Monday, 30 November 2015

Qaybtii Labbaad. Maxaad ka taqaanaa, Somaliland iyo Sagaalka waddan ee kale, ee aan Xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey



Qaybtii Labbaad.
Maxaad ka taqaanaa, Somaliland iyo Sagaalka waddan ee kale, ee aan Xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey


. Republic of Kosovo. Jamhuuriyadda Koosofo waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, 17 February 2008 . Caasimada waddankani waxaa la yidhaahda "Pristina". badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 10,908 km2,Waddankani wuxuu ka go'ay waddanka la yidhaahdo. ""Serbia"
Jamhuuriyada Koosofo waxaa waddan ahaan u aqoonsan,108 waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobey, iyo weliba waddanka Taiwan oo aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobey. Waddankani weli Qaramada Midoobey umuu gudbin codsi ah inuu ka mid noqdo Qaramada Midoobey.
Sababta ugu weyna waxa weeye, waxay ogyihiin in Ruushku codsigaas is hor taagi doono!
7. Republic Nagorno-Karabakh, Jamhuuriyada Nagorno Karabakh, waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, 2 September 1991. . Caasimada waddankani waxaa la yidhaahda " Stepanakert". badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 11,458 km2,Waddankani wuxuu ka go'ay waddanka la yidhaahdo. Azerbaijan. Jamhuuriyada Nagorno Karabakh,Waxaa aqoonsan saddex waddan oo iyaga laftoodu aan xubno ka ahayn Qaramada Midoobey, Ictiraafna doonaya, kuwaas oo kala ah South Ossetia, Transnistria iyo Abkhazia
8. The Pridnestrovian Moldavian Republic, sidoo kalena loo yaqaano (, Transnistria) waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, 2 September 1990 . Caasimada waddankani waxaa la yidhaahda "Tiraspol" badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 4,163 km2 ,Waddankani wuxuu ka go'ay waddanka la yidhaahdo. Moldova, Jamhuuriyada Pridnestrovian Moldavian oo loo yaqaan (Transnistria) ,Waxaa aqoonsan saddex waddan oo iyaga laftoodu aan xubno ka ahayn Qaramada Midoobey, Ictiraafna doonaya, kuwaas oo kala ah South Ossetia, Nagorno-Karabakh iyo Abkhazia.
9. Republic Of Somaliland. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday 18.MAY.1991. Caasimadda waddankani waa "Hargeisa". Badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 137,600 km2. waddankani wuxuu xoriyadiisa kala soo noqday waddanka la yidhaahdo Somalia oo ay 1960 midoobeen. Jamhuuriyada Somaliland waddana ma ictiraafsana, hadii ay tahay qaar xubno ka ah Qaramada Midoobey iyo haddii ay tahay Qaar aan xubno ka ahaynba.
10. Taiwan iyada waynagii shalay ka haddal nay qoraalkeedana qaybta hoose waaka ku jira.
Haddaba haddii aynu nahay reer Somaliland Qoraaladan Maxaa idiinka baxay? Suaalahan hoos ku yaala"se maka jawaabi karnaa?
1. Somaliland Maxaa waddana u ictiraafi waayay?
2. Xitaa waddan aan la aqoonsanayni muxuu u ictiraafi waayay Somaliland ama ay iyadu u ictiraafi weydey?
3.Somaliland haddii waddan keliyi Ictiraafo Maxay faa,iido u leedahay ? Ictiraafka waddankaasi"se ma kaga mid noqon kartaa Qaramada Midoobey?
4. Haddii ay Itoobiya ama waddan kaleba uu Ictiraafo Somaliland iyo haddii ay Somaliya Ictiraafto Somaliland, maxay ku kala duwan yihiin?
Insha allah inta itaalkayga ah, Qoraal ayaan kaga jawaabi doonnaa Su'aalahaas. Idinka laftiinuna haddiii aad jawaabo u haysaan waad inala wadaagi kartaan.
Suleyman Yusufdhakhtar
Blogger: hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com


Laamaha Ammaanka Somaliland Oo Hargaysa Ku Xidhay Laba Saxafi.





ciidanka Booliska Somaliland ayaa goor dhaweed xabsiga u taxaabay Guddoomiyihi Iyo Tifaftirihii Wargayska Hubsad Rashiid Nuur Wacays Iyo  Saciid Khadar.
Xadhiga labadan saxafi ayaa waxa amray xeer ilaaliyaha guud ee Qaran sida ay xaqiijinayaan warar xogogaal ahi.
Wargayskan Hubsad ayaa maalmo kooban soo baxay magaalada Hargaysa inkasta oo markii danbe la xanibay, iyadoo la sheegay in aanu dhamaysan shuruucda loogu ogolaado furashada wargaysyada.
ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinmaca laaamaha Ammaanka oo ka hadlaaya xadhiga labadan saxafi.
www.hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com


Dalku Waa 3,000 oo Nin oo Murmaya iyo 5 Malyuun oo Kuwaa Naf ka Sugaya!



Dalku Waa 3,000 oo Nin oo Murmaya iyo 5 Malyuun oo Kuwaa Naf ka Sugaya!



Dadku waa kun dawladda ka tirsan oo ama xilhaya oo wasiiro ah, ama golayaasha ah ama “Darafu-Dawlo ah” oo difaacaya dawladda. Iyo kun kale oo ka soo horjeeda oo badankoodu ka tirsanayeen dawladihii hore iyo tanba oo hadafkooduna aanu dhaafsiisneyn xil loo dhiibo ama in xisbigoodu meesha qabsado, iyo kun sadexaad oo waxan uun ka faaloonaya oo an anigu ku jiro. Saddexdaa kun oo intooda badani joogto Hargeisa marka ad la noolaato ama dhageysato maba moodin iney jirto umad kale oo hadhey oo la rabey in loo shaqeeyo.
Kunkan dawladdu xoogooda iyo wakhtigooda intiisa badan waxa ay geliyaan sidii ay iskaga caabiyi lahaayeen ee ay uugu jawaabi lahaayeen kunkan mucaaridka ah, halka kunka mucaaridka ihina ay shaqadoodu ku soo ururtey eed iyo iney canbaareeyaan dawladda, kunka an anigu marmarka qaarkii ka mid aheyna waxa an nahay daawadayaasha oo kolba waxa labadan kun sameeyaan ayuunbaan ka faaloonaa. Sadexdaa kun ee nin waxa tala ka sugaya oo 5 malyuun oo shicib ah oo Ilaahey uun ogyahay intooda habeenkii casho la’aan ku seexata.
Ibrahim Mohamoud Abyan (AHUN) ayaa beri la weydiiyey oo la yidhi horta maxaa joornaalkan dawladda ee Xidigta Oktoobar xafiiskaaga loo keeni waayey aroortii waata la geeyo xafiisyada kale e dawladda oo dhan e? wuxu yidhi anigaa diiday oo idhi waxba ha ii keenina wakhtiga uunbey iga qaadeysaaye. Waxa kaluu yidhi, Joornaalkuba aroorkasta waxa uu ka sheekeynayaa 6 nin oo an jaar nahay oo labana dhooftey oo garoonka lagu sii sagootiyey, iyo laba dalka ku soo noqotey oo garoonka lagu soo dhaweeyey iyo laba kale oo siminaar ama shir meel ka furey. Lixdaba waa wasiiro anu jaar nahay oo an maalin kasta is aragno. Ma lixdan nin uunbaan kolba kii dhoofey iyo kii soo degey sheekadooda hayaa miyaaney jirin dano kale oo umadda beylah ka ihi?
Bal hadda ka bax Hargeisa oo tag tuulada Ceel-Gaal oo xaga jabuuti xigta ama haba fogaane kor u bax oo tuulooyinkan Hargeisa u dhow ee Daba-Baargo iyo Cunaqabad gaadh, ama woqooyi u bax oo Dawga-Cad booqo. Umadahaa dhulkaa ku nool oo dhan duruufo gaar ah ayaa heysta oo ay kaala hadlayaan oo aan aheyn waxan magaalada lagu xiiqey. Duruufaha iyo danaha heystaa sidaaba uuma weyna oo qaarkood taagtoodu waxa ay taagantahay biyo la cabbo halka qaarna ka hadlayaan dawada kaneecada. 5ta malyuun ee shicibka ah ee dalkeena ku nooli intooda badani dawladnimada wey niyeysteen oo wey aamineen sida aynu inaba diinteena la inoo soo gaadhsiiyey ee aynu qaadaney, balse manaafacaad badan kamey arag.
Marka ad magaalada joogto ee ad dhageysta xamasadda iyo waxa laga doodayo, waxa ad arkeysaa in umaddiiba ku soo ururtay 3,000 oo fadhi ku dirir ah iyo 5 malyuun oo shicib ah oo duruufi heysato oo toodii cusleysey oo aan waxanba la socon. Labada wasiir ee xilka kula kala wareegaya ee qaarkeen ka cadheysanyihiin sababta hebel loo bedeley, halka qaarkeena ku faraxsanyihiin ka cusub ee la saarey iyo kuweenna kale ee labadaa ka faaloonaya waxa ka maqan in dadka la rabo in loo shaqeeyo aaney aheyn waxan an mashquulka ku nahay ee ay yihiin dad kale oo taag yar oo aan awoodoodu gaadhsiin kareyn iney joornaal wax ku soo qoraan ama TV ka hadlaan ama mudahraadaan oo cabashadooda muujiyaan.
Annaga oo baabuur wadana goor habeenimo ah oo mareyna keyn cidlo ah oo u dhow tuulada Xeydaanle ayaan aragney gabadh ilmo yar dhabarka ku sidata oo ayda dhex mareysa. Baabuurkii ayaan joojinney oo an weydiiney waxay xiligan meesha la mareyso. Waxa ay noo sheegtey iney ku socoto reero meel dheer jira. Gabadhii ayaan soo qaadney waanan wareysanney oon nidhi maxaa xiligan ku socodsiiyey. Waxa ay noo sheegtey iney ninkeedii isasoo laayeen ka dib markii ay iyada iyo sodohdeed is af dhaafeen. Waxa ay sodohdeen isku afdhaafeen in yar oo biyo ah oo ay gabadho meel dheer ka keentey oo ay sodohdo malaha dhow goor darsatey, oo markaa ay ku tidhi biyo ma heysano berkedihii wey wada madahnyihiin intan yarna waxa an u heysanaa oo keliya in dhuunta uun lagu qooyo ee biyaha noo madhxi. Sodohdiina wey ka xanaaqdey ninkiina hooyaddii ayuu u hiiliyey, gabadhiina sidaasey reerkii kaga soo duday.
Ragayaga baaburka wata nagama qasna oo waxa an wadanaa dhowr kartoon oo biyo ah iyo shaqaab. Marka ad magaalada ka timid xaalkaagu sidaa yahay wey kugu adkaaneysaa inad fahamto in reero dhan oo caruur iyo sodoho lihi ay ku burburayaan daasad biyo ah awgeed, ama ay jiraan dad aan meydhan bilo biyo la’aan awgeed ama ay jiraan dad u dhimanaya xanuun fudu oo si sahlan loo daweyn karo haddii dawadiisii la hayo. Waxa an aad uuga fikirey umadda dalka ku nool iyo duruufaha heysta ee aan Ilaahey mooyee cid kale oo u gargaarta heysan, iyo inteena bariisku u bisil yahay ee shaqada ka dhigtey “kaaley ila Muran”.
Waxa muhiim ah in la xuso in dawladnimada runta ihi ay tahay ta la rabo iney u adeegto masaakiinta, inta jilicsan, iyo kuwa caasimadda ka fog. Hargeisa waxa laga hadlayaa waa wadooyinka oo jajaban, xashiiskii oo soo batey, bilicdii magaalada. Haddaad hawdka 30 kiloomitir uuga baxdana waxa ad arkeysaa hablo yaryar oo caagad yar sita oo baabuurta dhaafeysa biyo weydiisanayaa. Banka giriyaad iyo Cali Xeydh haddaad martana waa la mid oo duruufo kuwaa la mida ayaa dadka heysta. Waxa fiicnaan laheyn in 300 ee mumayaa ay bishiiba dhowr habeen tagaan reerohooda, gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka oo ay dhow habeen la soo noolaadaan iyaga oo la cunaya waxa adadku cunayo, oo meel la seexanaya, la sheekeysanaya. Taasi waxa ay keeni laheyd xamaasad iyo qiiro aynu ku ogaano in umad badan oo jilicsani wax inaga sugeyso iyo ineynaan wakhtigeena ku dayicin hadal iyo muran ee an dadka wax u qabanno.
Inteenan murmaysaa waa intii waa kuweenii nasiibka helay. Waa inteena qootanyawmka heysata amaba soo heli karta ama soo shaxaadi karta. Waana inteena 5 ta malyuun rajada ka qabto iney maalin uun ka saaraan duruufaha iyo gaajada iyo jahliga. Maalinta la ina xisaabiyo ee la ina yidhaa dedaalkii dib dhiska dalka bilaash xoogle yahow xageebaad ku maqneyd? Maxaad ku jawaabeysaa? Ma waanigii hebel iyo xisbi hebel la murmayey ayaan ku jawaabnaa. Ma hebel markii uu Hadley kii u jawaabey ee caayay baan ahaa ayaan libin ka dhigana. Mise taariikhda ayaynu geli oo waxa an ku doodnaa intaas oo kun oo caruur ah oo faqiir ah ayaan jahliga ka saarey oo an siiyey hubkii ay gaajada kula dagaalami lahaayeen. Ama intaas oo deegaan amaan biyo macaan oo nadiif ah u qoday oo maanta harraadkii ka baxdey. Saddexdeena kun ee nin ee murmayow, ogaada iney ina sugayaan 5 malyuun oo rag iyo dumar ah oo Ilaahey mooyee aan cid kale u maqneyn oo if iyo aakhiraba la inagula xisaabtami doono waxa an u qabanney.

Ardaaga Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
Blogger: hajicami.blogspot.com



Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...