Wednesday, 18 November 2015

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Hab Dhaqan Uu Madaxweyne Xigeenku Kala Kulmay Ciidammada Ethiopia



Xukuumadda Oo Ka Hadashay Hab Dhaqan Uu Madaxweyne Xigeenku Kala Kulmay Ciidammada Ethiopia
Markii warkaasi na soo gaadhay waxaanu gaadhsiinay Madaxweynaha DDIS,  waxana uu iga codsaday in aan ka daba tago masuuliyiinta Somaliland, iyadoo uu I siiyay gaadhigiisii gaarka ahaa”
Hargeysa (Hubaal)-Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise, ayaa sharraxay siday shalay galab u dhacday hanaan ay madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi musharaxa Kulmiye kala kulmeen ciidamada Ethiopia. Badhasaabka Gabiley oo qoraal arrintan kasoo saaray ayaa ku yidhi “ Waxa wax laga xumaado ah in warbaahinta Somaliland ay qaarkood faafinayaan warar aan faa’iido laga gaadhayn wax xiiso iyo qiimo ahna aan u lahayn shacabka reer Somaliland iyo Dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia, taasi oo ay sawir khaldan ka bixinayaan dhacdo shalay ka dhacday xabaashii Marxuum Axmed Xassan Cawke oo ahayd sidan:-
Waxa kolkii laga soo baxay salaadii jinaasada u soo dhaqaaqay dhinaca xabaasha oo uu markaa nagu soo gaadhay madaxweynahaa DDIS Cabdi Maxamed Cumar, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay ammaanka adkeeyaan, waxoogaa kadib ayaa waxa dhankii salaadii jinaasada ka yimid Madaxweyne xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo Gudoomiyaha xisbilxaakimka Md Muuse Biixi oo ay daba iyo hareera socdeen kumanaan dadweyne ah, kuwaasi oo ay ciidamada amniga oon aqoon u lahayn si wada jira u joojiyeen madaxdii Somaliland iyo dadweynihii mawjadaha ahaa ee hareera iyo daba socday, waxaana ay keentay in masuuliyiinta reer Somaliland oo danaynaya amaanka ay u dhaqaaqaan dhinaca gaadiidkooda uma tallaabaan dhinaca Somaliland.
Markii warkaasi na soo gaadhay waxa aniga iyo Wasiirka Cadaalada JSL aanu gaadhsiinay Madaxweynaha DDIS, kaasi oo runtii aad uga xumaaday goobtiina ku canaantay masuuliyiintii uu u xilsaaray protocolka aaska iyo soo dhawaynta madaxda Somaliland waxana uu iga codsaday in aan arrinka dhexgalo oon ka daba tago masuuliyiinta Somaliland, iyadoo uu I siiyay gaadhigiisii gaarka ahaa oo isaguna isku dayay inuu I soo raaco, balse boqolaal gaadhi oo dhinaca Somaliland u soo talaabayay ay na xanibeen, aakhirkiina waxa aniga, wasiirka Cadaalada SL iyo raxan wasiiro ah oo DDIS ka tirsan noo suuro gashay in aan Madaxweyne xigeenka JSL iyo Gudoomiye Muuse Biixi aanu ka qancino inay na raacaan, taasi oo aanu kulan isugu keenay Masuuliyiinta Somaliland iyo Madaxweynaha DDIS, halkaasi oo uu Madaxweyne Cabdi .Maxamuud Cumar ka raali geliyay Madaxweyne xigeenka JSL iyo gudmooyiha xisbilxaakimka dhacdadaasi, iyadoo ay Masuuliyiinta Somaliland u sheegeen in wax cadho la yidhaahdaa aanay jirin, balse farsamo dhinaca amniga ah maadaama ay kumanaan qof daba socdeen uga soo tallaabeen xadka, halkaasi oo masuuliyiinta Somaliland uga mahadnaqeen sida dareenka leh ee uu Mdaxweyne Cabdi Muxumed uga hawlgalay arrinta islamarkaasina uu ugu dhabar adaygay inaanu noqon isagoo la kulma madaxda Somaliland mooyee.
Haddaba waxa taasi oo jirta danta labada dalna ay ku jirto xidhiidh ka. Wanaagsan ee.dhawaan dib u curtay shirkii Dirirdawe aanu kula soo yeelanay masuuliyiinta DDIS iyo kuwa Federalka Ethiopia, ayaa qaar aan qiimaynayn waxa dhaawac uu keeni karo warkoodu ay u dhigeen in la quydhsaday madaxdeena, halka kuwa quudhsiga iyo bahdilka keenaya ay tahay kuwa sidaa wax u turjumaya.
Si kastaba ha ahaatee waxaan saaxiibadayda saxaafada ka codsanayaa inay warkaasi saxaan nalana ilaaliyaan xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac ka curtay, kaasi oo sababy in kooxihii nabada diidanaa ay arrintoodii soo afjaranto.”
Blogger: hajicami.blogspot.com


 

Axmad Xasan Cawke (AHUN) uu Fara Badnaa. Kee Ayaad Taqaan?



Axmad Xasan Cawke (AHUN) uu Fara Badnaa. Kee Ayaad Taqaan? 


Waxay aheyd badhtamihii todobaatanaadkii oo markaa ay socdeen riwaayado aad dalka looga jeclaa oo heeso fiican lahaa oo ay ka Sanadihii bilowgii todobaatanaadkii waxa uu la shaqeyn jirey weriyihii weynaa ee Weli Xaaji Cali oo markaa aad can uguu ahaa tebinta ciyaaraha. Cawke markuu muddo yar wadey tebinta ciyaaraha waxa uu noqdey weriyaha loogu jecelyahay tebinta ciyaaraha.
Wakhtiyadii hore, warbaahinta keli ah ee dalka ka jirtaa waxa ay aheyd raadiyo Hargeisa iyo raadiyo Muqdisho. Labadaa idaacadood ayaa dadka madadaalin jirey warkana laga dhageysan jirey. Heesaha cusub ee soo baxa waxa laga dhageysan jirey labadaa idaacadood. Gaar ahaan waxa jirey barnaamij la odhan jirey “I Maqashii, I Madadaali” oo soo geli jirey qiyaastoo 5ta galabnimo maalin kasta. Barnaamijkaa waxa caan ka dhigay Alla ha u naxariistee Cawke iyo –


Cabdalla Nuuradiin iyo xakiimo Caalin. Waxay aheyd badhtamihii todobaatanaadkii oo markaa ay socdeen riwaayado aad dalka looga jeclaa oo heeso fiican lahaa oo ay ka mid ahaayeen “Dab Jaceyl kari Waa” “Jini iyo Jaceyl” “Habloyohow hadmaan Guursan Doontaan”. Riwaayadahaasi waxaa ay lahaayeen heeso aad u fiican oo dadku waxa ay sugi jireen barnaamijkaasi si ay u maqlaan qaar ka mida heesahaa iyo kuwa kale ee dadku xiiseeyaan. Heesaha ka sakow, waxa xiiso barnaamijkaa xiiso badan u sii yeeley, hadalada dhex taalka ah ee saddexda weriye ay ku dari jireen. Idaacadaha berigaa waxa looga bartay hadalo toosan oo aan kaftan ku jirin. Balse Cawke iyo Nuuradiin waxa ay ku soo kordhiyeen, kaftan iyo suugaan ay ku ladhaan dalaabaadka. Xakiima Caalin oo la daadihin jirtey barnaamijka, iyana wey la qabsatey oo waxa ay odhan jirtey “Cawke iyo Nuuradiinow, Culimadii jaceylkaay” bal soo daaya waxa ad manta heysaan.

Markii uu sida weyn u can baxay Alla Ha U Naxariistee Cawke, waxa ay aheyd dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya dhex marey 1977 iyo 1978. Waxa uu markaa ahaa weriye sheega warka. Waxa ay aheyd xilli Soomaalidu aad u qiireysneyd oo ay dagaal ku jirtey. Cawke oo lahaa cod aad u reen badan, afsoomaaligana aad uugu fiicnaa, kalsooni badana ka muuqato ayaa marka uu warka sheegayo lagu soo ururi jirey makhaayadaha radiyayaashu yaalaan. Ka sakow xaqiiqda warka ee uu sheegayo, waxa dadku raali ka noqon jireen sida waafiga ah ee kalsoonidu ku jirto ee uu warka u tebin jirey. Warka Cawke waxa uu qeyb weyn ka ahaa dagaalka oo waxa uu u dhigmaayey ciidanka dagaalamaya. Warka waxa uu raacin jirey halkudhegyo uu sameystey oo ay ka mid ahaayeen “Taliska Nafla Caariga ah”, “Taliska Tiisii Dhamaatay, “Taliska Maata Dooxa ah”. Wararka sidoodaba waxa soo diyaariya tafatire. Balse hadana maalinta weriye kale loo dhiibo warku macno muu yeelan jirin oo dadku waxa ay kaga kalsoonaayeen marku Cowke sheegayo oo codkiisa iyo hadalkiisa ayaa u dhigmaayey in la guuleystey. Cawke iyo Alla Ha U naxariistee Abwaan Cabdi Bashiir Indhobuur waxa ay dagaalkaa kaga soo qeyb qaatey codkooda iyo suugaantooda.

Badhtamahii sideetamaadkii oo ay aheyd xiliyadii uu soo baxay Telifishankii Soomaaliya, Cawke waxa uu noqdey weriya aragiisa lawada barto oo dalka oo dhan can ka noqdey. Waxa barnaamijyadiisa lagu xusuustaa kaftan iyo hadalo si furfuran oo niyadsami ku jirto. Ka sakow shaqada idaacadda iyo telefishanka, waxa uu Cawke ku can ahaa bulshada dhexdeeda oo aad loo xiiseyn jirey la joogistiisa iyo wehilkiisa. Xiliyadaa badhtamihii sideetamaadkii waxa soo baxday cajalad aheyd gabayadii silsiladdii “GUBA” oo ay wada duubeen Cawke iyo nin la odhan jirey Lamumbe oo taariikhyahan ahaa. Lamumbe waxa uu ahaa ninka gabayada marinaya, Cawkane wuxu ahaa ninka wareysanayaa ee la macaaneynaya sheekada. Waxa ay noqotey cajalad dalka iyo dibedaba meel kasta lagu dhageysto oo soo koobtay taariikh sanado badan soo socotey.

Inkasta oo an anigu aqaaney, hadana, sanadadii u danbeeyey ee burburkii ka hor ayaan shakhsiyan is baraney AHUN Cawke oo xiligaa uu degenaa xaafad Xamar ku taala oo la odhan jirey “Xamar Bila” dadka qaarna u yaqaaneen If iyo Aaakhiro. Muddo yar ka bacdina waxaaban noqoney isku xaafad oo hal dhisme ayaanu wada degeneyn isaga iyo reerkiisaba xaafad la odhan jirey “African Village”. Waxa guursadey oo ay reer wada sameysteen weriyadii weyneyd ee caanka aheyd Sacdiya Candilaahi Salad.

Markii danbe waxa uu Cawke noqdey weriyaha Madaxweyne Siyaad Barre (AHUN) oo uu shaqadaa hayey ilaa intii ay dawladdu burbureysey. Cawke weligii mucaarid muu noqon oo lama maqal isaga oo dawlad uu la shaqeeyey wax ka sheegaya. Hadana waxa uu ahaa shakhsi ay mucaaridka laftoodu jecelyihiin. Wixii intaa ka danbeeyey waxa uu soo marey guud ahaan dhamaan warbaahinta caanka ah ee Soomaalidu dhageysato ee ay ka midyihiin BBC-da, VoA-da, telefishanka Universal, Telefishanka Horn Cable, Telefishanka Qaranka Soomaaliland.

Maxaa lagu xasuusan karaa Cawke Alla ha U Naxariistee:

1.      Alla Ha U naxariistee Cawke waxa uu ahaa qof umadda afka Soomaaliga ku hadasha oo dhami ay jecleyd oo ay u sineyd. Xiliyadan danbe ee Soomaalidu kala yaacdey, dadka waxa lagu amaaradeystaa qabiil iyo gobolo. Balse Cawke waxa lagu amaaradeystaa inu ka taagnaa Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogto. Qofka jooga Jabuuti, iyo ka Burco jooga iyo ka Cadaado jooga iyo ka muqdisho jooga iyo ka Jigjiga joogaa mid kastaa waxa uu u heystey inu Cawke xaafadooda ama reerkooda yahay. Cawke Sida Hargeisa iyo wajaale looga jecelyahay si ka badan ayaa Muqdisho iyo Jawhar looga jecelyahay. Cawke uumuu baahneyn qabiil gaar ah, balse isaga ayaa qabiil ahaa keligii oo lagu biiri jirey. Meeshii Soomaali joogto ee uu tago isaga iskugu mid ayey aheyd oo bulsho ayuu ka dhex sameysan jirey o isagaa lagu biiri jirey.

2.      Dadku waxa ay shaqooyinka u galaan manaafacaad iyo lacag iyo mushahar, balse Cawke shaqada weriyenimadu waxa ay kaga jirtey dhiiga oo marna uugumuu jirin hunguri iyo xoolo ku yeelo. Waxan qabaa inu weli weriye uun ahaan lahaa xataa haddaan mushahar la siin. Noloshiisu waxa ay markasta qeyb ka aheyd halkii bulsho joogto.

3.      Waxa uu karti u lahaa inaan laga xiiso dhicin oo uu jiil kasta la heysto halka ay wax marayaan. Waxa uu wakhti la soo qaatay oo uu isku dhereriyey weriyayaashii waaweynaa ee caanka ahaa sida Yaasiin xaaji Ismaaciil (AHUN) iyo Cabdi Xaaji Gobdoon. Waxa uu soo wareystey abwaaniintii gobanimo doonka sida Cabdilaahi qarshe iyo Xuseen Aw Faarax. Waxa uu  soo wareystey fanaaniintii waaweyneyd sida Maxamed Saleebaan (AHUN) iyo Kuluc (AHUN). Waxa uu weriyenimadiisa halkii u sareysey ka gaadhey 40 sanadood ka hor isagoo da’diisu labaatanka uun inyar kor u dhaftey. Sidaasooy tahay, waxa uu ilaa maanta la heystey halka ay wax marayaan 2015 ka. Marka ad dhageysato wareysiga uu la yeeshey fanaanada Seynab Cige iyo sheekooyinkii dhowr iyo afartan sanadood ka hor, waxa ad moodaa iney meel kuwada noolaayeen oo ay isku jiil ahaayeen. Hadana marka ad dhageysato wareysiyada uu la yeeshey Farxiyo Fiska iyo Ikraan Caraale iyo Fu’aad Cumar Yare, waxa ad moodaa inu yahay jiilkii dhashay sagaashamaadkii sida uu uula heysto sheekada. Cawke waxa uu karti u lahaa inu 4 jiil oo Soomaali oo laga soo bilaabo 1973 ilaa 2015 uu la fal galo oo uu mid walba waayihiisa iyo xamaasadiisa yeesho.


4.      Markii dalku burburey, dadka Soomaalida ah niyad jab badan ayaa ku dhacay, waayo warka keliya ee ay dalkooda ka maqlaan waxa uu ahaa dhimasho, abaar iyo dagaalo. Barnaamijyada Cawke waxa ay dad badan oo Soomaalida ah u ahaayeen niyad dhisid oo waxa ay codkiisa iyo hadalkiisa ku xusuusan jireen wakhti hore iyo beri samaad la soo marey. Barnaamijka uu Cawke sheegayo qiimiyiisu uu libinlaabmi jirey oo shakhsiyadiisa iyo codkiisa iyo aftanimadiisa ayaa barnaamijka u yeeli jirtey qiime ka badan kuu barnaamijku leeyahay.

Ehlu Janno ayuu ahaa Axmad Xasan Cawke, waayo waxa Raali Ka Noqdey dad 10 malyuun kor u dhaafay oo umad Muslim ah oo Ilaahey ducadooda ka aqbalayo.
 Ilaahey Ha U naxariisto Axmad Xasan cawke, Inagana ha Inooga daba naxariisto. Aamiin
 Maxamed Cali Bile
Blogger:hajicami.blogspot.com

-


Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka



Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka. 


 
Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay.  Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in qoro wax ka qoro Cawke aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa…

Xaqiiqadu  waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyay.

Axmed waxaan isku barannay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.

Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya. 

Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.

Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.

Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.

Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.

Raadiye iyo Telefishin
Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo biyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon, suurta galna noqon kara in laga yeelo.

Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo Telefishin waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka la soo saarayo - war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.

Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr maalmood ama ka badan ay koox dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeystaha iyo daawadaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.

Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.

Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.

Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.

Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.


Hibo Allah

Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.

Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.

Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.

Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.

Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaaliga. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.

Dabeecad-wanaag
Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.

Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).

Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.

Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.

Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.

Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.

Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.

Muqdisho
Dad badan ayaa shalay iyo xaly iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu yiri.

Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.

Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay Facebook. In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794  waxaana share gareeyay 432.

Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuur la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan. 

W/Q: Yusuf Garaad Ahmed
Blogger: hajicami.Blogspot.com



Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...