Marka la eego aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, waxaa laga filan karaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in arrintu u leexato dhinac positive ah, inkastoo aanay noqon doonin aqoonsi toos ah. Waxaa si macquul ah loo saadaalin karaa qodobadan:
1. Xakamayn doodaha adag
Maraykanka, oo ah xubin joogto ah oo Golaha Ammaanka ah, wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo ama xakameeyo doodaha lagu cambaareynayo Israel ama Somaliland,
2. Ka hortag go’aan cambaarayn ah Aad bay u yaraanaysa in Golaha Ammaanka uu ansixiyo: Go’aan si cad u cambaareynaya aqoonsiga Israel, maaddaama Maraykanku u arki karo arrinta mid dano istaraatiiji ah la xidhiidha.
3. Baaqyo dhexdhexaad ah
Waxa ugu badan ee laga filan karo waa:
baaqyo ku wajahan xasiloonida gobolka iyo Wada-hadal siyaasadeed, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah kuwaas oo ah luqad dhexdhexaad ah, kana fog cambaarayn toos ah.
4. Kor u qaadista muuqaalka Somaliland
In kasta oo Golaha Ammaanku aanu bixin aqoonsi, haddana ka hadalka arrinta Somaliland ee miiska UNSC wuxuu u dhignaan karaa arinta Somaliland mid caalami ah, taas oo ah horumar siyaasadeed oo ay gaadhay Somaliland.
5. Saameyn mustaqbal leh
Taageerada ama aamusaanta Maraykanka:
Waxay dhiirrigelin kartaa dalal kale (gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ama xulafada Israel) inay qaadaan tallaabooyin diblomaasiyadeed oo u janjeedha Somaliland oo ay ku aqonsanayaan!
Abdiaziz Jama Haji Cami
Political and Security Analyst
Hargeisa Somaliland

No comments:
Post a Comment