Skip to main content

Posts

Showing posts from October 10, 2015

Diyaarado joog hoose ku duulaya oo Cabsi galiyey Dadka iyo Duunyada ku dhaqan deegaan ka tirsan Awdal

Diyaarado joog hoose ku duulaya oo Cabsi galiyey Dadka iyo Duunyada ku dhaqan deegaan ka tirsan Awdal Qulujeed(Aftahannews):- Deegaannada gobolka Awdal ee ku teedsan Xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa lagu arkay labadii gelin ee Jimcihii Maanta Diyaarado joog hoose ku duulaya oo ku dul-wareegayey dhulkaas, kuwaasoo loo maleynayo inay leeyihiin Ciidammada dawladda Itoobiya, kuwaasoo dadka cabsi galiyey sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen dadka deegaanka qaarkood. Diyaaradahan oo ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaanno Helikobtar’s-ka ee ay Ciidammadu adeegsadaan, ayaa labadii gelin ee shalay iyaga oo joog hoose ku duulaya dul heehaabayey deegaannada ku teedsan Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ku dhaw degmada Qul-ujeed ee gobolka Awdal. Dad ku sugan deegaanka Qul-ujeed, ayaa caawa Aftahannews u sheegay in laba Helikobtar oo kuwa Ciidammada ahi ay gelinkii hore ee Jimcaha maanta kaga yimaaddeen dhanka Galbeed

Waa Tee Su’aasha La Odhan Karo Waxa Ay Isku Fuuqsatay Xiisaha Kulankii Muuse Biixi Iyo Dhalinyaradu?

Waa Tee Su’aasha La Odhan Karo Waxa Ay Isku Fuuqsatay Xiisaha Kulankii Muuse Biixi Iyo Dhalinyaradu? “’Anigoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo Ciddii Qafal-Marjaca U Rogtay Waa Wasiirka Warfaafinta Mr. Cukuse Ee Isaga Halloo Yeedho” Hargeysa: Da’yar Aqoonyahanno ah, ayaa su’aalo tiro badan oo aad u xiiso badan ku darandoorriday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, kadib markii ay fursad ugu heleen Barnaamij Su’aalo toos ah lagu weydiinayey Guddoomiyaha oo uu soo qaban qaabiyey Telefishanka HCTV. Kulankan oo dhawaan lagu qabtay Hutel Green Plaza ee magaalada Hargeysa, ayaa Su’aalo tiro badan Guddoomiyaha lagu weydiiyey, waxana uu si saraaxad leh uga jawaabay Dhammaanba su’aalihii dhegihiisa soo gaadhay oo u badnaa qaar Shacabku faa’iido badan ka heleen. Su’aalaha Guddoomiyaha la weydiiyey oo aad u badnaa, ayaanu akhristayaashayada uga soo qaadnay Midhadh kooban oo aanu xiiso gaar ah bidnay, kuwaas oo noola muuqday inay nala wadaagaan. Su’aalahan koob

Wargayska Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray Loolanka Kulmiye Ee Maxamed Biixi Iyo Muuse Biixi.

Wargayska Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray Loolanka Kulmiye Ee Maxamed Biixi Iyo Muuse Biixi .  Hargeysa -Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii shalay soo baxay wuxuu warbixin ka qoray loolanka ka taagan shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee qabsoomi doono 10 November 2015. Wargeysku, wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo ah 80 jir aanu doorashada dambe tartami doonin, isagoo wargeysku sheegay in tanaasulkaas Madaxweyne Siilaanyo qarxiyay loolanka ficilka ku salaysan ee u dhexeeya Maxamed Biixi Yoonis oo ah wasiirka khaarajiga iyo Muuse Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. – Wargeysku wuxuu sheegay in Muuse Biixi isku hubo kalsoonida in Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaskiisa Aamina-weris ay taageeri doonaan. “26 September wuxuu Madaxweyne Siilaanyo la kulmay odayaasha Beeshiisa Habarjeco waxaanu weydiistay inay ku daba faylaan Muuse Biixi. Wuxuu sidoo kale tirsanayaa codadka Gadabuursi iyo hoggaamiyahooda ahna madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.” ayay tid