Skip to main content

Posts

Showing posts from December 5, 2015

Musharax Muse Biixi Oo Reer Abtigii U Muujiyeen Taageero yo Xaalmarintii Suldaanka Guud.

Musharax Muse Biixi Oo Reer Abtigii U Muujiyeen Taageero yo Xaalmarintii Suldaanka Guud.   Hargeysa (Horseednews.com) Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Casuumad casho sharaf la isku arkay ah loogu sameeyey huteelka Star ee degmada Maxamuud Haybe ee koonfurta magaalada Hargeysa xalay. Casuumaddan oo uu sameeyey Gancsade Cismaan Cabdi Xasan oo ah mulkiilaha shirkadaha ganacsiga Star Group, waxa ka qayb-galay madax-dhaqameed uu horkacayey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, wasiirro, agaasimayaal iyo maareeyayaal ka tirsan madaxda xukuumadda, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo dhammaantood ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), kuwaas oo soo dhawayn iyo bogaadin ku qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE loogu doortay dhawaan. Oday Aabi Xujaale oo ku hadlayey afka ganacsade Cismaan Cabdi Xasan, ayaa uga mahadceliyey murrash