Sunday, 17 January 2016

BEESHAYADA OO DHAMI HADDII AY U FOOTAYSO CIRRO, XISAABTA ILMAADEERNIMADU MA SOO SAARI KARTO EE WAXA UU U BAAHAN YAHAY CODKA BEELLAHA KALE EE JSL”

BEESHAYADA OO DHAMI HADDII AY U FOOTAYSO CIRRO, XISAABTA ILMAADEERNIMADU MA SOO SAARI KARTO EE WAXA UU U BAAHAN YAHAY CODKA BEELLAHA KALE EE JSL”

KULMIYE Dhexdiisa Mar Baa Jirtay La Igu Odhan Jiray Beeshaadu Waa Wada UDUB, Haddana Waa La Ogaa Codkii Aanu Helnay”
“Wasiirka Qudha Ee Sheegan Kara Ayaan Ahay Ceerigaabo, Sool, Burco, Oodweyne Iyo Hargeysa Oo Aan Yaraantaydii Ku Koray”
“Kaadirka Xisbiga Ah Si Sharaf Leh Ayaanu U Soo Dhawaynaynaa Laakiin Waxaan reer KULMIYE Leeyahay Berbera Miyuu Baraf Ka Di’i?….Wax Is Bahaysi La Yidhaahdaana Ma Jiro’e Waxaa Jira….”
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa ka warramay amuuro kala duwan oo ra’yul-caamka bulshadu wax iska weydiinayo oo ku saabsan aragtiyaha siyaasadeed ee ay kala aaminsan yihiin hogaanka xisbiga KULMIYE iyo garabka ka fallaagoobay xisbigu ee dibadmeerka ah, kuwaasi oo ku andacoonaya in aanay aaminsanayn natiijadii ka soo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbigu ku qabsaday Hargeysa horaantii November ee kal hore,iyaga oo garabkani ku doodaya in dib loogu noqdo midhihii shirkaas, doodaas oo wasiirku ku tilmaamay kuwo aan haba yaraatee qiil loo helayn, isaga oo calaacal timo ka soo baxaan ku sifeeyey. Sidoo kale waxaa uu wasiir Caddaani ka hadlay su’aallo la iska weydiiyo kalsoonida uu shakhsi ahaaan ku qabo taageero uu xisbigiisu ka helo beesha uu ka soo jeedo, maadaama oo cod iyo cududba ay beeshaasi u janjeedho dhinaca xisbil-mucaaridka uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha WADDANI. Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanba waxaa uu Wasiirka duulista hawaddu kaga jawaabay Waraysi isku dhafan oo uu siiyey barnaamijka toddobaadlaha ah ee Milicsiga Siyaasiga ee Weriye Feysal Maxamed Cabdi (Fadh-fhadle) ka baahiyo telefishanka Universal.
Waraysigaas ayaa wargeyska HUBAAL kasoo xigtay waslado kamid ah su’aalo iyo jawaabo is-dhamaystiraya kuwaas oo u badnaa kuwo ka turjumaya wacyigan siyaasadeed ee lagu jiro iyo kuwo la filayo in timaadada ay yimaadaan, waxaa kamid ahayd su’aal u dhignayd sidan: “Berigii dhawayd ee shirweynihii aaad baad uga dhex muuqatay gaar ahaan garabka Muuse Biixia, markaa qolooyinka isbahaysigu waxaa ay sheegayaan in aanay xisbigii ka go’in ee ay weli KULMIYE yihiin, laakiin ay doonayaan in doorashadii musharraxiinta xisbiga [ee lagu doortay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE] dib loogu celiyo, aragtidaas sidee ayaad adigu [Wasiir Caddaani ahaan] u arki lahayd?”. Ayuu Weriye Feysal Fadh-fadhle weydiiyey wasiirka duulista hawada, waxaana isaga oo Mr. Caddaan aad u qoslaya ku jwaabay, tiraab sarbeeban oo nuxurkeedu yahay inaanay marnaba suurto gelayn dib u doorashada musharraxiinta ee ay xubnahani ku andacoonayaan, waxaana uu yidhi “ Berbera miyuu Baraf ka di’i?. Cimillada adduunku waxaa ay inna tusaysaa in aanu baraf ka da’ayn Berbera oo ay tahay meel xeeb ah oo weligeed ay kulaylkaas ahaanayso oo hawadeedu aanay is bedelayn marka laga reebo intaas yar ee aynu ku qabawno ee aynu nidhaahno hawadii baa soo dhacday” sidaa ayuu yidhi wasiir Caddaani waxaana isaga oo sii tafsiiraya duurxulkiisa uu yidhi, “runtii waa wax lala yaabo [doodda Isbahaysigu]. Walaallahayga aanu isku xisbiga ahayn, ragna aanu isku wasiirrada ahayn, qaarna ay xildhibaannadii xisbiga ahaayeen, iyo kuwo kaadirkii xisbiga ahaaba. Waxaan leeyahay annagu ninkii xisbiga soo galaya loo diidi maayo waa xisbigiisii, si sharaf iyo qadarin lehna waanu u soo dhawaynaynaa, laakiin mid baan kaa ballanqaadayaa, [kaasi oo ah] inaanu shir dembe dhacayn, aduunyadana kama dhacdo, Jamhuuriyadda Somaliland-na ka dhici mayso, xisbigii KULMIYe Shirkiisii wuu qabsaday , shirguddoonkii iyo musharraxiintii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka baa lagu doortay . markaa waqtigeeda mooyee ragga doonaya in mar kale la qabto waa wax aan suurto galayn. Waxaanan leeyahay dadweynaha reer KULMIYe ee JSL ku nool wax is bahaysi la yidhaahdaa ma jiree KULMIYE waa Mid qudha, laba garabna ma jiraane waa garab qudha, garabkaasina waa ka halkaas isku doortay ee musharraxnimada u diyaar ah, waana kaas maanta horumarka Somaliland iyo guushaba gaadhsiiyey”.
Mar La weydiiyey Wasiir Su’aal kaftan u dhigan oo nuxurkeedu daarnaa kalsoonida uu wasiir ahaan ka haysto beesha uu kasoo jeedo maadaama oo musharraxa xisbiga WADDANI ahna ra’iisal baarlamaanka dalk a ay isku beel yihiin, halkaasna loollan adagi ka soo waajihi karo dhinaca ololaha iyo codadkaba, markaas maadaama oo aad adiguna ka tirsan tahay KULMIYE, maxaad ka odhanaysaa aragtida odhanaysa in taageeradii aad beesha ka heli lahayd ay yartay. Su’aashaas waxaa uu Wasiirka duulistu kaga jawaabay; “anigu maanta maalin aan ka taageero badannahay ma jirto, hadalkaas oo kalena wuu i soo maray oo mar baa jirtay xisbiga KULMIYE dhexdiisa la igu odhan jiray, beeshaadu UDUB bey wada tahay, hadanna cod badan baanu ka helnay berigaas, maantana in codkii berigaas aan beeshayda ka badsado mooyee ka yaraan meyno. Markaa waxaan leeyahay guddomiyaha Baarlamaanka oo aan Ixtiraam u hayo miidaanku wuu innoo furan yahay labadeennaba, xisaabta ilmaadeernimaduna waxaa ay tahay haddii beeshayada oo dhami aanu Cirro u footayno, dee ma soo saari karno oo Beellihii kale ee Somaliland oo dhan ayuu u baahan yahay, markaa dee horta beeshayada yaanu kula habsaamin ee ha ogaado in codku yaallo beellaha kale”. “ Mida kale anigu waxaan ahay Nin ballaadhan wasiirka qudha ee sheegan kara ayaan ahay Ceerigaabo, Burco, Sool, Daad-madheedh illaa Hargeysa oo aan yaraanteydii ku koray, markaa anigu ma ahi qof isku koobaya qoys qoys yar oo loo fadhiyee waan ka ballaadhannahay, Marka laga yimaado taasi, haddii aan kuu soo qaado Ceerigaabo kalsoonida aan kahaysto, maxaad u malayn iyadii oo maanta Loo Sameeyey Wadadii, Dekeddii Meydh uu Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay, Dugsigii caanka ahaa ee Dayaxa laftiisana la dhisay, dhakhtarkii Ceerigaabana saddex milyan oo Dollar lagu sameeyey, riigagiina meelo badan laga furay, dee Ceerigaabo way garanayaan Foodku meesha uu yaallo iyo xisbiga horumarkaas keenay, reer Togdheer, reer Sool iyo reer oodweyneba way garanayaan halka horumarku yaallo, markaa anigu waxaan maanta qabaa oo aan ku niyad samay oo aan haba yaraatee shaki igaga jirin in anigoo ku faanaya xisbiga KULMIYE gobol-alla-gobolka aan Somaliland tago aan foodka ka helayo. Inaadeerkay Cirrana waxaa uu leeyahay record [sooyaal], kaasi ayaana lagula xisaabtamayaa baarlamaanka intii uu joogay wixii uu qabtay.





XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”


-Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta.
Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay.
guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer.

waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey.
” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii aad i siiseen doorashadii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, oo ay xubnihii idiinku jiray codkooda i siiyeen, dhamaan reer togdheer waan idiinka mahad naqayaa”- ” golihii dhexe codkii way i siiyeen markaa waxay ka dhigantahay way ii codeeyeen reer togdheer oo dhami” ayuu sheegay Muuse.
Muuse Biixi Cabdi ayaa intaasi raaciyey “Dhalinyarooy soddon sannadood ka hor ayaa anigoo idinka idin leeg aan is barbar taagay Madaxweyne Siilaanyo markii uu ka soo horjeestay Siyaad barre, sidii ayaan u barbar taagnaa, maantana waakaas iskay barbar taagay ee Murrashaxa Madaxweyne ii doortay ee gacanta ii taagay. siyaasaddu markay mabda’ leedahay waa sidaas”.
isagoo sharraxaad ka bixinayey sooyaalkii Dhalinyarada reer Burco  iyo kaalintii ay xisbiga ku lahaayeen wuxuu yidhi ” Cali Mareexaan isagoo idinka idin leeg ayuu Xisbiga Kulmiye burco kaga biiray, wuxuu noqday Guddoomiye Gobol, maantana waa wasiir, waxa u hadhay waa madaxweyne, haddii uu tahriibi lahaa sidii qayrkii muu soo gaadheen halka. wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii aanu lahayn UDUB way tegaysaaye ha tahriibin walal, Xinif kuwaasuu ka mid ahaa Xirsi-gaa Maanta Siyaasiga weyn noqday dhalinyaradii markaa joogtaybuu ka mid ahaa, markaa haddaad xisbigaaga aaminto sidaasaa madax loogu noqdaa, oo magac iyo maamuus loogu helaa” ayuu Muuse Biixi yidhi.
Socdaalka Muuse Biixi Cabdi ku tegay Gobolka Togdheer, ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ugu baxo Gobollada dalka tan iyo markii loo doortay Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, waxaana ku wehelinaya ku-xigeenka iyo xubno kamida Gollaha Wasiirrada iyo Goleyaasha kale ee dawladda.






Wednesday, 13 January 2016

Obama Oo Khudbadii Ugu Dambeysay Jeediyey WASHINGTON DC—

Obama Oo Khudbadii Ugu Dambeysay Jeediyey

WASHINGTON DC—
Isaga oo jeediyey khudabaddiisii toddobaad ee qaranka, ahaydna tiisii ugu dambeysay, ayaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu ku faanay guulihii uu gaaray, waxaana uu diiradda saaray mustaqbalka.
Obama oo hortaagan xubnaha congress-ka Mareykanka, ayaa u muquday nin degan, oo niyadsan, wuxuuna tusmeeyey baahida loo qabo in Mareykanka uu ka bogsoodo siyaaasadda sida qotoada dheer u kala qeybisay Mareykanka.
Obama waxa uu sidoo kale mararka qaar si aad ah u dhaleeceynayey xubnaha Jamhuuriga ee u baratamaya sidii ay isaga ugala wareegi lahaayeen xafiiska.
Waxa uu si gaar ah u dhaliilay “Siyaasadda dadka ku beegsatay sababo la xiriira jinsigooda iyo diintooda”, hadalkaas oo loo arkay inuu ku weeraray Donald Trump oo doonaya in muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka.

“Marka siyaasiyiintu ay aflagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la weeraro, ama ciyaalka la harowsado, taasi nagama dhigeyso ammaan, waana qalad” Ayuu yiri madaxweyne Obama.
Obama waxa uu sidoo kale kuwa isaga kasoo horjeeda ku weeraray arrimaha dhaqaalaha, isaga oo leh “Qof kasta oo ku doodaya in dhaqaalaha Mareykanka uu hoos u dhacayo, waa qof ku sugan xaalad qiyaaali ah”.
Isaga oo ka hadlayey arrimaha dibedda, Obama waxa uu qiray halista kooxaha argagixisada ah, sida Daacish oo caalamka ka fulisay weeraro badan oo dhimasho leh. Hase yeeshee waxa uu sheegay in xagjiriinta Islaamiga ah aysan halis ku ahayn jiritaanka caalamka, isaga oo u digay kuwa ornaya in dagaalkii saddexaad ee dunida uu soo socdo.
Obama ayaa xafiiska ka tagaya bisha January ee 2017, ayada oo Mareykanka uu dooranayo madaxweyne cusub bisha November ee 2016.

Monday, 11 January 2016

Khudbadda Madaxweynaha JSL ee Labada Gole; Isniin, 11. 01. 2016

Khudbadda Madaxweynaha JSL ee Labada Gole;
Isniin, 11. 01. 2016
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,
“Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu”
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 6aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda oo aan ka hor jeediyo khudbad sannadeedka Dastuuriga ah. Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa marag ma doon ah in Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo.
Ma jecli in aan maanta xoog saaro, ama aan khudbaddayda kaga war-bixiyo waxyaalihii inoo qabsoomay sannadihii tagay iyo wax-qabadka 2016-ka. Hase yeeshee, waxaan jecelahay in aan kaga hadlo arrimo muhiim ah oo saamayn ku leh nolosha Bulshada Somaliland, kuwaas oo kala ah:
1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
2. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
3. Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.
4. Qiima-dhaca Shillinka Somaliland.
5. Adkaynta Nabadgelyada.
6. Maamul Wanaagga.
7. Garsoorka iyo Cadaaladda.
1. Siyaasadda Arrimaha Dibadda
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaannu dedaal dheer u galnay Taabo-gelinta Magac Wanaajinta iyo Madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Muddadii aan qarankan hogaaminayey, waxaa xoogaystay xidhiidhka aynu la leenahay Dawladaha Dariska, Wadamada Carabta, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Waxaad ka wada dharagsantihiin in Golayaasha Deegaanka ee Sheffield, Cardiff, iyo Tower Hamlet, sadexduba u gudbiyeen Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland, talaabadani waa guul aynu Qaran ahaan wada gaadhnay.
Waxaa milgo iyo maamuus inaga mudan mudanayaashii mashruucaa meel mariyey iyo jaaliyadaha Reer Somaliland ee mudada dheer arrintan gacanta weyn ka geystay kana midho dhaliyey. Xukuumadayda waxaa ka go’an inay Beesha Caalamka la yeelato xidhiidh wanaagsan, gaar ahaanna Dalalka aynu saaxiibada iyo dariska nahay ee Ethiopia iyo Jabuuti, xoojinno xidhiidhka wada-shaqayneed, iskana kaashanno adkaynta Nabad-gelyada, La-dagaalanka Budhcad-badeeda, Argagixisada, Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo isu socodka Bulshada.
Sannadkan cusub ee bilowga ah waxaa noo qorshaysan idam Eebe in aanu laban laabno dedaalka, isla markaana aanu xaqiijino talaabooyinka hoos ku xusan:-
1) Waxaannu dardar gelinaynaa dedaalka ictiraaf raadinta loogu jiro, si looga midho dhaliyo guul wax ku ool ahna dhakhso looga gaadho, waxaan magacaabayaa guddi ka shaqaysa arrimaha ictiraaf raadinta.
2) Waxaannu abaabulaynaa qurbo-jooga Somaliland ee ku firidhsan dunida dacalladeeda, kuwaas oo ah xoog dihin oo dalkan u maqan.
3) Waxaannu Qadiyadda Somaliland gaadhsiin doonaa Maxkamadaha iyo Hay'adaha Gorsoorka Caalamiga ah.
4) Waxaannu tayeynaynaa isla markaana dib u qiimayn joogto ah ku samayn doonnaa xafiisyada iyo wakiillada Somaliland u fadhiya Dalalka dibadda, si ay door weyn uga qaataan hawlaha ictiraaf raadinta.
5) Waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa Bulshada Somaliland gudo iyo dibad, in ay si weyn u muujiyaan dareen kooda ku aadan Xuska Sannad Guurada 25aad 18-ka May 2016-ka ee Madaxbanaanida Somaliland.
Waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas.
Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan.
2. Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaannu dardargelinaynaa ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaan ku baaqayaa in gogosha la balaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan. Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaalada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka. Hasayeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka.
Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas'uul ah madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan).
Waxaannu la soconaa in Madaxda Dawladda Soomaaliya ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada jirka Qarankan. Waxaannu ognahay in ay soo abaabuleen kooxo ay ugu talo-galeen inay khal-khal geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana carqaladeeyaan Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.
Haddaba, Xaafadi waxay xaafad kale ugu wareegtaa waa xasarad. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Dalka Soomaaliya inay xil iska saaraan xal u helida dhibaatooyinka hadheeyey dhulkooda. Waxaan leeyahay u dulqaadan mayno farogelinta aad ku haysaan ciidayada iyo calankayaga. Cidina kuma xad gudbi karto xaqa aayo-ka tashiga dadkayga iyo xurmada madax bannaanida dalkayga. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, diyaarna waxaannu u nahay in aannu dhiig u daadino dhulkayaga hooyo.
Caqli xumo, colaad sokeeye iyo cadaalad daro, waa wixii Soomaali kala irdheeyey, ee aramida iyo utunta dhex dhigay. Waxaan ahay Oday Soomaaliyeed oo waayo-arag ah. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in maslaxadda iyo danta Ummad Weynta Somaliyeed ee ku dhaqan geeska Africa, ay ku jirto in ay ku wada noolaato nabad iyo niyad sami. Hore ayaa loo yidhi “Belo daaman la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto maleh’’. Haddaba, waxaan ka digayaa in dib loo huriyo colaadihii laga soo doogay, dadkana dhibaato la dhex-dhigo.
Walaalayaal, mar kale waxaan ku celinayaa kala tagnay ee aan kala turxaan la,aanno. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa ‘’intaanad Geedka iman Baa Gartaada La Naqsadaa’’. Annaga gartayadu way noo cadahay sida cadceeda oo caad nagama saarna, diyaarna waxaannu u nahay gole kasta oo caalami ah oo xaajadayada lagu gorfaynayo.
Mar labaad waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka islaamka iyo dhamaan Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-
1) Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 june, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii july dalkii Soomaaliya oo talyaanigu gumaysan jiray.
2) Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.
3) Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeedadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
4) Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.
Sidoo kale, Kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map)-ka ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
5) Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
6) Shacbiga Somaliland waxay May, 2001-kii kalsooni cod buuxa 97% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland iyo Qadiyada Gooni-isu-taaga dalka.
Arimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.
3. Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxay xukuumadaydu xaqiijisay taariikhda dalkan markii ugu horaysay, in la sameeyo diiwaangelin u gaar ah Aqoonsiga iyo Sugidda Dhalashada Muwaadinka Somaliland. Diiwaangelinta oo ahayd mashruuc Qaran oo culus ma jirin cid inaga caawisay gebi-ahaanba, dhammaan dhaqaalihii ku baxay waxaa bixisay Dawladda. Waxaa sharaf ii ah in aan maanta idiinku bushaareeyo in aynu ku guuleysanay farsamo ahaan iyo tayo ahaanba sidii loo diiwaan gelin lahaa Muwaadiniinta Somaliland 70%.
Diiwaan-gelinta Muwaadinku waa mid ka duwan Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo wakhti kooban loogu talo galay inay socoto, halka diiwaan-gelinta muwaadinku ay si joogto ah u socon doonto. Waxaa hubaal ah in uu taabogalay mashruucani tayo ahaan, maadaama uu meesha ka saaray in qof muwaadin ahi laba jeer uu is diiwaan gelin karo.
Dhinaca kale, waxaa bishan 16-keeda Gobolka Togdheer ka bilaabmaysa diiwaan gelintii cod bixiyaasha oo ay maamulayaan Gudida Doorashooyinka Qaranku. Waxaan ugu baaqayaa shacbi weynaha Somaliland in ay dhamaan ka qayb qaataan Diiwaangelinta Codbixiyaasha, iyada oo tii horena la bar bar wadi doono si loo qabyo tiro.
Waxaan ahay maanta Madaxweyne aan murashax ahayn, inta ka hadhay muddo xileedkayga, waxaa iga go’an:
• in aan dalkan u horseedo horumar, haybadiisana aan kor u qaado.
• in aan ka tago dhaxal aan duugoobin iyo dhito aan go’in.
• in aan suurto geliyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah, taas oo ku qabsoonta xiligii loogu talo galay eebe idamkii.
• Waxaan Guddida Doorashooyinka Qaranka kula dardaarmayaa in ay xilka culus ee ay hayaan u gutaan si dedaal iyo daacadnimo leh, isla markaana dhex u noqdaan musharixiinta.
Sidoo kalena, waxaan ku boorinayaa Madaxda Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan ragga hunguriga ka qaba hoggaaminta dalka in ay muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo tartan aan turxaan lahayn.
4. Qiima Dhaca Iyo Isticmaalka Shillinka Somaliland
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go’an in ay xaqiijiso arrimahan:
1) Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.
Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.
2) Waxaa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin.
3) Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.
4) Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeega Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.
5) Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah in aanu go’aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.
6) Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka.
7) Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.
8) Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.
9) Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas'uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho.
Arrintani waxay ka hortag iyo xal waara u tahay in aanay suuqyada hafin lacago dheeraad ku ah Shillinka Somaliland, taas oo aan dawladda dakhli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan.
5. Adkaynta Nabedgelyada
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Nabadgelyadu waa Saldhiga iyo Aasaaska Nolosha Aadamaha, la’aanteedna qaran ma gaadhi karo horumarka iyo himilooyinka uu higsanayo. Ilaahay mahadii maanta waxaynu nahay qaran nabad ku caano maalay, deganaanshana ku caan baxay. Hasayeeshee, taa macnaheedu ma’aha in aynu ka nabaadino xidhannahay xeeladaha iyo xasilooni darida ay ka wadaan kooxaha argagixsada ahi dalalka geeska Afrika.
Haddaba, xukuumad ahaan anagoo ka duulayna xaaladaha amniga mandaqada, isla markaana mudnaanta siinayna xoojinta xasiloonida qaranka, adkeynta iyo ilaalinta xuduudaha dalka (cir, bad iyo beri), waxaannu 24-kii December, 2015-kii qaadanay meelmarinta talaabooyinkan adag ee ku wajahan arrimahan soo socda:-
1) Qaabka safarada iyo isu socodka loogu kala gooshayo Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya.
2) Dadka ajaanibka ah ee dalka sharci darada ku jooga ama ku degan.
3) Dadka shisheeyaha ah ee dalka sida sharci darada ah kaga shaqaysta.
4) Qulqulka tahriibayaasha dalka sharci darrada ku soo galaya ama dalkeena sii dhexmaraya.
5) Waxaa kale oo si rasmi ah aannu u mamnuucnay in ay macaamiishooda u adeegaan goobaha ganacsigu, sida Huteellada la seexdo, Macradada Baabuurta iyo Shirkadaha Telefoonada, ilaa ay si buuxda u hubiyaan aqoonsigiisa.
Waxaan Shacbiga Somaliland ku adkaynayaa in ay ka feejignaadaan, indho dheerna u yeeshaan cid kasta oo cadow ku ah nabad gelyadooda, isla markaana u hogaansamaan meelmarinta go’aamadan cusub. Intaas oo keli ah kuma eka qorshaha adkeynta amniga qaranku, ee waxaannu kor u qaadaynaa tayada, tirada iyo tababarada Ciidamada Qaranka (Milateriga iyo Booliska). Waxaannu qaadnay talaabooyin ciidamada niyada loogu dhisayo, sida gunooyin loo kordhiyey iyo dib u sixid lagu sameeyey cabatinkii darajooyinka ka soo baxay.
Waxaynu nahay dad muslimiin ah oo ay waajib ku tahay inay ilaashadaan diintooda wanaagsan. Xukuumadaydu waxay Culimada kala shaqaynaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa fahamka saxda ah ee diinta islaamka. Hase yeeshee, waxaanu ka soo hor-jeednaa aragtiyaha khaldan ee amnigeena khatarta ku ah, sida xag-jirnimada, takfiirka iyo mad-habka shiicada lagu fidinayo.
Waxaan Culimo Aw Diinka Somaliland ugu baaqayaa, gaar ahaan inta gacanta ku haysa madaarista, masaajida iyo goobaha kale ee cibaadada, inay dhallinyarada ka waaniyaan afkaaraha khaldan ee aan waafaqsanayn caqiidadeena suuban. Mar labaad waxaan Bulshada ugu baaqayaa in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Ciidammada ku hawlan Adkaynta Amniga.
6. Maamul Wanaagga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Musuq-maasuqa iyo Maamul Xumidu waa musiibooyinka ugu waaweyn ee ragaadiya Horumarka, Himilooyinka, Hannaanka Dawladnimo ee qaran higsanayo.
Sidaa darteed, xukuumadaydu waxay dagaal adag oo joogto ah kula jirtaa sidii dalka looga dabargoyn lahaa musaqa iyo maamul-xumida. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaridka, waxaan ka maqlaa, iyagoo maamulkayga ku eedaynaya arrimahaas.
Waxaan aaminsanahay in hadaladaasi yihiin dacaayado iyo deelqaaf cadaaladda ka durugsan, isla markaana aan xaqiiqo ku dhisnayn.
Hanti la dhaco, iyo ummad la kala hayb sooco waa calaamadaha ay caanka ku yihiin hogaamiyayaasha aan hamiga fog lahayni.
Tan iyo intii aan hanaqaaday waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl Qaran.
Cimrigay habeen calooshayda ma gelin, in aan ku danaysto xilka aan ummadda u hayo, ama danta guud ka horumariyo mid ii gaar ah. Anigu tuug ma ihi oo waad i taqaanaan. Haddaba, waxaan leeyahay nimaan tuug ahayni, tuug ma kaashado.
Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha runta ah ee maamulkayga ka dhanka ah. Waxaan soo dhaweynayaa talooyinka iyo tilmaamaha togan ee wax lagu toosinayo.
Mudadii 65 bilood ee aan Qaranka hogaaminayey, waxaan ku guulaystay arrimahan soo socda:-
1. Wuxuu maamulkaygu xaqiijiyey in dakhliyadii gaarka loo qaadi jiray ama loo maamuli jiray uu ku soo daro khasnada Qaranka, waxaa ka mida lacagta adag ee ka soo hoyata Xoolaha Nool, Haamaha Shiidaalka, iyo Dekeda.
2. Dawladdu waxay xaq sharci u leedahay in ay iibiso Dhulka iyo Hantida Ummadda haddii loo baahdo, sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad.
Sidaa darteed, waxaannu iibinay Guryo gaboobay oo ka baxay gacanta dawladda, kuwaas oo ganacsato la wareegtay:-
B. Guryahaa waxaa loo iibiyey sifo sharciga waafaqsan, dhammaan lacagta ka soo xarootay waxay ku dhacday khasnadda dawladda, waxaana lagu daray Miisaaniyaddaha Qaranka (dakhli iyo kharash).
T. Odoroska Dakhliga ee iibka Guryaha sida ku cad Miisaaniyaddu waa 36 Billion Somaliland Shillin (6 Million oo Dollar), taas oo u dhiganta 2.96% Miisaaniyadda Qaranka.
Dhismayaasha cusub ee aannu fulin doono waxa ku baxaya kharash dhan 95 Billion oo Shillin.
Waxa kale oo dayactirka iyo dib-u-dhiska hantida qaranka ku baxaya 13 Billion oo Shillin, isugaynta guud ee madax-xigaha kharashka dhismayaashu waa 108 Billion oo Shilling (18 Million oo Dollar) taas oo u dhiganta 8.8% kharashka guud ee Miisaaniyadda 2016.
Haddaba, marka la is barbar dhigo dakhliga ka soo xaroonaya hantida Guryaha la iibinayo iyo kharashka dhismayaasha cusub iyo dayactirka kuwii hore, waxay dhismayaasha cusubi ka badan yihiin 72 Billion oo Shilling.
3. Waxaan sameeyey hay'ad ka shaqaysa Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Masuq-Maasuqa oo haatan dhamaystiran.
4. Si looga hortago hantida ummadda oo la iska isticmaalo, iyada oo aan xeer jidayn, waxay xukuumadaydu taariikhda Somaliland markii ugu horeysay meelmarisay in sannad walba xilligii loogu talogalay ay u gudbiso Golaha Wakiillada Miisaaniyadda Qaranka.
5. Sidoo kale, waxaannu diyaarinaa sannad kasta Xisaab-xidhka, una gudbinaa golaha wakiilada.
6. Waxaannu samaynay xeerar muhiim ah, kuwaas oo loogu talogalay in ay xakameeyaan xatooyada xoolaha ummadda, isla markaana sugaan Nidaamka Hufnaanta iyo Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda, Public Finance Management (PFM).
7. Xalaal iftiin baa la qashaa, waxaan ahay Madaxweynihii Somaliland ee ugu horreeyey ee ogolaada in mushahar sugan loo jaangooyo.
8. Murti Somaliyeed ayaa tidhaahda (Xero bahal ku jiro, xoolo kuma dhaqmaan). Hufnaanta iyo hawlkarnimada xukuumadaydu waxay kor u qaaday dakhligii dalka oo aan ugu imi sannadkii 2010 Miisaaniyad dhan 310 Billion oo Somaliland Shillin ah oo u dhiganta $47 Million oo Dollar, halka ay ka tahay Miisaaniyadda 2016-ka ee dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyeen 1 Trillion iyo 128 Billion oo Somaliland Shillin ah oo u dhiganta $203 Million oo Dollar.
7. Garsoorka iyo Cadaaladda
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Cadaaladdu waa tiirarka udub dhexaadka u ah jiritaanka ummad kasta.
Nidaamka Garsoorka Dalka waxa muddo dheer ka jiray cabatinno iyo cadaalad darro aan yarayn, kuwaas oo guud ahaan wiiqay sumcaddii Maxkamadaha. Nasiib wanaag, tan iyo intii aan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Aadan Xaaji Cali oo ah aqoon-yahan dhallinyaro ah, waxa abuurantay yuhuun iyo yididiilo hor leh. Haddaba, si loo taabo geliyo cadaalad tisqaada iyo isbeddel wayn oo ay ummaddu mahadiso, waxa qorshaysan in aynu sanadkan fulino arrimahan:
1. Aasaasidda Mac'hadka Tababarka Garsoorayaasha, Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hawl-wadeenada kale, si kor loogu qaado aqoontooda.
2. Alifaada Xeerka Xuquuqda Bahda Garsoorka.
3. Aasaasidda Library iyo Xarun Cilmi Baadhiseed oo u gaar ah Bahda Garsoorka iyo Qareennada Kaalmaynta Sharciga.
4. Aasaasidda Guddida Dib-u-eegista xukunada ay soo saaraan Garsoorayaashu.
5. Duubista dhagaysiga dacwadaha ka socda Maxkamadaha Gobollada, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex.
6. Aasaasidda Xarunta Kaydka Bahda Garsoorka.
7. Balaadhinta Maxkadaha guur-guura iyo nidaamka maamulka iyo maareynta dacwadaha, si ay dad weynaha ku nool tuulooyinka loogu dhaweeyo Adeegga Maxkamadaha.
8. Balaadhinta Guddida Daba-galka iyo Kormeerka Garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliayaha Guud oo la gaadhsiiyo heer gobol iyo heer degmo.
9. Dhismayaasha Xarumaha Maxkamadaha:
10. Kordhinta Mushaharka Bahda Garsoorka.
11. Samaynta iyo Xoojinta Xidhiidhka Maxkamadda Sare la leedahay Maxkamadaha Sare ee Dalalka aynu jaarka nahay.
12. Qiimaynta Garsoorayaasha Dalka iyo dardargelinta Guddida Cadaaladda.
ILAAHAY BAA GALAD LEH,
GUULNA QARANKEENAA LEH,
DHAMMAAD,



Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...