Sunday, 28 December 2025

Maxaa laga filan karaa Golaha Amaanka Bari Qadiyadda Aqoonsiga Isreal ee Somaliland!

 

Marka la eego aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, waxaa laga filan karaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in arrintu u leexato dhinac positive ah, inkastoo aanay noqon doonin aqoonsi toos ah. Waxaa si macquul ah loo saadaalin karaa qodobadan:

1. Xakamayn doodaha adag

Maraykanka, oo ah xubin joogto ah oo Golaha Ammaanka ah, wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo ama xakameeyo doodaha lagu cambaareynayo Israel ama Somaliland,

2. Ka hortag go’aan cambaarayn ah Aad bay u yaraanaysa in Golaha Ammaanka uu ansixiyo: Go’aan si cad u cambaareynaya aqoonsiga Israel, maaddaama Maraykanku u arki karo arrinta mid dano istaraatiiji ah la xidhiidha.

 

3. Baaqyo dhexdhexaad ah

Waxa ugu badan ee laga filan karo waa:

baaqyo ku wajahan xasiloonida gobolka iyo Wada-hadal siyaasadeed, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah kuwaas oo ah luqad dhexdhexaad ah, kana fog cambaarayn toos ah.

4. Kor u qaadista muuqaalka Somaliland

In kasta oo Golaha Ammaanku aanu bixin aqoonsi, haddana ka hadalka arrinta Somaliland ee miiska UNSC wuxuu u dhignaan karaa arinta Somaliland mid caalami ah, taas oo ah horumar siyaasadeed oo ay gaadhay Somaliland.

5. Saameyn mustaqbal leh

Taageerada ama aamusaanta Maraykanka:

Waxay dhiirrigelin kartaa dalal kale (gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ama xulafada Israel) inay qaadaan tallaabooyin diblomaasiyadeed oo u janjeedha Somaliland oo ay ku aqonsanayaan!

Abdiaziz Jama Haji Cami

Political and Security Analyst

Hargeisa Somaliland

 

Maxaa laga filan karaa Golaha Amaanka Bari Qadiyadda Aqoonsiga Isreal ee Somaliland!

  Marka la eego aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, waxaa laga filan kara...