Tuesday, 22 September 2015

1. Inta ad yartahay khatar badan qaado oo meeluun ha fadhiyin. Noloshu xagga danbe wey ka adagtaa gaar ahaan markaad reer iyo caruur yeelato. Kol haddey reer iyo caruur iyo rimoodh kugu xidhmaan fuleynimada ayaa kugu badaneysa oo waxad is odhaneysaa haddaad halkan ka dhaqaaqdo tolow yaa biilka keeni. Intaa ka horeysa meel kasta ka bood. Meeluun haku banjarin oo nafta ha u baqan. Hadday meel kugu xumaato iskaga tag. Samirku uu fiicanyahay, balse samirka badani waa nacasnimo. 2. Maadad ama farsamo ha u baran wey fiicantahay ama waa la jecelyahay awgeed ama lacag ayaa lagu helaa. Ha ku dayan dad kale oo kuu amaanna waxa ay barteen. Baro maadadda ad xiisaha badan u heyso ee ad ogtahay inad ku fiicnaan doonto. Shariciga baro hebelba lacag ayuu ka dhergey ama dhakhtar noqo waa lagugu ixtiraami awgeed ha u baran. Waxa ka fiican adoo barta maaddada ad xiisaha u heyso. Wax laguu ammaaney ama ad qof kaga dayatey xattaa haddaad ku shaqeysato kuma faraxsanaaneysid. Waa run oo waxa jiraa maadado shaqo lagu heli ogyahay, balse haddii aaney aheyn mid ad xiiso u heysa ama ad hiwaayad u leedahay, wax badan ku tari meysid 3. Wakhtigu laba shay uun hakaaga lumo: inad wax baraneyso iyo inad shaqeyneyso oo dakhli wanaagan ku soo gelayo. Waxa labadaa sii dheer shaqo aan lacag badneyn balse khibrad wanaagsan ad ka heleyso oo ad ku faraxsantahay. Shaqada ad heysaa haddii aaney lacag fiican laheyn, ama aanad waaya aragnimo ad la dhacsantahay ka heleyn, iskaga tag oo wakhti ha iska lumin. Xataa marka ay shaqadu lacag fiican leedahay, adoo ku jira hadana dhinaca ka wad tacliin korodhsi, waayo aqoonta yar ee ad iminka la ordeysaa, muddo ka dib waa laga baxayaa oo meel cidlo ah ayaa lagaaga tegeyaa. Adoo dhalinyaro ah, calooshaada oo keliya ha u shaqeysan ee sees adag u samee nolosha. 4. Dadka haya waxa ad rabto iyo halka ay joogaan baro. Waxa ad inta badan la macaamishaa waa asxaabtaada, waana kuwo ad isku jiil tihiin oo u badan dad ad isku duruuf tihiin. Waa qaar iyaba u baahan waxa ad adiguba u baahantahay. Markaa talo mooyee wax badan kugu biirin mayaan. Bal inta ad nafta la showrto, isweydii dadka haya ama kuu sheegi kara waxa ad rabtaa halka uu yaalo iyo sida lagu heli karo. Masalan haddaad dooneyso inad ku shaqeyso aqoonta bangiyada, balse ad maalin oo dhan wada socotaan dhalinyaro sidaada oo kale ah oo aan shaqo heyn ama dhalinyaro kale oo meelo kale ka shaqeeya, sidey suuro gal u tahay inad bangi shaqo ka hesho. Raadi cid ama bangiyada ka shaqeysa ama cid cidaa sii garaneysa oo iskiin barta. 5. Adduunka melena ma jirto shaqo lagu bixiyo aqoon iyo maxaad taqaan oo keliya. Waxa uugu wanaagsan ee shaqo lagu helaa waa aqoontaada oo lagu daray ayaad taqaan. Laba qof oo isku aqoon ah waxa shaqada hor helaya ka la garanayo ama qof garanaya la garanayo. Waa inu qof yidhaa anaa garanaya oo anaa la shaqeeyey ama arkey isaga ama iyada oo shaqeynaya oo uu fiicanyahay. Dabcan qofkan ku garanaya waa inu yahay qof la aaminsanyahay oo laga danbeeyo aqoon ahaan ama shaqo ahaan. Shabakadaada balaadhi oo xidhiidh la sameyso dadka ad isleedahay waa lagu ixtiraama aqoonta ama shaqada. Adduunka melena ma dhacdo shaqo aqoon keliya la isku siiyaa. 6. Kumanaan ardey ah ayaa sanad kasta jaamacado ka qalinjebiya, balse dhowr boqol oo shaqo ayaa haddii ay u bataan furma. Inta kale xagey tegi haddii shaqo doon uun la wada noqdo. Ka fikir inad adiguba shaqo abuurto. Ka fikir shaqo ad adiga iyo saaxiibadaa haddaad isku tagtaan ad qaban kartaan. Hawl kastaa bilowga ayay adagtahay, balse marka ad bilowga hore dhaafto, wey isku dubba dhaceysaa. Dadka ad aragtey ee shirkadaha waaweyn leh meelo yaryar oo soke ayay ka bilaabeen. Intad ad cid uun u shaqeyn laheyd, ka fikir inad adigu shaqeysato oo weliba adiga laguu shaqeeyo. Wax weyn haka fikirin oo ha is odhan dahabshiil oo kale noqo. Wax yar ka fikir oo aan cidiba sida uuga fikireyn. Wax iminka ay dad xeyraan ihi ku shaqeystaan yara casriyee oo shaqo sharafle u bedel. 7. Dalkaagu waa dalkaagii waanad jeceshahay. Balse haku indho beelin ee shaqo raadiskaaga ballaadhi. Masalan eeg meelaha laga eego shaqooyinka jigjiga ama Puntland ama Soomaaliya amaba Nairobi, ama Yemen oo iminka shaqooyin badani ka furmayaan. Waa laga yaabaa inad qodobkan meelo ka booddo, balse waa xaqiiq ay tahay inaad aqbasho. Adiga waxa kuu darán inad bilowga hore madaxa shaqo la gasho. Hadhow markaad isku dubbadhacdo adiga kala doran meelaha ad ka shaqeyneyso. Balse marka hore, meel kasta gal, oo qolqol joognimada iyo qalada ka bax. 8. Aqoonta iyo xifadda aad taqaan, hoos uga sii dhaadhac oo xifad kuu sii gaara oo lagugu yaqaan sameyso si marka arinkaa loo baahdo loo yidhaa heblaayo ama hebel inoo doona. Masalan, ku caan bax inaad tahay qof shirarka iyo siminaaradda si hufan u hagi kara oo ciddii siminaar sameyneysaaba tidhaa inoogu yeedha ha inoo hagee. Maaddo guud iyo tacliin ay kumanaan kale kula soo barteen oo keliya hala meereysan. Wax yar oo kuu gaar ah iyo xirfad lagaaga danbeeyo yeelo. 9. Macluumaadka ad rabtaa marar badan wuxu la yaala dad caadi ah oo aad marar badan indhaha ka laliso ood yareysato. Waxa dhici karta inaad dadwaaweyn iyo wasiirro barashadood ku mashquusho. Marka ad halgameyso dadka waaweyni kuumaba jeedaan oo uuma tirsanid ee wakhti ha iskaga lumin. Dadkan ad dhaafdhaafeyso ayay fikrado badani ku jiraan. Qaar ad dabeecadooda diidantahay ama hab nololeedkooda ayaa laga yaaba iney wax badan kugu kordhin karaan. Sidaa darteed, dadka cawlan ama adiga kaa duwan ama aan madax u muuqan ha quudhsan ee dhageyso oo wax weydii. 10. Weligaa ha is dhiibin. Haddey baddu kula sii degeyso oo madax ku soo jeedo, is diidsii inaad is dhiibto. Noloshu heer kasta oo ad mareyso wey adagtahay. Shaqo la’aan. Waalidkaa oo da’ ah oonad weli u shaqeyn oo ad is qoomameyneyso. Qeyrkaa oo nolol wanaagsan galay ood isleedahay tolow miyaad falantahay adigu, goormaad guursan ood guri yeelan waadigan bariiskii la halgamaye. Waxan oo dhami adiga uun kuguma gaar aha ee waa la soo wada marey. Maalinbaa iman doonta inta ad waxaas oo dhan ka baxdo ad dib u xusuusan doonto ood odhan doonto oo ileyn haddaan maalintaa niyad jabi lahaa oon is dhiibi lahaa maanta halkan maan soo gaadheen. Sidaa darteed, haddey dunidu dhan kasta ka soo roganto oo ay kugu adkaato ka isdhiibin. Noloshii iyo wanaagii wey kuu danbeeyaan. Ilaaheyna Aamin.



20 Jir... illaa 30 .....10 Cashar Oonu Macalinkaagu Kuu Sheegin
W/Q; Aqoonyahan Mohamed Ali Bile…Bile aqoonta u adeegta Nolasha!



1. Inta ad yartahay khatar badan qaado oo meeluun ha fadhiyin. Noloshu xagga danbe wey ka adagtaa gaar ahaan markaad reer iyo caruur yeelato. Kol haddey reer iyo caruur iyo rimoodh kugu xidhmaan fuleynimada ayaa kugu badaneysa oo waxad is odhaneysaa haddaad halkan ka dhaqaaqdo tolow yaa biilka keeni. Intaa ka horeysa meel kasta ka bood. Meeluun haku banjarin oo nafta ha u baqan. Hadday meel kugu xumaato iskaga tag. Samirku uu fiicanyahay, balse samirka badani waa nacasnimo.

2. Maadad ama farsamo ha u baran wey fiicantahay ama waa la jecelyahay awgeed ama lacag ayaa lagu helaa. Ha ku dayan dad kale oo kuu amaanna waxa ay barteen. Baro maadadda ad xiisaha badan u heyso ee ad ogtahay inad ku fiicnaan doonto. Shariciga baro hebelba lacag ayuu ka dhergey ama dhakhtar noqo waa lagugu ixtiraami awgeed ha u baran. Waxa ka fiican adoo barta maaddada ad xiisaha u heyso. Wax laguu ammaaney ama ad qof kaga dayatey xattaa haddaad ku shaqeysato kuma faraxsanaaneysid. Waa run oo waxa jiraa maadado shaqo lagu heli ogyahay, balse haddii aaney aheyn mid ad xiiso u heysa ama ad hiwaayad u leedahay, wax badan ku tari meysid
3. Wakhtigu laba shay uun hakaaga lumo: inad wax baraneyso iyo inad shaqeyneyso oo dakhli wanaagan ku soo gelayo. Waxa labadaa sii dheer shaqo aan lacag badneyn balse khibrad wanaagsan ad ka heleyso oo ad ku faraxsantahay. Shaqada ad heysaa haddii aaney lacag fiican laheyn, ama aanad waaya aragnimo ad la dhacsantahay ka heleyn, iskaga tag oo wakhti ha iska lumin. Xataa marka ay shaqadu lacag fiican leedahay, adoo ku jira hadana dhinaca ka wad tacliin korodhsi, waayo aqoonta yar ee ad iminka la ordeysaa, muddo ka dib waa laga baxayaa oo meel cidlo ah ayaa lagaaga tegeyaa. Adoo dhalinyaro ah, calooshaada oo keliya ha u shaqeysan ee sees adag u samee nolosha.
4. Dadka haya waxa ad rabto iyo halka ay joogaan baro. Waxa ad inta badan la macaamishaa waa asxaabtaada, waana kuwo ad isku jiil tihiin oo u badan dad ad isku duruuf tihiin. Waa qaar iyaba u baahan waxa ad adiguba u baahantahay. Markaa talo mooyee wax badan kugu biirin mayaan. Bal inta ad nafta la showrto, isweydii dadka haya ama kuu sheegi kara waxa ad rabtaa halka uu yaalo iyo sida lagu heli karo. Masalan haddaad dooneyso inad ku shaqeyso aqoonta bangiyada, balse ad maalin oo dhan wada socotaan dhalinyaro sidaada oo kale ah oo aan shaqo heyn ama dhalinyaro kale oo meelo kale ka shaqeeya, sidey suuro gal u tahay inad bangi shaqo ka hesho. Raadi cid ama bangiyada ka shaqeysa ama cid cidaa sii garaneysa oo iskiin barta.

5. Adduunka melena ma jirto shaqo lagu bixiyo aqoon iyo maxaad taqaan oo keliya. Waxa uugu wanaagsan ee shaqo lagu helaa waa aqoontaada oo lagu daray ayaad taqaan. Laba qof oo isku aqoon ah waxa shaqada hor helaya ka la garanayo ama qof garanaya la garanayo. Waa inu qof yidhaa anaa garanaya oo anaa la shaqeeyey ama arkey isaga ama iyada oo shaqeynaya oo uu fiicanyahay. Dabcan qofkan ku garanaya waa inu yahay qof la aaminsanyahay oo laga danbeeyo aqoon ahaan ama shaqo ahaan. Shabakadaada balaadhi oo xidhiidh la sameyso dadka ad isleedahay waa lagu ixtiraama aqoonta ama shaqada. Adduunka melena ma dhacdo shaqo aqoon keliya la isku siiyaa.
6. Kumanaan ardey ah ayaa sanad kasta jaamacado ka qalinjebiya, balse dhowr boqol oo shaqo ayaa haddii ay u bataan furma. Inta kale xagey tegi haddii shaqo doon uun la wada noqdo. Ka fikir inad adiguba shaqo abuurto. Ka fikir shaqo ad adiga iyo saaxiibadaa haddaad isku tagtaan ad qaban kartaan. Hawl kastaa bilowga ayay adagtahay, balse marka ad bilowga hore dhaafto, wey isku dubba dhaceysaa. Dadka ad aragtey ee shirkadaha waaweyn leh meelo yaryar oo soke ayay ka bilaabeen. Intad ad cid uun u shaqeyn laheyd, ka fikir inad adigu shaqeysato oo weliba adiga laguu shaqeeyo. Wax weyn haka fikirin oo ha is odhan dahabshiil oo kale noqo. Wax yar ka fikir oo aan cidiba sida uuga fikireyn. Wax iminka ay dad xeyraan ihi ku shaqeystaan yara casriyee oo shaqo sharafle u bedel.

7. Dalkaagu waa dalkaagii waanad jeceshahay. Balse haku indho beelin ee shaqo raadiskaaga ballaadhi. Masalan eeg meelaha laga eego shaqooyinka jigjiga ama Puntland ama Soomaaliya amaba Nairobi, ama Yemen oo iminka shaqooyin badani ka furmayaan. Waa laga yaabaa inad qodobkan meelo ka booddo, balse waa xaqiiq ay tahay inaad aqbasho. Adiga waxa kuu darán inad bilowga hore madaxa shaqo la gasho. Hadhow markaad isku dubbadhacdo adiga kala doran meelaha ad ka shaqeyneyso. Balse marka hore, meel kasta gal, oo qolqol joognimada iyo qalada ka bax.   
8. Aqoonta iyo xifadda aad taqaan, hoos uga sii dhaadhac oo xifad kuu sii gaara oo lagugu yaqaan sameyso si marka arinkaa loo baahdo loo yidhaa heblaayo ama hebel inoo doona. Masalan, ku caan bax inaad tahay qof shirarka iyo siminaaradda si hufan u hagi kara oo ciddii siminaar sameyneysaaba tidhaa inoogu yeedha ha inoo hagee. Maaddo guud iyo tacliin ay kumanaan kale kula soo barteen oo keliya hala meereysan. Wax yar oo kuu gaar ah iyo xirfad lagaaga danbeeyo yeelo.
9. Macluumaadka ad rabtaa marar badan wuxu la yaala dad caadi ah oo aad marar badan indhaha ka laliso ood yareysato. Waxa dhici karta inaad dadwaaweyn iyo wasiirro barashadood ku mashquusho. Marka ad halgameyso dadka waaweyni kuumaba jeedaan oo uuma tirsanid ee wakhti ha iskaga lumin. Dadkan ad dhaafdhaafeyso ayay fikrado badani ku jiraan. Qaar ad dabeecadooda diidantahay ama hab nololeedkooda ayaa laga yaaba iney wax badan kugu kordhin karaan. Sidaa darteed, dadka cawlan ama adiga kaa duwan ama aan madax u muuqan ha quudhsan ee dhageyso oo wax weydii.


10. Weligaa ha is dhiibin. Haddey baddu kula sii degeyso oo madax ku soo jeedo, is diidsii inaad is dhiibto. Noloshu heer kasta oo ad mareyso wey adagtahay. Shaqo la’aan. Waalidkaa oo da’ ah oonad weli u shaqeyn oo ad is qoomameyneyso. Qeyrkaa oo nolol wanaagsan galay ood isleedahay tolow miyaad falantahay adigu, goormaad guursan ood guri yeelan waadigan bariiskii la halgamaye. Waxan oo dhami adiga uun kuguma gaar aha ee waa la soo wada marey. Maalinbaa iman doonta inta ad waxaas oo dhan ka baxdo ad dib u xusuusan doonto ood odhan doonto oo ileyn haddaan maalintaa niyad jabi lahaa oon is dhiibi lahaa maanta halkan maan soo gaadheen. Sidaa darteed, haddey dunidu dhan kasta ka soo roganto oo ay kugu adkaato ka isdhiibin. Noloshii iyo wanaagii wey kuu danbeeyaan. Ilaaheyna Aamin.


Hada Aqoonyahanka La Sheegayaa Waa Adiga Laftaada!

Hada Aqoonyahanka La Sheegayaa Waa Adiga Laftaada!
W/q; Aqoonyahan Mohamed Ali Bile.
Marka aqoonyahayn la yidhaa, fikirka inta badan laga heysataa waa qof jaamacado dibadeed wax ku soo bartay oo woxoogaa dhaqanka qorbahana yaqaan, ama jaamacado wax ka soo dhigey, ama meelo dibadeed ka soo shaqeeyey, afka waaweyn ku hadla, oo dadka kale wax u sheega, muraayad cad gashada oo qof culus u eeg. Waxa uu talooyin ka bixiyaa arimaha dalka ka socda isaga oo u dhiga hab ka duwan ka dadka caadiga ihi u bixiyaan oo waxa uu soo xigtaa arimo dalal kale ka hirgalay ama ka dhacay oo uu rabo in wax laga barto. Inta badan waa qof da’diisu u dhexeyso 40 jir ilaa 70 jir. Waa fikir aad u qaldan oo daduari afduubeen oo marar badan dadka lagu jiha wafeeriyo.
.
Haddaad taariikhda dib u raacdo, aqoonyahanadii ahaa feelasuufyada ee giriigga u badnaa, jaamacado kamey soo bixin, reer galbeedna wax muu soo barin, waxaaney aqoonyahanno loo aqoonsadey iyaga oo aan qaar badani 30 jir gaadhin. Iyada oo ay sidaa aheyd, ayaa hadana maantadaa la joogo wixii ay iyagu sheegeen ama fikirkii ay keeneen ayaa jaamacadaha casriga ah ee dunida manta lagu dhigtaa. Taa waxa an uuga jeedaa, aqoonyahanku maaha khasab inu noqdo qof jaamacad weyn ka soo baxay uun. Waxa uu noqon karaa, qof wax bartey oo garaad iyo fikir wanaagsan keeney. Waxa kale oo uu noqon karaa qof da’ yar ama mid dhexe ama qof da’weyn.
.
Aqoonyahanadii cilmiyada qaarkood dejiyey sida Michael Angelo iyo Rafael, waxa ay aqoonsi sare heleen iyada oo dhalinyaro ah. Maantadan la joogo raga sameeyey Microsof iyo Facebook, waxa ay hindiseen iyaga oo 30 jir gaadhin oo weliba labaduba waxbarashadii jaamacadda meel dhexe kaga tegey iyaga oo aan dhameysan.
.
Inaga weli dadku da’da ayay ku kala danbeeyaan, oo waxa ay rumeysanyihiin, in kuwii iskuulada ka hor galay oo malaha ka waaya aragsanaa iney ka caqli badanyihiin, sidaa darteedna ay xaq uuga leeyihiin iney ama taliyaan, ama wax sheegaan ama tooda la maqlo. Khasab maahaa taasi. Jiil kasta iyo da’ kasta aqoonyahan ayaa ku jira da’diisu inta ay doonto ha noqotee. Khasab mahaa inad ku socdo talada kii kaa horeeyey. Caalamka an joogno haddaad u fiirsato, markasta ardey ayaa macalinkiisii dhaafayey oo la imanayey wax ka sareeya wixii macalinku u dhigi jirey.
.
Berigii hore, dadka in yar ayaa wax baran jirtey oo fursad u heli jirtey iney iskuulo galaan. Dhalinyarada fasalka 8 aad ka baxa ayaa la odhan jirey mutacalimiinta. Berigii danbe ayay kor u kacdey oo qofka dugsiga sare ka baxaa wuxu ahaa mutacalim weyn oo imtixaankii GCE da dhameeyey. Markii danbe ee dad woxoogaa ihi jaamacado galeenna, jaamicigu isgaa ahaa qofka aqoon iyo heykal sare looga danbeeyo.
.
Yaa aqoonyahay lagu sheegi karaa maanta bulshadeena? Aqoonyahanku waa qofka aqoon aasaasi ah leh ee ilaa shaahadad jaamacadeed qaatey ama wax u dhigma ee ku darsadey fikir wanaagsan iyo ficil iyo niyad inu wax bedelo. Inkasta oo laga yaabo in xagga danbe laga aqoonsado, saasaanta aqoonyahanka wanaagsan waxa la arkaa intaan da’diisu aaney gaadhin 30 jir ama marka uu madaxa la galo 30 ka. Waa xiliga kartida qofku u weyntahay, ee khatarta qaadan karo ee uu wax bedeli karo. Dadka da’da weyn waxa loogu yimaadaa in sida wax loogu dhiibey uun ay wax u wadaan ooney waxba bedlin ama ay iska ururiyaan iney wax bedelaan. 
.
Aqoonyahan dhabta ah ee bulshadeenu wuxu ku dhex jiraa dhalinyarada 7 sanadood ee u danbeeyey jaamacadaha ka baxdey ee dabka hoose ku shidanyahay. Waa kuwa iney qarxaan doonaya balse aan weli helin fursadii ay ku qarxi lahaayeen. Waa kuwa tiro ahaan uugu badan dadka aqoonta bartey. Waa muhiim iney dhalinyaradaasi inta ay yaryihiin doob dilaacsadaan, oo ay dumiyaan gidaarka ku gudban ee nolosha, haddii ay tahay dhaqaale iyo siyaasadba. Waa inaaney marti uun u ahaan dad wakhtigoodii qaatey oo maamulka iyo hoggaaminta dalku u tahay shaqo labaad.

Xisbiga Kulmiye ayaa ku heshiiyay shirka golaha dhexe



Xisbiga Kulmiye ayaa ku heshiiyay shirka golaha dhexe.


Xisbiga talada haya Somaliland ee Kulmiye ayaa ku dhawaaqey in shirkii golaha dhexe ee dhowrka jeer dib loo dhigay la qaban doono bisha November.
Kulan maanta ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo , madaxweyne xigeenka Cabdiraxmaan cabdillahi ismaaciil Saylici iyo hogaanka sare ee xisbiga talada haya somaliland ee Kulmiye ayaa arrintaasi looga dhawaaqey.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa muddo sanad iyo afar bilood ah kolba dib u dhacaayay khilaaf jira awgii.
Haatan waxaa lagu heshiiyay in shirkaasi la qabto 10 november 2015 .
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa kulankaasi kadib saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in xisbigu leeyahay xeerar la xiriira sida lagu xallin doono muranka la xiriira cidda murashaxa u noqon doonto xisbiga.

Sharafta iyo Hungurigu Meel Ma Wada Galaan. Qalinkii ;Aqoonyahan Mohamed Ali bile “Bile aqoonta u adeegta Nolasha



Qalinkii ;Aqoonyahan Mohamed Ali bile
“Bile aqoonta u adeegta Nolasha


Mohamed Abdiraxman (Lugooyo) AHUN, wuxu ahaa nin fara badan – Sarkaal ciidan, Abwan, Siyaasi iyo Bulshaawiba. Waxan an wada shaqeyn jirney 1995 illaa 1997 oo xiligaa an diyaarin jirney manhajka dugsiyada. Isagu waxa uu madax u ahaa gudigii qorayey buugaagta Culuumta Bulshada. Intaa ka sakow waxa uu naga caawin jirey arimaha dawladda naga gala maadaama uu ahaa saaxiib aad uugu dhow madaxweynihii markaa joogey ee Mohamed Ibrahim Cigal (AHUN). Wax kasta oo carqalad ah oo naga horymaada isaga ayaan kala tashan jirney oo soo dhameyn jirey.
 Dadka mashruucan manhajka ka shaqeeyn jirey oo tiradoodu aheyd illaa 100 qof waxa ay qaadan jireen mushahar an u maleynayo inu ahaa $300 bishii. Maalin maalmaha ka mida ayuu Mohamed Abdirahman ii yeedhey aniga oo mashruuca hawlwadeen ka ahaa iyo Abdillahi Yassin “Abdillahi Shaandho” oo madax ka ahaa Xarunta Horumarinta Manaahiijta ee Hargeisa, wuxuuna naga codsadey inaan laba bilood mushaharkiisa u sii qadinno maadaama uu tegeyo Jabuuti oo uu isku soo daweynayo.
 Mohamed waxa uu in badan nooga sheekeyn jirey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya isaga iyo madaxweynaha. Wuxu noo sheegey in maalmaha uu isku yara buuqsanyahay ina Cigaal uu odhan jirey waar kii Lugooyo iigu yeedha. Lugooyo oo ahaa nin aad u bulshey ah wey sheekeysan jireen oo wuxu ahaa ninka uu madaxweynuhu ku nafiso ee ay si saaxiibtinimo ah u sheekeystaan.
 Lugooyo ayaan ku idhi waar ninkaagii an islahaa madaxweynaha isagaa uugu dhow oo manta waxa uu uuga baahdo intey doonto ha leekaate uu siinayaa, waa maxay dhowrkan boqol ee doolar ee horumarinta ah ee ad na weydiineysaa. Xaajiga u tag oo kharashka safarka iyo ka dhakhtarkaba ka soo qaadh.
 Lugooyo intuu nagu qosley ayuu sheeko noo galay. Wuxu yidhi u maleyn mayo inu noolyahay qof ibnu aadam ah oo madaxweynaha iiga dhow. Waxa dhacdey ayuu yidhi maalin anaga oo madaxweynaha la fadhina oo ay joogaan odayaal iyo Wasiirro ayuu madaxweynuhu nin siyaasi ah ka cawdey isaga oo cadheysan. Markuu madaxweynihii hadalkii dhameeyey ayaan ku idhi buu yidhi, waar ina Ibraahinow kibir ayaa ku hayaa ee ninkaa hebel ah adaa ka gardaran ee meel fadhiiso. Cigaal oo markii uu hadlayey hadalkiisu dalacnaa oo xanaaqsanaa, ayaa markii an hadalkaa ku idhi inta uu dib u fadhiistey yidhi, maxaan ku gardaranahay?.  Odayaasha iyo wasiirada meesha fadhiyaa indhaha ayay taageen sida an u wada hadleyno. Waxan ku idhi ayuu yidhi, ninkaasi si hagar la’aan ah ayuu kuula shaqeeyey, adna markii ad ka dan dhameysatey ayaad iminka cidlo kaga tagtey. Waa abaalkaa hadduu manta kaa soo horjeesto. Markii uu hadalkii cabbaar socdey ee la kala tagayey, ayuu madaxweynihii yidhi waar ina Cabdirahmaanow ha tegin ee I sug. Markey dadkii kale baxeen ayuu ku yidhi, waar bal ninka la soo hadal oo waxan uu tabanayo weydii.
 Wuxu yidhi, muu jirin qof ina Cigaal runta u sheega oo si toos ah uula hadlaa. Sababta ay Lugooyo uugu suuragasheyna inu sidaa yeelaana wuxu ku sifeeyey isaga oo aan wax weydiisan jirin. Wuxu yidhi dadkan kale oo dhami dan ayay ka leeyihiin oo waxbey ka rabaan. Qaarna waa dawladiisa oo wuxu yidha haa mooyee hadal kuma soo celiyaan. Wax si caadi ah uula hadla anaa jira ayuu yidhi waayo horena wax uugamaan qaadan iminkana wax kama rabo. Wuxu yidhi habeenada qaarkood ayaa marka an ka soo baxo een isasoo macasalaameyno an u sii lugeeyaa gurigeyga oo ku yaalla Xero Awr. Waana taasi ta an kaga adkaadey waayo haddii an wax weydiisan lahaa imuu ixtiraameen. Markaa ninkeygaa ad aragtaan ee madaxweynaha ay saaxiibka yihiin, waxa an sahey ka sii dhiganayaa waa mushaharkaa ad ii sii qadimeysaan.
Markii uu geeriyoodey Mohamed Abdirahman (AHUN), waxa lagu aasey meel u dhow “Badhka” (meeshii dadka lagu toodan jirey) oo dad badan oo an ku jiraa ay ka soo qeyb galeen. Xabaasha markii la qodayey dadkii u soo horeeyey waxa ka mid ahaa madaxweyne Cigal iyo Mohamed Abdirahman aabihii. Markii meydka xabaasha lagu foorariyey, ayuu Cigaal yidhi, walle ninraggaa manta baxay  Sheekada wax iiga soo baxay, in sharafta iyo hungurigu aaney meel wada gelin.

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...