Monday, 19 October 2015

Waxa yaabaha Uu Muse Biixi Dheeryahay Musharaxiinta u Taagan Musharaxnimadda Xusbiga Kulmiye. W/q: Abdiasiis jama Haji Cami. Blogger: Hajicami.blogspot.com.



Waxa yaabaha Uu Muse Biixi Dheeryahay Musharaxiinta  u Taagan Musharaxnimadda Xusbiga Kulmiye.

W/q: Abdiasiis jama Haji Cami.
Blogger: Hajicami.blogspot.com.
Hargeisa Somaliland.
19-10-2015.


Mujaahid muse bihi Abdi waa shaqsi u soo halgamay dalkan iyo dadkanba oo ka soo qayb qaatay dib u dhiskii dalkan Somaliland soo maray isagoo door laxaadleh ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta iyo halgankii dhisitaanka dalkaba.
Isagoo isla markaana ay u dheertahay bisaylka siyaasadeed ,adkaysi iyo waayo aragnimo dheeraada, hadaba keeba ah siyaasi dalkan iyo dadkuba u baahan yahay inuu hogaamiyo uguna khibrad badan siyaasiyiinta ku tartamaaya xusbiga kulmiye dhexdiisa.
Marka ay saadaasha sidaa u eego waxaan qabaa waxyaabo badan inuu dheeryahay mujaahid muse bihi musharaxiinta kulmiye ha ugu horayso inuu leeyahay mujaahidnimo xusbiga kulmiye dhexdiisa ah oo ku dhereran mudo 12 sanadooda oo uu uga gudbay caqabado badan oo soo food saaray.
Khuburadda daraasadaysa hogaaminta bulshadda waxaa ay tibaaxayaan in qof marmar badan guulaystay ay jiraan talaabooyin maquula oo keenay guushaasi waxaa kaloo lagu qiimeeyaa halkii uu istaagay xilkigii loolanka iyo Caqabadaha xusbiga kulmiye.
Kulmiye waxaa la aas aasay dabayaaqadii 2002, laga soo bilaabo waqtigaas waxa ay dadka badankoodu qabeen xusbi dood badani ka taagan tahay, kaas oo ilaa manta ka dhex socda, waxa se Kulmiye kaga gudbay in dhibaatooyinkaas soo food saaray ka gudbay inaan lagu kala tagin xusbiga, oo aakhirkana lagu kala guulaysto ay inta laga guulaystaa raacdo inta guulaysta.
Waxaan odhan karnaa waa taas waxyaabaha uu xusbiga kulmiye kaga duwan yahay asxaabta kale oo ay dhif iyo nadir tahay in lasku qabsada ama lagu dhex murmaaba.
Waxyaabaha hadaba uu Gudoomiye muse dheeryahay musharaxiinta kale ee ay isu xusbiga yihiin waxaa ka mida:
1.      Waxaa uu qayb laxaadleh ka soo qaatay dib udhiskii dalka iyo dadkaba
2.      Waxaa uu haldoor ka ahaa mujaahidiintii ururkii SNM ee dalkan xoraysay.
3.      Waxaa uu garanayaa qaybaha nolasha bulshadda reer Somaliland
4.      Waxa uu qayb libaax ka soo qaatay dib u heshiisiintii beelaha reer Somaliland
5.      Waa shaqsi bisayl Siyaasadeed u leh Hogaaminta Dalka .

Loolankan hadda bilaabmay ee u dhexeeya baarqabka xusbiga kulmiye waa kan ugu muhiimsan mustaqbalkiisa kaas oo ah inuu hantiyo musharaxnimaddada kulmiye si uu isu taago jagada madaxtimo ee wadanka.



W/q: Abdiasiis jama Haji Cami.
Blogger: Hajicami.blogspot.com.
Hargeisa Somaliland.




Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In La Wareejiyay Haamihii Kaydkan Shidaalka Berbera. –



Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In La Wareejiyay Haamihii Kaydkan Shidaalka Berbera. – 




Hargaysa(HWN)Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa maanta rasmi ahaan shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera Oo Muran adag ka taagnaa Baryahan Danbe Si rasmi ah loo wareejiyay.
Muuse Qaasin ayaa Cadeeyay in Shirkada lagu wareejiyay ay dhan yihiin lix Shirkadood kuwaas oo gaar loo leeyahay,si bareefad ahna hawlahooda u wadan doona.
Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.
Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahi kale ma bixin wasiirka ganacsigu.
Xafladda shalay ka dhacday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.
Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.
Dadka Deegaanka ayaa ka biyo diiday wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera,Balse xukuumada iyo masuuliyiinta Deegaankasi ka Soo jeedaa Dhagba Jalaq umaysiin.


Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland.






Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...