Skip to main content

Posts

Showing posts from September 30, 2015

Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Dib U Helay Xoriyadoodii,Markii Ay Boolisku Ku Guul Daraysteen In Ay Maxkamada Keenaan Cadaymo

Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Dib U Helay Xoriyadoodii,Markii Ay Boolisku Ku Guul Daraysteen In Ay Maxkamada Keenaan Cadaymo Hargaysa Guddoomiyaha maxkamada gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa amar qoraal ah oo uu soo saaray maanta wuxuu go'aamiyay in xoriyadoodii loo soo celiyo fanaaniinta Nimcaan Cabdiraxman Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, Cabdiraxman Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Queen. Fanaaniinta ayaa boliisku ka qabteen gegida dayuuradaha ee Hargeysa iyagoo Axadii ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay bandhig faneed ka soo dhigeen Ciidii. - maxkamadu waxay ku amartay taliyaha qaybta boliiska ee dambi baadhista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee booliiska ee Hargeysa inay isla maanta sii daayaan maxaabiistaasi afarta fanaan. Maxkamadu waxay sheegtay booliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo

Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay Biyo la’aani soo food saartay iyo Bukaanada oo Mooya-saxo Miciin mooday

Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay Biyo la’aani soo food saartay iyo Bukaanada oo Mooya-saxo Miciin mooday Hargeysa(Waaheen) Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ku yaala badhtamaha Hargeysa, gaar ahaana xarumaha Dawladda Somaliland ayay haysaa Biyo la’aan ba’ani, waxaanay taasi keentay in bukaanka jiifa waadhadhka kala duwani iibsadaan biyaha qaaliga ah ee Mooya sixaha, kuwaas oo ay u adeegsadaan cabitaan iyo inay Musqulaha ku galaan. Wariye ka tirsan Waaheen oo booqday Bukaan jiif ku jira qolalka lacagta ah ee Cisbitaalka Hargeysa ayaa u sheegay in dhibaatada haysata ay u raacday mudadii uu ku jiray cisbitaalka Biyo la’aan xoogan, taasoo sababtay in uu iibsado maalin kasta mooya saxo, waxaanu xusay inay madhan yihiin taangiyada cisbitaalka ku dhex yaala, kuwaas oo ay bukaanku ku tiirsan yihiin. Bukaan-jiifka Cisbitaalka yaala oo dhan ayaa arrintan ka siman sida uu sheegay bukaankaasi, waxaanu tilmaamay inay tahay arrin adag, isagoo iftiimiyey in dhacdadani ay