taasi waxay kuu suuro galinaysaa inaad guulaysato aduun iyo aakhiraba.
Waxaad ka mid noqon kartaa kuwa guulaystay,adigoo maalintaada ku bilaabaya adeecida awaamiirta Eebe (SWT) inoo jideeyey,raacida sunaha Rasuulka (SCW), niyad samaan, iyo ka mabsuudid fursadaha aadhaysato isla markaana filaya rajo wanaag badan.
Bani aadanku wuxuu nool yahay, nolol filashoah, waxaynu nolosha ka helaynaa waxaynu ka filno. Hadii aanad filayn guul ogowma haysid jidkii lagu gaadhayay guusha, naf quus iyo rajo xumo ku jirtaanahorumar ma samayn karto. Deegaanka iyo dhulka aynu ku noolnahay wuxuu inooyahay muraayad soo celinaysa hadba sida niyadeena iyo fikirkeenu yahay, waadeegaan ay ka buuxdo waxyaabo ku rajo galinayaama ku rajo tiraya, ku sugnowRajo wanaag. Hadii aynu niyadsamaan iyo filasho guul aynu ku suganahay waxaynu kudhawaanaynaa ama gaadhaynaa natiijada aynu filayno, hadiise aynu niyad taasi kaduwan ku suganahay waxaynu gaadhi doonaa natiijo aan wanaagsanayn. Ku sugnowniyadsamaan & filasho ta u saraysa.
Dunidu waxay ku siin wixii aad ka fisho Eebeidankiis, filo filasho ta u fiican. Ha ku noolaan nolol difaac iyo shaki badanleh. ogow in aad qiimo iyo qadarin leedahay, tus taasi dunida iyo bulshada aadla nooshahay ha lagu qadariyee.
Qofkasta oo aad la kulanto ula dhaqan in uuyahay ka ugu qiimo badan. Dhoola cadee waa laguu dhoola cadayne. Cafi qof kastaoo aad wax ka tabanayso, waa lagu cafine. Caawi bulshada ha lagu caawiye.



Maxkamadda Hargeysa Oo Xukun Rumaan ah u Dirtay Afartii Fanaan Ee Xidigaha Geeska


Maxkamadda Hargeysa Oo Xukun Rumaan ah u Dirtay Afartii Fanaan Ee Xidigaha Geeska
 

Hargeysa Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta Todoba cisho oo Rumaan ah u dirtay Fanaaniinta Afartii Fanaan ee ka Tirsanaa Xidigaha Geeska.


Fanaaniintan oo Maalintii Axadii laga Qabtay Madaarka Cigaal ee Hargeysa kuwaasi oo ka soo laabtay Bandhig faneed maalintii ciida ay ku dhigeen Magalada Muqdisho, fanaaniintan ayaa saaka la horgeeyay maxkamadda gobolka Hargeysa,waxaana ay maxkamaddu u dirtay xukun 7 maalmood oo xabsiga ah kaasi oo ay ku sheegtay in kiis kooda lawado waxaana ay sheegtay in 7 maalmood kadib rumaankood maxkamadda la horkeeni doono markaasna lagu ridi doono xukunka ay mutaysteen ee ay ku xidhan yihiin.
 
Fannaaniinta Xidigaha Geeska ayaa maanta markii ugu horreysay la hor keenay maxkamadda Hargeysa iyaga oo gacmaha ka katiinadeysan.
Afarta fannaan oo kala ah Nimcaan Hillaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Baakaal iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi ayaa booliiska Somaliland ay xireen maanlintii Axaddii iyagoo markaasi hooballadu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.
Fadlan ka soo dhiibo aragtidaada.


Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...