Sunday, 4 October 2015

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo lagu xidhay Hargeysa, sababaha keenay & tiro la sii daayey


Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo lagu xidhay Hargeysa, sababaha keenay & tiro la sii daayey


Hargeysa:- Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa la sheegay inuu Xabsiga dhigay Saraakiil ka tirsan Booliska oo ka gadooday caddaalad-darro ay sheegeen in lagu sameeyay habkii loo qaybiyay Derajada Ciidammada Ammaanka.
Sida lagu baahiyey Shabakadaha Raadraacnews.com & Mareeg.com, Taliyaha Booliska Somaliland, ayaa u gudbiyey cabashada Saraakiishaas Guddigii bixinaysay Derajooynka Booliska Somaliland, oo go’aamiyey inaanay sharci ahayn qoraalka cabashada ah ee Saraakiishu, taasina la sheegay inay keentay amarka Taliyaha Booliisku ku bixiyey in Xabsiga loo taxaabo.
Wararka xidhitaanka Saraakiishan oo tiradooda lagu sheegay dhawr iyo labaatan Sarkaal, inkastoo Sarkaal ka mid ahaa xalay la soo daayey, ayaanu macluumaad la xidhiidhaa ka soo bixin Taliska Ciidanka Booliiska, isla markaana Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka weydiiyo Taliyaha Booliiska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaanay noo suurtoobin inaannu Khadka Taleefanka ku helno, ka dib markii uu naga qaban waayey, isla markaana wax jawaab ah naga soo siin waayey Farriimo aannu ugu dirnay Taleefankiisa gacanta.
Saraakiisha gadoodka ka muujiyay habka Ciidammada Booliska loo siiyay Derajooyinka, ayaa Xabsiga ku jira, waxaanay warararka laga helayo qaarkood tibaaxayaan in Saraakiishaas qaarkood laga qaadayo Derajadii ay hore u saluugeen.

Abdiaziiz jama Haji cami
Blogger: Hajicami.blogspot.com
Skpe: Abdiaziiz47
Hargeisa somaliland


Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...