Tuesday, 24 November 2015

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAMADDA UGU AWOODA BADAN DUNIDA

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAmada UGU AWOODA BADAN DUNIDA.

Ciidan-nimadu Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?.

raar ama Hor-dhac
Ku sinnaan muddo haatan laga joogo illaa 5000 [shan kun] oo sannadood ayaa sooyaal taban ay mahadh-dhadu kasoo werisay taariikhda uu ina-nebi aadan ku lahaa kownkan, taas oo milicsiga raadadkeedu qaarad illaa qaarad dunida oo dhan xog waran wanaagsan laga daalacan karo.
Taariikhahan haddii aad u dhab-bo gasho waxaa ay xogo kaaga iftiiminayaan qaab dhismeedka nololeed ee bulshooyinkaas noolaan jiray, noloshoodu sida ay ahayd, cuntadoodu waxa ay ahayd, qaabka qoysaskoodu u dhisnaayeen, maamul ahaan iyo is kaashi ahaan sida uu nidaamkoodu ahaa.  Waxa kale oo taariikhahaas ku suntan sida uu ammaankoodu ahaan jiray iyo asbaabaha dhalin jiray colaadaha  ay geli jireen.
Dhammaan bulshooyinka noolaa wakhtiyadaa hore oo ay ka mid ahaayeen (faraaciintii, Romankii, Giriigii, dawladihii Kiristanka ahaa, dawladihii Islaamka ahaa, dawladihii ka hirgaley dhul-weymaha, Shiinaha, India, Japan iyo dawladihii soo gaadhay Qarnigii hore sida Boqortooyadii Austri- Hungry , tii Cismaaniyiinta, Tii Soofiyeedka iyo dhammaan dawladaha imika jira yurub oo illaa imika leh Boqortooyooyin  Maamuus ah). Dhammaantood bulshooyinkaasi  waxa si fiican looga dheehan karaa doorka ay ciidamadu ku lahaayeen maamulka dawladnimo, ka arrimaha bulshada iwm, waxa kale oo la ogaadey in shakhsiga heerka noloshiisa lagu qiimeeyn jirey welina lagu qiimeeyaa (dawladaha reer galbeedka ) ah derejada uu ciidanka dalkiisa ka gaadhay iyo dhaqaalaha uu haysto.  Taas macnaheedu  waxaa ay tahay heerka uu derejada bulshada kaga jiro qofku.
Biyo-dhaca iyo Nuxurka Qormada
Waxa caddaatey inay maamulka dawladnimo iyo ka arrimaha bulshooyinkaa hore iyo kuwa immikaba ay ciidamddu kaga jireen heerka u sareeya oo ay ahaayeen kuwa tada dawladaahaa soo hayey welina ay yihiin caalamka intiisa badan. Waxa aynu wada ognahay in aannu caalamku lahayn xuduudo sugan intii ka horreysey dagaalkii 2aad ee adduunka, dawladdaha caalamkuna waxa ay intooda badani ay ahaayeen boqortooyooyin ay xukumaan ciiddamo.
Dawladihii ISAALMKA ciidammadu waxa ay ahayeen kuw xukuumadda iyo talada dadkaba gacanta ku hayaa isla markaana door shariif ah ka qaatay fidintii diinta islaamka. Ciidammadaas waxa ugu horreeye Kheyru-khalqu-llaah Sayidunnaa Muxammed [NNKHA). Khulufaa’u-raashidiintii Afarta ahayd baa ku xigay, dawladihii Asxaabtu isaga kala dembeysay baa ka mid ahaa  sida Khaalid-ibnu waliid, Mucaawiye bin-abuu Sufiyaan, Sacaada-diin Al-ayuubi iyo dhammaan hoggaamiyeyaashii duwalkii Cabbaasiyiinta iyo kuwii Umawiyiinta. Madaxdaas oo dhammaantoo noqonaya waxa ay reer galbeedku ku magacaabaan GENERALS, ama Bregadiel Generals.

Taasi waxa ay ku tusaysaa sida ay ciidamadu u soo xukumi jireen caalamka una yihiin kuwa hagi jirey illaa imikana haga siyaasadaha dawladaha caalamka. Iyagana [reer Galbeedka] intooda badan waxaa qarniyadii hore iyo kan aynu ku jirnaba  hoggaamiyeyaashii soo xukumay  ay u  badnaayeen rag ciidammo ahaan jiray oo derajooyin muhiim ah  gaadhay ciidanka.
Waxa caado ah saraakiisha ciidanka ka fadhistaa inay si toos ah ugu biiraan talada siyaasadeed ee dalalkooda, waayo ciidamadda ayaaba u dhisan ina la maamulo ciidanka laftiisa oo dad ama bini-aadam ah iyo inay la socdaan arrimaha dawladahooda siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga, Teknoolajiyadda, iyo dhammaan wax kasta oo khuseeya nolosha shacabkooda.
44 [afar iyo afartan] madaxweyne oo 29 [sagaal iyo labaatan] kamid ahi ahaayeen saraakiil ciidammada derajooyin sare ka gaadhay oo ka fadhiistay ayaa dal-weynaha maraykanka soo maray illaa immika. Taas oo khibrad baddan ay ka helaan muddada ay ku soo jiraan ciidanka, iyaga oo soo arka caalam ka duwan kii ay ku dhasheen soona barta bulshooyin kala duwan isla markaan fahma sida uu caalamku u wada noolyahay ama isku khilaafsan yahay, cidda xulufo lala noqon karo iyo cidda caddawga waddankooda ah, waxyaabaha keena khilaafaadka dawladdaha sida Xuduudaha dhulka iyo kuwa badda, biyaha, ganacsiga, ammaanka dawladdaha jaarka, ammaanka xulufada dalkooda iwm.
Koboca iyo  horumarka aqoonneed ee ay Ciidammadu suuro-geliyeen
Jaamacadaha Ciidamaddu waxa ay leeyihiin Nooc kasta oo kulliyadaha wax barashada ah,
Sida Civil engineering,  Mechanical engineering, Communication engineering, nuclear science, aviation engineering, space engineering, chimical engineering, geopolitcs, iyo kuwa kale oo badan. Tusaale ahaan horumarka ciidammada waxaa kamid ah degelka uu caalamku immika isticmaalo ee meel isugu wada keenay dunidii oo dhan, waa qalabka INTERNET-ka   oo ay isticmalkiisa hirgeliyeen ciidanka dalka Maraykanku. Waxyaabaha kale ee ay ciidamadu horumar ka sameeyaan waxa ka mid ah Kiimikada, Tamarta, Isgaadhsiinta guud ahaan, Gaadiidka Cirka Badda iyo Dhulka. Waxa kale oo ay ciidamaddu hor u mariyaan Sancada dhismaha, Macdamaha, Birta iwm.
Dawladaha casriga ah  ee qarnigii hore iyo kuwa maantana madax badan oo ASKAR ama saraakiil ciidan hore u ahayd ayaa talada ka qayb-qaadata. Dawladda Somaliland waxa ay kala mid tahay dawladaha. caalamka arrintaas, oo damac siyaasi wey leeyihiin waanay yeelan karaan ragga hore u ahaan jirey ciidamadu.
Madaxweynayaasha Loogu Jecelyahay Ee Dalka Mareykanka Soo Marey Dhammantood Waxa Ay Ahaayeen Saraakiil Ciidamada Ka Tirsan, Ka Hor Intaanay Noqon Madaexweynayaal. 44 Madaxweyne ayaa soo maray dalka maraykanka,  29 ka mid ah ayaa saraakiil ciidanka kala duwan ee USA ka tirsannaan jirey.
Ciidammadu Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?, jawaabta akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa khaasatan dadka  ku doodda ama aaminsan in aanay Somaliland xilligan u baahnayn Hoggaamiye Ciiddan, iyaga oo dood aan aaminsanahay in ay jaban tahay daliil uga dhiga in la dhaafay xilligii askariga oo la joogo casrigii qalinka ama waqtigii ay awoodda qalinku shaqaynaysay. Waxaase is weydiin mudan in aragtiyaha diidani ay ka garaaabaaan haddii  askartii Afrika ay  dawladahoodii dumiyeen markey ka madax noqdeen, in Jabhaddii  SNM iyada oo duurka ku jirta oo laba garab kala ah [Garab Siyaasadeed iyo Mid Millatari]  haddana  ay doorasho ka dhex dhici jirtay.  Aragtiyaas oo caalamka u wada haysta siyaad Barre maxay u qiri la’yihiin SNM in aanay reer Somaliland ahayn dad xoog-xoog isugu talin kara balse ay ahaayeen [SNM ahaan] jabhad ka duwan jabhadaha caalamka ka jira oo ay ammaan u tahay dadkeenna.

Haddaba Maxaa Muuse Biixi Cabdi  haddii  uu xisbigiisu u sharraxay inuu doorashada madaxweynaha Somaliland uga qayb galo, waa maxay dadka leh waa ASKARI, miyaanay ASKARTU dawladaha madax ka noqon karin, mise baroortu orgiga ka weyn, miyaanay ogayn in rag badan oo madaxweynayaal dunida ka soo noqday ay markooda hore askarinimo soo mareen.
Tirada Madaxweyneyaasha Maraykanka ee Ciidammada soo maray
John F. Kennedy- US NAVY
George H W Bush
FRANCE
Dalka Faransiiska: Madaxdii soo martey waxaa loogu jecelyahay Madaxweyne Charles de Gaull. kaas oo ahaa markii hore General de Gaull
RUSSIA
Dalka Ruushka maanta waxa horumar dhaqaale iyo ciidanba gaadhsiiyey   aadna loo jecelyahay Madaxweyne PUTIN oo ahaa sarkaal sare oo  ciidanka dalka Ruushka ka tirsanaan jirey.
UNITED KINGDOM
Madaxdii soomartey Dalka UK waxa loogu jecelyahy Sir Winston Churchill   waxana uu ahaa sarkaal ROYAL ARMY ka tirsan, qoyska boqortooyada UK-na wixii rag ah waxaa khasab ah in ay kamid noqdaan saraakiisha ciidanka UK
Prince Charles waxa uu ku biirey ROYAL AIR FORC waxana uu bartey noocyada diyaaradaha oo kala duwan                                           Waxa kale oo uu noqdey ROYAL NAVY Waxaana uu ahaa sarkaal ROYAL MILLITARY ga ah. Waxa halkan aynu ku caddeynay in ciidamadu caalamka doorweyn ku lahaayeen welina ku  leeyihiin taladiisa iyo hoggaamintiisa

Liiska Madaxweymayaash Dalka Usa   Ee Soo Marey Ciiddanka

Ø  General, George Washington
Ø  Colonel, James Madison
Ø  Colonel, James Monroe
Ø  Major General, Andrew Jackson
Ø  Major General, William Henry Harrison
Ø  Private, John Tyler
Ø  Major General, Zachary Tayl
Ø  Major, MIllard Fillmore
Ø  Brigadier General, Franklin Pierce
Ø  Private, James Buchanan
Ø  Captain, Abraham Lincoln
Ø  Brigadier General,  Andrew Johnson
Ø  General, Ulysses Grant
Ø  Major General, Rutherford B, Hayes
Ø  Major General, James A Garfield
Ø  Brigadier General, Chester A. Arthur
Ø  Brigadier General, Benjamin Harrison
Ø  Major, William McKinley
Ø  Colonel, Theodore Roosevelt
Ø  Major Colonel, Harry S. Truman
Ø  General, Dwight D.Eisenhower
Ø  Lieutenant (Navy),  J. F Kennedy
Ø  Lieutenant Commander, Lyndon B. Johnson
Ø  Lieutenant Commander, Richard Nixon
Ø  Lieutenant Commander, Gerald Ford
Ø  Lieutenant, Jimmy Carter
Ø  Captain (Air force), Ronald Reagen
Ø  Lieutenant (Navy), George H.W.Bush
Ø  First Lieutenant, George W.Bush

Blogger: hajicami.blogspot.com
 Hargeisa Somaliland

Wariye Mary Harper oo booqatay xabaasha Marxuum Cawke.

Wariye Mary Harper oo booqatay xabaasha Marxuum Cawke.
 Wariyaha caanka ah ee BBC-da Mary Harper ayaa booqatay xabaasha Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ahaa wariye caan ah oo ay soo wadashaqayn jireen, iyadoo safarkaasi usoo gashay ixtiraamka ay ugu haysay Mihnadiisa iyo shakhsinimadiisa mudadii ay is yaqaaneen.
Mary Harper oo ka soo degtay dalka Itoobiya waxay baabuur ku timi xabaasha Cawke oo ku taala xadka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan qarka shishe halkaas oo ay labada dawladood masuuliyiin ka socda iyo dadweyne farabadan oo ka kala yimi meelo kala duwan kaga qayb galeen jinaasadiisii.
Mary Harper oo hotelka Maansoor ugu warantay wargeyska Waaheen markii ay ka soo gashay safarkeeda ayaa tidhi “Waxaan Tacsi u dirayaa qoyskii, Qaraabadii iyo saaxiibadiisa iyo qof kasta oo yaqaanay oo dhan waxaanay ahayd geeri dareen leh oo taabatay qof kasta oo yaqaanay wayo dad badan baa yaqaanay, gaar ahaan anigu markii aan maqlay geeridiisa waxay noqotay inaan booqdo xabaashiisa una mahadnaqao. Waxaan ka soo duulay London, waxaan ka soo dagay Addis aba, waxaan imid Jigjiga, waayo mar hore oo aan imi Jigjiga isagaa I qaabilay, waxaan tagay hoteelkii waxaan usoo kicitimay wajaale, waxaan dul istaagay qabrigiisa waanan usoo duceeyey.
Laba shay baan ka odhan cawke, marka koowaad codkiisii waxa uu ahaa mid Dahabi ah, way fiican tahay inaan huteelkan Maansoor ka idhaahdo waayo markii iigu danbaysay anigoo makshinkayga fadhiya ayaan dibeda ka maqlay codkiisa, waxaan markiiba idhi codkaasi waa codkii cawke, waan soo dagaagay markii aan albaabka soo gaadhay waxa iga soo hor baxay Cawke waayo codkiiu gaar buu ahaa.
a labaad cawke wuxuu ahaa ni ay dadku isugu mid yihiin, waan ogaa Cawke in uu ka yimi Somaliland, qabrigiisa markaan tagayna wuxuu ku yaalay dhinac Itoobiya, markaan helay wararka xabaashiisana waxaan ogaaday inay dad badani yimaadeen oo masuuliyiin ku jiraan, waxa jirta siyaasiyiinta iyo dadku inay kala qaybsan yihiin, laakiin cawke cid walba saaxiib buu la ahaa.
Qoyskiisa aqoon badan baanu isku lahay, Aniga sharaf weyn bay ii ahayd inaan is naqaanay, waanan u ducaynayaa in uu ilaahay cafiyo” ayey tidhi
Mary Harper waa Tafatiraha Afrika ee BBC-da qaybta Africa, waana qoraa caan ah oo arrimaha Somalida wax badan ka diyaarisay.
Blogger: hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015ka) Boobe Yuusuf Ducaale (Q.2aad)

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015ka) Boobe Yuusuf Ducaale (Q.2aad)

Qormada: 2aad
Hargeysa, 22/11/2015ka
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Axmed Xasan Suufi-cilmi oo loo yaqaannay Axmed Xasan-cawke ama Ina Xasan-cawke wuxu ku dhashay magaalada Tog-wajaale 1948kii. Da’diisa ma aan sugin oo qoraal kuma aan helin, bal se waxaan ka dhaqaaqay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku dugsi iyo fasalba ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Caasha Aw Faarax Xirsi Mixille. Gabadh keliya ayay Axmed wada dhasheen oo ah Caneb.
Axmed wuxu dugsiyadii hoose/dhexe ku soo qaatay magaalada Tog-wajaale. Dugsigiisii Sare wuxu ku soo qaatay Cammuud, waxaanu dhammaystay 1970kii. Ka-dib wuxu ka bilaabay magaalada Gebilay shaqadiisii qaran. Halkaas ayaan ku bartay 1972kii. Aqoon badan uma aan lahayn. Axmed Xasan-cawke fadhi aan la fadhiisto oo aan sheeko la wadaago waxay ii ahayd maalmo ku jiray 2008kii, xilliyadii lagu jiray diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha. Inta badan waayo kala geddisan iyo meelo kala duwan ayaanu ku noolayn oo na kala qariyay.
Sannadkii 1973kii ayuu ka mid noqday dhallinyaro imtixaan lagu tartamayay u gashay Radio Muqdisho. Waxa tartamayay 17 dhallinyaro ah oo dugsiyada sare ka soo baxay shaqadii Qarankana dhammaystay. Waxa imtixaankaa ku gulaystay: Yoonis Cali Nuur, Cabdi Idiris Ducaale, Aadan Nuux Dhuule, Maxamuud Sheekh Dalmar, Axmed Xasan-cawke, Maxamed Cali Carraale iyo Maxamed Xasan (Terra). Beryaha qaar ayaa saami-qaybsigu sidaas iska ahaa. Heerkii beryahaa la taagnaa dhallinyaradan la qaatayba waxay wada ahaayeen reer woqooyi marka laga reebo Maxamed Xasan (Terra).
Markii barbaartas loo qaatay Radio Muqdisho ee ay imtixaankii ka gudbeen, waxay halkaa ugu tageen ruug-caddaa aan odhan karo waxay ahaayeen Raacii 2aad ee weriyayaasha Soomaaliyeed oo iyaga qudhoodu ahaa intii ka soo aflaxday Radio Hargeysa oo ahaa Raadyowgii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo la furay 1941kii. Idaacadaha kale marka aad dhaafto Laanta BBC-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu 16 sannadood ka weyn yahay ama ka horreeyayba.
Aan sheekadeennii Ina Xasan-cawke ku soo noqdo e’ isaga iyo colkii la wada qaatay ayaa tababarro iyo carbis lagu bilaabay. Waxa u bilaabay Raacaa 2aad oo ay ka mid ahaayeen: Mustafe Xaaji Nuur, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Siciid Caddaani, Mijir Qaaddi-Maxamud, Idiris Xasan Diirye, Weli Xaaji Cali iyo Idiris Cigaal Nuur. Raacii ugu horreeyay ee weriyayaasha waxaynu ka xusi karaynaa Xaaji Cabdi Ayuub oo ahaa qofkii soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee BBC-da ka hadla, kuna furay “Halkani waa BBC oo idin bariidin.”  Marka aynu si gaar ah ula baxno Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha warka sheega kuwa ugu fiican xagga tebinta iyo codkaba. Waxa intaa u raacayay xidhiidhsanaanta hadalka aan joogsiga iyo ku-margashada lahayn. Wuxu kaga tegay doobtii xariirta ahayd ee codka lab ee dheg-raaricinta leh dhegaystayaasha gaadhsiinaysay. Mararka warka la sheegayo dadka qaar ayaad mooddaa in ay iyagu isu warramayan, Axmed Xasan-cawke se waa uu ka duwanaa oo wuxu u warrami jiray dhegaystayaasha xiisaha u qabay qulqulkii weedhaha toolmoon ee sida webiyada cartama danankooda iyo reenkooda lagu raaxaysanayay.
Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha ugu fiican xagga tebinta ciyaaraha oo aan filayo in uu kaga deyday Weli Xaaji Cali oo cod degdeg ah oo cagta ama gacanta kubbadda wadata la xawliya ku gudbin jiray wararka ciyaaraha. Waxaan Dugsiga Sare ee Benaadir oo Muqdisho ku yaalla ku jiray 1964kii – 1968kii. Garoon kubbadeed ayaa dugsiga noogu yaallay oo aanu galbaha qaar kubbad ku ciyaari jirnay. Waxaan xusuustaa in uu noo iman jiray Weli Xaaji Cali oo rikoodh UHR ah sitaa oo kuwii cajaladaha waaweynaa ah. Halkaas ayuu annaga oo ciyaarayna ku baran jiray sida ciyaaraha wararkooda loo gudbiyo. Mararka qaarkood carruurta daawnaysa ayuu urursan jiray oo ku odhan jiran qaylo iyo sawaxan sameeya oo uu ka duubi jiray. Weli Xaaji Cali waa ninkii ciyaarihii gobollada oo la ciyaarayo oo ay isku haleeleen koox reer woqooyi ah iyo mid reer koonfureed ahi inta uu is-illoobay yidhi: “Innaga aya wadanna.”
Axmed Xasan-cawke dabeecadihii uu lahaa qaarkood wuxu ka watay ama ka raacayba aabbihii Xasan-cawke oo nin ballaadhan ahaa. Wuxu aabbihii ka mid ahaa mudankii ganacsatada magaalada Tog-wajaale. Wuxu aabbihii dhaqan iyo caadaba u lahaa in aanu dadka u kala qaybin reero iyo haybta ay ka soo jeedaan bal se uu magaalo ahaan u mideeyo. Wuxu aad iyo aad isugu deyi jiray in uu waayaha magaalada si fiican xogxogaal ugu noqdo magaceedana ilaaliyo.
Xasan-cawke waxa ceeb ku ahayd in ay dadka reer miyiga ah ee badeecadaha keenaa dib ula noqdaan mararka laga iibsan waayo. Shaqaalihiisa ayuu u diri jiray oo uu ku odhan jiray yaan badeecad magaalada la keenay dib reerihii loogu celin oo aan la odhan Wajaale waxba laguma iibsado. Sidaas ayuu kula wareegi jiray dhuxusha iyo xaabada la iibsan waayo si uu magaca iyo milgaha magaalada u ilaaliyo. Xasan-cawke ayaa beri wiil malaha shaqo loo doonayay loo keenay. Baristii wiilka la barayay ayaa lagu yidhi: “Waa wiil fiican oo Reer Jigjiga ah.” Xasan-cawkena maalintaa wuxu reebay odhahhda ah: “Waa Reer Jigjiga iyo waa wiil fiican kala daaya.” Waxaan ka guntay inahaas Xasan-cawke ku saabsan muddaakaraat uu beryaha qaar noo marin jiray Xasan Warsame Seed oo aad u yaqaannay lana soo noolaa muddo dheeri.  Xagga nolosha qoysnimo Axmed Xasan-cawke laba jeer ayuu guursaday. Wuxu ku horreeyay Caasha Daahir oo u dhashay Maxamed iyo Farax. Markii uu London u digo-rogtay wuxu guursaday Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo u dhashay: Xasan, Caneb iyo Sakariye. Dhammaantood waa ay nool yihiin. (La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Blogger:hajicami.blogspot.com

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...