Obama Oo Khudbadii Ugu Dambeysay
Jeediyey
WASHINGTON DC—
Isaga oo
jeediyey khudabaddiisii toddobaad ee qaranka, ahaydna tiisii ugu dambeysay,
ayaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu ku faanay guulihii uu gaaray,
waxaana uu diiradda saaray mustaqbalka.
Obama oo
hortaagan xubnaha congress-ka Mareykanka, ayaa u muquday nin degan, oo
niyadsan, wuxuuna tusmeeyey baahida loo qabo in Mareykanka uu ka bogsoodo
siyaaasadda sida qotoada dheer u kala qeybisay Mareykanka.
Obama waxa
uu sidoo kale mararka qaar si aad ah u dhaleeceynayey xubnaha Jamhuuriga ee u
baratamaya sidii ay isaga ugala wareegi lahaayeen xafiiska.
Waxa uu si
gaar ah u dhaliilay “Siyaasadda dadka ku beegsatay sababo la xiriira jinsigooda
iyo diintooda”, hadalkaas oo loo arkay inuu ku weeraray Donald Trump oo doonaya
in muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka.
“Marka siyaasiyiintu ay aflagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la weeraro, ama ciyaalka la harowsado, taasi nagama dhigeyso ammaan, waana qalad” Ayuu yiri madaxweyne Obama.
“Marka siyaasiyiintu ay aflagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la weeraro, ama ciyaalka la harowsado, taasi nagama dhigeyso ammaan, waana qalad” Ayuu yiri madaxweyne Obama.
Obama waxa
uu sidoo kale kuwa isaga kasoo horjeeda ku weeraray arrimaha dhaqaalaha, isaga
oo leh “Qof kasta oo ku doodaya in dhaqaalaha Mareykanka uu hoos u dhacayo, waa
qof ku sugan xaalad qiyaaali ah”.
Isaga oo ka
hadlayey arrimaha dibedda, Obama waxa uu qiray halista kooxaha argagixisada ah,
sida Daacish oo caalamka ka fulisay weeraro badan oo dhimasho leh. Hase yeeshee
waxa uu sheegay in xagjiriinta Islaamiga ah aysan halis ku ahayn jiritaanka
caalamka, isaga oo u digay kuwa ornaya in dagaalkii saddexaad ee dunida uu soo
socdo.
Obama ayaa
xafiiska ka tagaya bisha January ee 2017, ayada oo Mareykanka uu dooranayo
madaxweyne cusub bisha November ee 2016.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Comments
Post a Comment