Skip to main content

Posts

Showing posts from November 28, 2015

Ballan-qaad Farxadi Keentay Oo Muuse Biixi Ku Shaaciyey Xaafaddo Ku Yaalla Hargeysa Oo Uu Magac Dhabay Booqasho U Qorsheysan In Uu Ku Tago

Ballan-qaad Farxadi Keentay Oo Muuse Biixi Ku Shaaciyey Xaafaddo Ku Yaalla Hargeysa Oo Uu Magac Dhabay Booqasho U Qorsheysan In Uu Ku Tago   Komeer Bedelay Shucuurta Guddoomiyaha Oo Isu Rogay Marti-qaad Aanu Filayn & Magacyadda Wasiirro Ku Lammaanaa Oo Dadweyne Heellan     “Guddoomiye; Qolyaha Codka Doonayaa Hudheellada Waaweyn Uun Bey Tagaane Bal hudheelkan Oo Kale Isku Daya In Aad Cagta Ku Badisaan” Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku maray suuqa ganacsiga Gobonimo ee degmada 26-ka June ee caasimadda  khamiistii la soo dhaafay , kaas oo markii dambena loogu sameeyey casuumad. Guddoomiye Muuse Biixi oo ay kormeerkaasi ku wehelinayeen xubno wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin:- 1-Wasiirka Beeraha Maxamed  Beeraha  Dr. Maxamed Aw Daahir 2-Wasiirka Cadaaladda Axmed Faarax Cadarre 3-  Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye. wa