Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015ka) Boobe Yuusuf Ducaale (Q.2aad)
Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii
Makrifoonka (1948kii – 2015ka) Boobe Yuusuf Ducaale (Q.2aad)
Hargeysa, 22/11/2015ka
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –
cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Axmed Xasan Suufi-cilmi oo loo
yaqaannay Axmed Xasan-cawke ama Ina Xasan-cawke wuxu ku dhashay magaalada
Tog-wajaale 1948kii. Da’diisa ma aan sugin oo qoraal kuma aan helin, bal se
waxaan ka dhaqaaqay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku dugsi iyo fasalba ahaayeen.
Hooyadii waxay ahayd Caasha Aw Faarax Xirsi Mixille. Gabadh keliya ayay Axmed
wada dhasheen oo ah Caneb.
Axmed wuxu dugsiyadii hoose/dhexe ku
soo qaatay magaalada Tog-wajaale. Dugsigiisii Sare wuxu ku soo qaatay Cammuud,
waxaanu dhammaystay 1970kii. Ka-dib wuxu ka bilaabay magaalada Gebilay
shaqadiisii qaran. Halkaas ayaan ku bartay 1972kii. Aqoon badan uma aan lahayn.
Axmed Xasan-cawke fadhi aan la fadhiisto oo aan sheeko la wadaago waxay ii
ahayd maalmo ku jiray 2008kii, xilliyadii lagu jiray diiwaan-gelintii
cod-bixiyayaasha. Inta badan waayo kala geddisan iyo meelo kala duwan ayaanu ku
noolayn oo na kala qariyay.
Sannadkii 1973kii ayuu ka mid noqday
dhallinyaro imtixaan lagu tartamayay u gashay Radio Muqdisho. Waxa tartamayay
17 dhallinyaro ah oo dugsiyada sare ka soo baxay shaqadii Qarankana
dhammaystay. Waxa imtixaankaa ku gulaystay: Yoonis Cali Nuur, Cabdi Idiris
Ducaale, Aadan Nuux Dhuule, Maxamuud Sheekh Dalmar, Axmed Xasan-cawke, Maxamed
Cali Carraale iyo Maxamed Xasan (Terra). Beryaha qaar ayaa saami-qaybsigu
sidaas iska ahaa. Heerkii beryahaa la taagnaa dhallinyaradan la qaatayba waxay
wada ahaayeen reer woqooyi marka laga reebo Maxamed Xasan (Terra).
Markii barbaartas loo qaatay Radio
Muqdisho ee ay imtixaankii ka gudbeen, waxay halkaa ugu tageen ruug-caddaa aan
odhan karo waxay ahaayeen Raacii 2aad ee weriyayaasha Soomaaliyeed oo iyaga
qudhoodu ahaa intii ka soo aflaxday Radio Hargeysa oo ahaa Raadyowgii ugu
horreeyay ee Soomaaliyeed oo la furay 1941kii. Idaacadaha kale marka aad
dhaafto Laanta BBC-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu 16 sannadood ka weyn
yahay ama ka horreeyayba.
Aan sheekadeennii Ina Xasan-cawke ku
soo noqdo e’ isaga iyo colkii la wada qaatay ayaa tababarro iyo carbis lagu
bilaabay. Waxa u bilaabay Raacaa 2aad oo ay ka mid ahaayeen: Mustafe Xaaji
Nuur, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Siciid Caddaani, Mijir Qaaddi-Maxamud,
Idiris Xasan Diirye, Weli Xaaji Cali iyo Idiris Cigaal Nuur. Raacii ugu
horreeyay ee weriyayaasha waxaynu ka xusi karaynaa Xaaji Cabdi Ayuub oo ahaa
qofkii soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee BBC-da ka hadla, kuna furay “Halkani
waa BBC oo idin bariidin.” Marka aynu si gaar ah ula baxno Axmed
Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha warka sheega kuwa ugu fiican xagga
tebinta iyo codkaba. Waxa intaa u raacayay xidhiidhsanaanta hadalka aan joogsiga
iyo ku-margashada lahayn. Wuxu kaga tegay doobtii xariirta ahayd ee codka lab
ee dheg-raaricinta leh dhegaystayaasha gaadhsiinaysay. Mararka warka la
sheegayo dadka qaar ayaad mooddaa in ay iyagu isu warramayan, Axmed Xasan-cawke
se waa uu ka duwanaa oo wuxu u warrami jiray dhegaystayaasha xiisaha u qabay
qulqulkii weedhaha toolmoon ee sida webiyada cartama danankooda iyo reenkooda
lagu raaxaysanayay.
Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday
weriyayaasha ugu fiican xagga tebinta ciyaaraha oo aan filayo in uu kaga deyday
Weli Xaaji Cali oo cod degdeg ah oo cagta ama gacanta kubbadda wadata la
xawliya ku gudbin jiray wararka ciyaaraha. Waxaan Dugsiga Sare ee Benaadir oo
Muqdisho ku yaalla ku jiray 1964kii – 1968kii. Garoon kubbadeed ayaa dugsiga
noogu yaallay oo aanu galbaha qaar kubbad ku ciyaari jirnay. Waxaan xusuustaa
in uu noo iman jiray Weli Xaaji Cali oo rikoodh UHR ah sitaa oo kuwii
cajaladaha waaweynaa ah. Halkaas ayuu annaga oo ciyaarayna ku baran jiray sida
ciyaaraha wararkooda loo gudbiyo. Mararka qaarkood carruurta daawnaysa ayuu
urursan jiray oo ku odhan jiran qaylo iyo sawaxan sameeya oo uu ka duubi jiray.
Weli Xaaji Cali waa ninkii ciyaarihii gobollada oo la ciyaarayo oo ay isku
haleeleen koox reer woqooyi ah iyo mid reer koonfureed ahi inta uu is-illoobay
yidhi: “Innaga aya wadanna.”
Axmed Xasan-cawke dabeecadihii uu
lahaa qaarkood wuxu ka watay ama ka raacayba aabbihii Xasan-cawke oo nin
ballaadhan ahaa. Wuxu aabbihii ka mid ahaa mudankii ganacsatada magaalada
Tog-wajaale. Wuxu aabbihii dhaqan iyo caadaba u lahaa in aanu dadka u kala
qaybin reero iyo haybta ay ka soo jeedaan bal se uu magaalo ahaan u mideeyo.
Wuxu aad iyo aad isugu deyi jiray in uu waayaha magaalada si fiican xogxogaal
ugu noqdo magaceedana ilaaliyo.
Xasan-cawke waxa ceeb ku ahayd in ay
dadka reer miyiga ah ee badeecadaha keenaa dib ula noqdaan mararka laga iibsan
waayo. Shaqaalihiisa ayuu u diri jiray oo uu ku odhan jiray yaan badeecad
magaalada la keenay dib reerihii loogu celin oo aan la odhan Wajaale waxba
laguma iibsado. Sidaas ayuu kula wareegi jiray dhuxusha iyo xaabada la iibsan
waayo si uu magaca iyo milgaha magaalada u ilaaliyo. Xasan-cawke ayaa beri wiil
malaha shaqo loo doonayay loo keenay. Baristii wiilka la barayay ayaa lagu
yidhi: “Waa wiil fiican oo Reer Jigjiga ah.” Xasan-cawkena maalintaa wuxu
reebay odhahhda ah: “Waa Reer Jigjiga iyo waa wiil fiican kala daaya.” Waxaan
ka guntay inahaas Xasan-cawke ku saabsan muddaakaraat uu beryaha qaar noo marin
jiray Xasan Warsame Seed oo aad u yaqaannay lana soo noolaa muddo dheeri.
Xagga nolosha qoysnimo Axmed Xasan-cawke laba jeer ayuu guursaday. Wuxu ku
horreeyay Caasha Daahir oo u dhashay Maxamed iyo Farax. Markii uu London u
digo-rogtay wuxu guursaday Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo u dhashay: Xasan,
Caneb iyo Sakariye. Dhammaantood waa ay nool yihiin. (La soco berri, haddii
Eebbe idmo)
Blogger:hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Comments
Post a Comment